Chat | Guest Book | Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

          Hees Abdinuur                   ====BOGA SUUGAANTA DAAWEEYE IYO Maxamuud Abdilahi Rooble

Gabaygan waxaan ugu magacdaray shanqadhweyn sababtuna waxay tahay ka dib markii uu Abwaanka qaali ah ee aanu saaxiibka nahay
Abwaan Bashir Sheekh Cumar Good uu helay dhawr gabay oo aan dhawaan isaga si gaar ah ugu diray Jawaabteediina uu kusoo
celiyey "Walaal Gabayadaadu shanqadhweyn ayey soo wadaan runtii waxaanan ka dhex sawiranayaa Murtidii Ugaas Nuur" sidaa
awgeed ayaan gabaygan ugu magac daray shanqadhweyn aadna mahad weyn ayaan Abwaanka nooga horeeyey suugaanta Soomaalida ee
Abwaan bashir Sheekh Cumar ugu mahad celinayaa tilmaantaa iyo hogatusaaleynta hiyi galintu ku dheehan tahay. Gabaygan oo
xarafka shiinka oo abwaaniin badani ku tilmaamaan inuu xadidan yahay helista suugaantiisuna ay ku xidhan tahay hadba intuu
hibada Eebe kuu siiyo ayaa waxa tiriyey Abwaan Maxamuud Cabdilahi Rooble tariikhdu markay ahayd 04,07,2008. Kani waa qaybtii
kobaad ee shanqadhweyn.

Wuxuu yidhi:
Shanqadhweyn hadaad sheegtey waa ,sheeko yaabadane
Hadaad shallow kasii dhici runtaan ,shayba loo dhigine
Sida shaaca waaberi murtidan, sharafta loo yeelay

Qasab kuma shirbeeyee ,shugriga Eebe waw mahade
Waa shamista muuqeeda iyo, kaymo shaalimane
Waa shaacir hadalkuu yidhaa, shayba loo dhigine

Waa sharaf dahsoonayd hadaan ,ceel ka soo shubaye
Shuxshux maaha suugaanta waan, kala shubaayaaye
Sharna maaha duulan coloo ,shaahidbaad tahay


Sharcigeeda ruuxaan aqoon, sheegi kari waaye
Shuruudaha ragii hore dhigaa ,lagu shakaalaaye
Intaan shaal usoo xidho ayaan, shaylihii dhigiye

Sida gabadh garays loo shushubay, shaadirkiyo luulka
Oo sheekh kusoo fooleh iyo, meherna loo sheegay
Oo dumar la shawshawrayaa, shaykastaba saaray

Heelada shirbiga loo tumiyo, sharaxa nuuciisa
Haween wada shareerani shaxlayn shagax ka siinaayo
Oo shaahid loo yeedhay iyo odayo shaalweyna

Shifo haw ahaatee ninkii shidena eegaayo
Kaba shaagle duukhiisa helay sheeko laga reebye
Luul shubcayb ku hoosjiriyo waa, dheeman shalaxlayne
Shabadaa ninkii helay kolay ,wuu shabacayaaye

Hadaad shicirka dawgiisa iyo sharafta loo yeelo
Ama aad shucuutriisa gabay ,shiinka ka hingaadin
Waa inaad shareecada martaa, shakina waa ceebe

Sida sheekh kitaab shubaya oo ,shayna ka hilmaamin
Shalilaha haduu seego waa ,sheeko baralaye
Shibanaha xuruuf lagu xardhiyo shaqalo waaweynba

Waa inaad wuxuushtoo dhaniyo shiin wixi galaba
Shaydaan kolay tahay murtida sheegto camalkiise

Shaqalada hadaan sii dhexgalo, amase aan sheego
Shimbiraha cirkaa duulayee, samada sheexaama
cirka shawle heegada shax tidhi, waqalka sheemaaya

Xareed shuluqleh doogii dhulkoo ,shaarubaha qoystey
Oo shagagax roobkii uda'ay ,dhibic ku shayshaydhay
Geedaha shuxmanayaa caleen, shaala wada haysto
Shoomaasi aan lagu ogayn, shoona laga naarye
Nin shifaysan waayaa ma garan ,shaafiyow nabade
Balaayada shinkeedii galaa ,loo shan tumayaaye

Markii shimiqda hoos loo yidhay ,shiiqday nabadiiye
Laye shaaha ii qaad anaa ,shaadhcad kuu galine
Maamuus shilayskay lahayd ,shay kamuu hadhine
Shaarubo libaaxbay gashiyo ,shilin afkeediiye

Nimanyahow sidii sheekhu rabay, looma shaawirine
Shiri edega foorara sidii ,shacaw abaar jooga
Hadii neef urtiisa amkaday ,shufati shiixaamo
Oo xero shabeelkii u dhaco ,ina shadeed qaado
Shuu inaad tidhaahdiyo inaad, shib iskasii joogto


Shuxshux hoose way nala hadhoo, shaaxid baan ahaye
Qalbigu wuxuu shanjeer soo tufaa ,shid iyo waabaye
Labadaa inaad sheegtid baan ,kaa shin sugayaaye

Hadaad shicirka dawgiisa iyo, sharafta loo yeelo
Ama aad shucuutriisa gabay ,shiinka ka hingaadin
Waa inaad shareecada martaa, shakina waa ceebe

Sida sheekh kitaab shubaya oo ,shayna ka hilmaamin
Shalilaha haduu seego waa ,sheeko baralaye
Shibanaha xuruuf lagu xardhiyo, shaqalo waaweynba

Waa inaad wuxuushtoo dhaniyo ,shiin wixi galaba
Shaydaan kolay tahay murtida, sheegto camalkiise

Waaloo shintiriyaa murtida ,tii shilays badane
Dhegahaaga waanada ku shubo ,shay kalaa dhimane
Sida sholimaad waqaf catilan ,ilo muquul sheeney
Ama sheekh dadkii uu mudnaa ,sheeda uga baydhay

Ama ceel ragii shubi lahaa ,baladka shaaxaayo
Ama shacab dantoodii ka biday ,sheeko iyo haawi
Dareenkaa i shiday iyo dhibtaa ,shaadhka loo tolayo
Shisheeyuhu dhibtuu geysto waa ,laga shangaadhaaye

Sharka dariska kaa soo galaa ,shayba loo dhigine
Shoocaaliga racwiga ay wadaan waa ,mid sheed tagiye
Shariiryaha danbaha saaran iyo ,xumaha shayeysan
Anigoo sharookh filaya iyo ,sooryo sharafteeda

Shiraaqyada utolo meel cidlaha ,wayla shaykale e
Anigoo shaleewimo is idhi ,shacabku naweeli
Hadii niman naflaha wiirsi shubi, ila shicwaw loolo
Shiigaari nooliba marbuu ,shalaw ka boodaaye

Shiqi Eebe diidiyo hadii ,shafati loo heeso
Shaafici kitaabkiisa way ,kala shidoobeene
Shufshuftii ruqaansiga haduu, shanabadii soohay
Shaharkaa bilawduu u baxay ,camalkii shaydaane

Shegyi hadimo loogsaday ,shujaac looma shaawilo e
Shilka dhacay anoo filaya inuu, shacabku dhawraayo
Walee niman shukaysani sidii ,habar shilasdhaftey

Intii laigu sharaf raadsan laa ,aniga oon shaashin
Cadaab shidan inaan dubuq idhaa, amase aan shiilmo
Ama sheeda aan uga baxoo ,sheego magacayga

Shuxshux hoose way nala hadhoo, shaaxid baan ahaye
Qalbigu wuxuu shanjeer soo tufaa, shid iyo waabaye
Labadaa inaad sheegtid baan kaa, shin sugayaaye


Shamis iyo ilays muuqda oo,lagu shuraakoobo
Shafka waxaan ku haystiyo hadaan ,sheego malahayga
Dhaxaan shib soo wada marnee ,shaaca kaga qaado
Sharadbaan ilaahay la maray ,inaan ka shiixayne


Shiki maleh inuu reer tolkay, sheekhyo leeyahaye
Iyo sheybayaal taliya oo shubi, aqoontiiye
Inay shawrto ooy wada shirtoo, midina sheed aadin
Iyo inay shirqool adag gashoo ,sheeko laga reebo


Shuraakada wanaag lagu galaa ,lagu shingaadhaaye
Sharkanaxa naxligu leeyahay ee, shilinka loo raaco
Markay wada shidowday galeen, beled shishaade
Shixnad maaha reeruhu la gayn, shiilo iyo dheege


Ninka sheeko hadal moodayow ,shaahid waataniye
Shafeecada kuwii lagu ogaa ,sharaf ma haystaane

Shanqadh baa ku xidhan reerihii ,shiine soo diraye
Shido iyo wixii shoog kumaray ,shaaluf iyo ciilba
Bal inuu dadkani sheesi yahay ,amase shii joogo

Wixii shalay nasoo maray ayay ,shaadh u tolayaane
Shaxda jagida ways kaga kulmaan, magaca sheedaaye
Hadana sharaftu gaarbay u tahay ,sheelan tii mudane

Dhulka kii shaxsoon ee nirguhu, shamayda laacaayo
Iyo shaarac doog aan ka bixin ,kala shiciin roone

Shuxa roob dabayluhu wadaan ,tifiq shalaaxiisa
Mahiigaan shinkiisii socda oo, karan ka soo shawleh
Iyaguna inay kala shubteen ,shuqulku weeyaane

Shugri uguba oo sheekhii dhalay ,edeb ku soo shaaley
Shacni iyo wanaag lagu galaday ,waa shifiyo deeqe
Iyo tii shaxeex aan lahayn ,lagula shawshawro


Adiguba inaad shaahid tahay ,tii la sharaf siiyo
Labadaasi inay kala shubteen ,shuqulku weeyaane

Hadaad shicirka dawgiisa iyo ,sharafta loo yeelo
Ama aad shucuutriisa gabay ,shiinka ka hingaadin
Waa inaad shareecada martaa, shakina waa ceebe


Sida sheekh kitaab shubaya oo ,shayna ka hilmaamin
Shalilaha haduu seego waa ,sheeko baralaye
Waa inaad wuxuushtoo dhaniyo shiin wixi galaba
Shaydaan kolay tahay murtida ,sheegto camalkiise


Shalaytada shiftadu soo wadiyo ,xumaha soo shawleh
Ogobeey shirloo uunsiyaa ,shiday dhulkeeniiye
Shabaxsami Malaha seega waa, lagu shidoobaaye

Nabadii dadkani sheegan jiray, nimankan shaasheeyey
Hadii faras gamaanoo shin jiray, goodi lagu shaamo
Markuu garabku shoocaamis galo ,damaqu sii shaaco

Shanqadhkale mayeeshee ,shafkuu sarey utaagaaye
Orodkuu shaxaadaa Calow ,shilix ka liicaaye
Shakaalkaba markuu tuuro bay ,doqoni sheegtaaye


kolka inay shahiid taagan tahay, shuqulsi leexeeyey
Lufadii shatiga naawilside ,shuushkiibaa helaye
Shareeradi intey kula odolin, nabadu sii shiiqin


Inaad shirar samaysaan aduun ,shoobi laga waaye
Oo aad shujaac leedihiin ,shida aloogtiina
Iyo inaad shirqoolkaas rabtaan ,taniyo shaanshaanba
labadaa inaad sheegtid baan ,kaa shinsugayaaye


Hadaad shicirka dawgiisa garan, sharafta loo yeelo
Ama aad shucuurtiisa gabay ,shiinka ka hingaadin
Waa inaad shareecada martaa , shakina waa ceebe
Sida sheekh kitaab shubaya ,oon shayna ka hilmaamin
Shaliilaha haduu seego waa ,sheeko baraleye
Shibanaha xuruuf lagu xardhiyo, shaqalo waaweynba
Waa inaad wuxuushtoo dhaniyo ,shiin wixi galaba
Shaydaan kolay tahay murtida, sheegto camalkiise

Sanqadhweyn Qaybtii 1aad
By/ Abwaan Maxamuud Cabdilahi Rooble
Tafatiraha Saylac.com
email: Saylacnews@yahoo.com

 


Gabaygani wuxuu soo baxay Jun,22,2007 Wuxuuna Taageerayaa Maansadii Roda X. Misan ay ka tirisay Shirka Awdal ee ee Waqooyiga Amerika . Shalay ayey Rooda Ila soo Hadashay waxaanan u sheegay inaan aad ugu faraxsanahay Maansada ay tirisay waxaan jawaab ugu diray sidatan:

Guubaabo gabaygii ahaa garasho weeyaane
Guux buu la soo baxay arlada geli wanaagiiye
Geeraar da'weyn oo la hubo mudan garaadkeed dheh
Gororkii murtidu ay lahayd gabagabayntii dheh

Dabaylaha gugii soo wadiyo gugac sidii dheh
Gamboolay dhamaanteed ilayn garani maayaane
Gorgor xaytey geenyada gilaman haadka galawlayni
Gaax soo baxaysiyo murtida guudka loo dabay dheh
Godol waayo reeruhu sugeen gorof ka buuxeed dheh
Gidigood haweenkaba hadaad gees iskugu keento
Erayadan garaadkoodu muu gaadhin waligiise
Guncad caano laga maalay iyo gabay wanaagiisdheh
Garaaraha ku yaalan arkaa waa gayaan wacane
Gabalkoo dhacaayiyo aduun muuqa galabeed dheh
Jidhkaa iga gariiree wanaaag gabi ahaantiidhe
Golihii habaasweyne iyo jidhi garooceed dheh

Xareed laas gundhow laga dhamiyo gaaxo hadalkeed dheh
Galey reero beerteeb diraac garani maysaane
Hadhuudhkoo guntii wagac tidhiyo guus ku soo baxay dheh
Geedweyne laamuhu gunteen waa gahayr baxaye
Giirqaarka layskuma wacee gibilcad muuqeed dheh
Guntin hadalku uu leeyihiyo eray gobaadkiidheh
Kuma foofto geyr laasimee geedi socodkii dheh

Gadaaf gartii loo dhigiyo, gogoldhigeedii dheh
Geesiyaal dagaal lagu ogaa, goolka loo qalay dheh
Gawriir tilmaan dhaaftey iyo gudasho xoogweyn dheh
Gurcud-dama dadkoo taagan madaw gabal ku soo fooleh
Oo muuq garaaracan watoo uunka wada gaaray
Oo gudub u kala baxay falaadh geeskastaba geeyey
Ilays gurux sidiisii socdiyo guuyo sharafeed dheh
Gaalaadhi karantoo huftidhi gubankii hoosaadheh
Ganacsade macaash buuxsadoo farax la geygeyleh
Guule mahadii weeyee dareen soo gadaad baxaydheh



Galbeed sharafta lagu oogay iyo Awrdil garabkeed dheh
Galbiskii wacnaa iyo gadii awdal Gacalkeed dheh
Gudin xumaha goysiyo wanaag guudka loo dabay dheh
Guutooyin gulufkay wadaan guux ka soo baxaydheh
Gabagabo murtidu leediyo guulo xeel sida dheh
Ganbo dumarku way wada xidhaan goor iyo ayaane
Tixo gaamuroo lagu ogaa gacalkay raadkiis dheh
Waran geesi tuuriyo gamuun ganid waxsaarkeed dheh
Gudbin xoogleh oo lagu ridalay goodir geed galay dheh
Gaadiid wax qaadiyo amuur Awr isgarab joogta
Oo gaafka socodkay wadaan geedi loo rarayo
Talaabada markay wada gudbaan waa gudoon kale e
Gooh kama baxee waxay socdaan gabaldhacweeyaane
Hadii geesigii waday colaad lagu gax siisiiyo
Oo qaar u sii galay gundigu weerar gabaxsiiyo
Dibu gurasho loogama fadhiyin waa guhaad jira e
Waa inuu guntiga giijiyaa guuldarow darane
Hogaankii u saarnaa garbaha geedka sare saaro
Ilaa uu ka go'o weyna gedin gorayacawshiiye
Adiguna gadeedaad tahiyo guri ardaagiiye
Gadabuursi waa lagu ogaa gacalwaniigiiye
Iyo geesiyaal aan aqoon geeri baqadkeede
Gartaa weeye maantana inaad geed iskugu keentid
Gartaa weeye inaad gaariyahay halo garwaaqsiisay
Gar islaam ayaa wada lahoo guule ugu deeqye
Gartaa weeyi inaad guurtidii erayo gaadhsiisay


Gada kale hadaan sii guroon gaadho hadafkeeda
Oon erayo gaashaaman rido waa gadaan rabo e
Haduunbuu sidii geel irmaan soo garwaaxsadey e
Gariguba markuu daaq yidhaa hawd iswada gaadhay
Kama goosto geedaha dhulkee boodhku garab yaale
Laamaha la gaadhayn ayuu garab istaagaaye
Guudkuu ka daaqaa midhaha gooriyo ayaane
Ana gabayga waan kala guraa sida garaadkiiye
Goos-goos ayaan ugu qoraa loox igarab yaale
Goortu aadmi wada seexdo ee guuxu kala guuro
Ayaan gooni ula soo baxaa hadal la gaadhaaye
Isagoo gudoon wacanabaan kala gun gaadhnaaye
Sida aar la ganay waa inaad guuxdo abidkaaye
Geeraar wanaagii hadaad abid uguuxaysid
Waa inuu ku gaadhaa xanuun gaadha oogadu e
Inaad hadalka gaagaabsatoon ruuxba kaa garane
Galiilyoodayeey waa inaad hadal ku goysaaye


Nabsi wuu gudaa mabase guuro abadkiiye
Ruuxii gaf kaa galay isagu wuuna garanayne
Gocashada xanuunkaleh xusuus waa gadaan qaba e
Hadii reero geestaada yaal la isla garan waayo
Gujadiyo haday kugu hayaan eex isgarab taala
Oo galbeed kuwii lagu ogaa dhibi ay soo gaadhay
Intaan geeb qaxwa ah laga helayn reero gabigoodba
Geeraar wanaagii hadaad abid uguuxaysid
Waa inuu ku gaadhaa xanuun gaadha oogadu e

Inaad hadalka gaagaabsatoon ruuxba kaa garane
Galiilyoodayeey waa inaad hadal ku goysaaye


Sidii geesi hiilwaayey oo gacaladuu haystey
Iyo gabankii uu maali jiray ee uu garab joogay
Intay niman colaad goobayii waramo guudsaartey
Garbaduub intay hoos wadheen geedka dacalkiisa
Oo biri magaydii caruur gacaladii laayey
Kala guuray maalkuu lahaa guri ba weeyaane
Geeraar wanaagii hadaad abid uguuxaysid
Waa inuu ku gaadhaa xanuun gaadha oogadu e
Inaad hadalka gaagaabsatoon ruuxba kaa garane
Galiilyoodayeey waa inaad hadal ku goysaaye


Sida Calanka guudkeena sudhan ee aad garanaysid
Oo gayiga uu yeelan jiray lagu guboo qiiqay
Oo gobolkastaa goonidii dhibi u gaadhayso
Oon garan dhibtey soo wadiyo magacan guuraaya
Oo xabashi gaalihi damceen badahan guuxaaya
Geeskastaba ka eegoo wanaag laisku garan waaye
Markuu geedkastaa ololobay Guule baridaaye
Geeraar wanaagii hadaad abid uguuxaysid
Waa inuu ku gaadhaa xanuun gaadha oogadu e
Inaad hadalka gaagaabsatoon ruuxba kaa garane
Galiilyoodayeey waa inaad hadal ku goysaaye

Sida gaari wacanoo qurxoon oo lawada goobo
Oo guudka dabatoo indhuhu kaba go'ayn muuqa
Oon garan waxay damacsantahay gooni socodkeeda
Gadaa waxay guyaal sii wadaba way galaalaxane
Dhabankeedu goortuu gudhay garan wanaagiiye
Guurkana Ilaahbaa baxshee gaadhin calafkeedu
Oon gama an ladin oon lahayn gacal u yeedhyeedha
Geeraar wanaagii hadaad abid uguuxaysid
Waa inuu ku gaadhaa xanuun gaadha oogadu e
Inaad hadalka gaagaabsatoon ruuxba kaa garane
Galiilyoodayeey waa inaad hadal ku goysaaye

Sida ruux jacayl gubay naftii oonan garab haysan
Oo goorta uu garab yimaad ruuxu garanaayey
Nafta gucashadeediyo hamigu aanu kaba guurin
Oo hadalka guudmara markuu gacaladii eego
Hayeeshee indhaha galaclihiyo uurku gabanoobey
Inaad hadalka gaagaabsatoon ruuxba kaa garanin
Geeraar wanaagii hadaad abid u guuxaysid
Waa inuu ku gaadhaa xanuun gaadha oogadu e
Galiilyoodayeey waa inaad hadal ku goysaaye

Gundhiciyo ujeedada hadaan hoos ugarab raaco
Oon geeyo goluhuu lahaa lagu garqaadaayey
Walee gabayga aad sheegtey waa midho gobaadkiiye
Geeraar haboonbuu ahaa uunka wada gaadhye
Gobtii liicday oo soo kacdiyo waa garaad sare e
Waa gaax qarsoonayd murtida garabdhigeediiye
Ku galaashay odayada hortey gabayo waaweyne
Geeraar wanaagii hadaad abid u guuxaysid
Waa inuu ku gaadhaa xanuun gaadha oogadu e
Galiilyoodayeey waa inaad hadal ku goysaaye

Abwaan Maxamuud Cabdilahi Rooble
saylacnews
email;saylacnews@yahoo.com

 To. Mohamoud  Abdilaahi Rooble
 
Cabdilaahi Roobloow
walaalkay rumaadoow
Gobanimo raggeedoow
Raganimo ninkeedoow
Reebaha xumaantoow
Ruugaha quraankoow
Runta taliyeheedoow
Riyo kuma habaaboow
 
Ratigeeni Sulubee
sidi jirey rabaalkee
Ridi jirin karbaashkee
Rudhi jirey maraagee
Raamsiga wacnaabaan
sharaf kuugu soo raray
 
Cabdilaahi Roobloow
walaalkay rumaadoow
Gobanimo raggeedoow
Raganimo ninkeedoow
reebaha xumaantoow
Ruugaha quraankoow
Runta taliyeheedoow
 
Raamaale qudhacoo
xalay roobki helay oo
Raysiyo udgoonloo
Dhaameel ruxaayoo
Ubax ragax ka siiyaan
Raxmad kuugu soo diray
.......................................
.......................................
 
Abwaan Daweeye

Jun,13,2007 Daaweeye farikama qodna

>>Dhismagabay dhawaaqiyo xigmadi, dhalasho weeyaane
lama dhiirigeliye e Allaa, dhiiba oo hura e

Hawacaafimaad iyo Himiloqaran' Gabay
By/Abwaan Axmed Warsame Hassan 'Daweeye'
May,30,2007

1. gacmo hoos u jeedoon aqoon hooda bixinteeda
2. hebed inu gudoonkaagu yahay amase hiihraac ah
3. eex lagu harraatiyo xaqoo hibasha dheer keenta

Gabay> RIIQASHO

Raadraaca suugaantu, waa raasamaal jira e
Waa geed rucweynoo ku yaal, raas qabowbadane
OO rucubta saarani indhaha, raaxo galisaaye
OO ruxid aan kaa rabin, runbaa lagu hagaagaaye
Dareemada ridada uga baxsani, waa radaab kale e
Raamaha waxay ula baxdaa ragagax weeyaane
Rashbaa lagu ogaa garab dagiis, riixo xididkeede
Waxa rimiyey heegada rax tidhi dhibic rataaleyne...

Gabay >IQRA

Iqra weeyi odayadu waxay eega filayaane
waa abaqa guudkiisa iyo unun diraac taale
Waa oogta waabariga iyo idan Ilaahaye
Aleelada ku taal baan arkaa aragsamaanteede
Waxa adhaxda kaga yaali waa ayaatiin wacane
Uhda laga abuuraan ogoo waa udgoon taniye....
 

Gabay>MIDIDIN GAALO

Maryaa dumarka laga siibayee muhasho loo qaawin
Ee diinta lagu maagganyahay mahadho weeyaane
Ninka masuulka laga saarayaa maandhow waa adiye..
...

Ateye Abwaanka soo dhawow ku dheh:


Deeqsiga  aftankeed wadaan dooji leeyahaye
dardar geli ayaan leeyahiyo darajo sii saare
sahanbaan udiri duuda iyo door dhulkaan maraye 
diiwaan qasriya udagaan dayr kusoo xidhiye
dugsi weeye lagu diirsadiyo deeqsigaa jira e

dilka iyo xumaantuu nacaa diif wixii wada e
daciifkiyo agoontuu ilayn daadahayn jiraye
dumarkii ragoodii la dilay duhurdharaareedna
ruuxii daneeyuu yidhaa Doodibaad tahaye

sida boqor dulqaadbadan hayoo deeqsimaad badanleh
danjiraha dahsooneed wadaa dawgibuu helaye
maskax dararsan buu soo wadaa daayin abidkaye
darasaad fogbuu soo wadaa dowgu suu yahaye
aniguna darkaygaan lawadi deelwuxuu raba e
darandoori suugaanta waan dari aqaanaaye
darka hoose eeyleedahaan  dawlis soo sudhiye
daraasaad inaan wada galoon damalna foofgeyno
daba socod mayeelee murtida darartey soo daadheh

Mohamoud Abdilahi Rooble

April,06,2007 Maansadan waxay daba socotaa tusoolooyin dhawra oon siiyey Umadu inay qataan isku dana ahaadaan danta gaarka ahna meel dheer dadka uma wadee la iska dhaafo ta guudna la eego si umadu horumar u hiigsato. kuwa wanaaga neceb ee dadka ku dhex dhuumanayana dadku iska garto runtana loo sheego .
 

---Tusaale----
tusmada hore eetidhaay          

talaabadu saarantee
inaan tiir adag dhisnoo
midkeena tamarta daran
tageero wax siinta iyo
toliinbay naga rabaan
tola'ay hiil kuuma tarin
inuu talan taaliyoo
talaabada igu dariyo
inuu tooyo ciil aan goin     
inuu taaha uun ku jiro
haday tamartiisu tahay
Tubeec hawlbaa u taal!
=====================

Ragaa tashadee tadhahay
Dayaxa inay tiigsadeen
Inay tamashlaynayaan
Tiriiga iftiimayiyo
Tacliinta ayaa tustee
Dhibaatada tii horena
Tafsiirkeeda kii wadaa
Talaabo ayaa haboon
Inlagu tuuntuunsadee
Tola'ay hiil kuuma tarin
=====================

tafaha aad xaydateen
tiiftiifada aad wadaan
tantoomada tii xun iyo
tooxada layskuma dayee
Tijaarad hadaad rabtaan
taagaa sare ee la tagey
Tubteedaan kula rabaa
hadaad tiigsan toohinyawow
talaabada sarey u qaad
tuntuumi dhexsaarka iyo
taygani qoortaada sudhan!
Tubeec hawlbaa u dhiban

==========================
Tahluuga kuwaa wadee
Tirijay qoortooda ee
Tastuur siday noo wadaan
Tahniyad cay nooga dhigay
Teleefon hadaan ka hayo
Taftoodaan goyni laa
Tubeec Hawlbaa u taal
===================

Tawaawucu wuu dhibaa
Tolkaagu haduu maqlee
Tiiraanyana kama baxaan
Agoontii lagu tuntana
takoor lagu hoogo iyo
Tasow baa laga helaa
Tubeec Hawlbaa u taal!
================

Tartiib baan ugu dhegee
Tusaale wanaagle iyo
Kuwii taran keena dhigay
Tabtoodiibaan maree
tabaabulshahaan ugalay
Tufaaxaa aan  u guray
Haduu Taawi aada yahay
tilmaanta uu maagan yahay
taagteeda haduu hayana
tolahay hiilkuma tartee
Tubeec hawlbaa u taal!

==================

Duulkii talo foolxun iyo
Tiriig shaydaanku lulay
Waxaad i tidhaan ku idhi
Adaa igu yidhi midkaa
Anigu kuma odhan midkane
Hadaad wax tidhoodan odhan
ninkii kugu yidhi midkaa
ii sheeg anigaa ku odhan
hadmaan kugu idhi midkane

Tacliiqu halkuu ka yimid
Tororog beenaad wadaan
Wixii tarankeena jaray
Ayaad daba taagantiin.
Tubeec Hawlbaa u taal!
=====================

Takoorkan aad soo wadaan
hadii aan taag u helo
Taxaab adag aan ku xidho
Taloogbaan geyni laa
tola'ay ciil kuma tartee
Tubeec Hawlbaa U taal.

qaybta kale la soco--


Mohamoud Abdilahi Rooble

saylacnews
 

April,06,2007 Gabaygan Hoori aan ugu magac daray waxa uu ku socdaa raga doonaya inay wiiqaan kulanka taariikhiga ah ee Jaliyada reer Awdal ee Waqooyiga Ameerika degani damacsan yihiin inay isku arkaan, danaha guud ee umadana kaga hadlaan bisha Juun ee sanadkan . kuma socdo qof gaara balse wuxuu ku jeedaa qofaf dhawra oon jecelahay inay dhawraan danta guud.  Waana kan:

       -  -Hoori-- GABAY
Hawraar horlaan kuu hayaa sida halyeygiiye
Hasaawibaan leehay  yey habaabgaline
Sida hawda karantoo ka da'ay Halisiyo guudkeeda
Markaan haybta suugaanta galo een heelo tirinaayo
Hiinraag ragbaa uga baxa inay heleen weedhe
Iyadaa isoo haybsatoo heenshay waa hore e
Maantana halbaan doonayaa inaan hingaadshaaye
Ninwaloowba heensaha u furo hoohey waatani e
============================================
Hadii aad hurdada sii wadaan idin hidaawashey
Haraatida tolkaa laguma  dayo hiiqi waligaaye
haydaartu way kula tagtaa hiila kaamaqane
Hebelbaa sidaa nagu hayiyo hibasho mooyaane
Hibadii Ilaah dhigay dhulkaad Hiiro galiseene
===========================================

Waa lagu habaabaa rayiga Hoori kuu wada e
Halaq iyo dhibuu soo wadaa hawd cidlaha yaale
Hawo beena  huufada wadaad habagsi moodeene
Kuwa howdka kula jooga ee haybta kaa maraya
Hawshaadu inay hoolaftay hiigsadaan waliye
Intaan hadalku sii dhaafin bari  heeryadhaca jooja
==================================================
Hadafkaaga goortaan heshaad heelo tirisaaye
Maanta waad haleeshaa  inaad Hool ku kulantaaye
Hambalyada usoo dira horseed soo baxaa jira e
Hinqashana ha daynina ragwaa haabo meelsare e

Umadaa Hayaankeedu yahay heego dacalkeeda
Habaas boodhleh hiiftiyo dhibtii lagu hantaaqmaayey
Hungurada  ninkii raba inuu hoycad ugu oodo
Hagardaamo ruuxii u yahay hadalkuu sheegaaba
Heeryadhaca inuu joojiyaan sugayey haabteede 
Waa shay hadoodilan sidii hororkii cawleede
Hujuun adag intaad qaado ood heegan ka ahaatid
Hilbihiisa sudha meelsaroo haadku ku hifleeyo

Mohamoud Abdilahi Roble
 XUSUUS GABAY

Xeebaha dhulkeenii wacnaa xiiso ii galay dheh
Alow yaa xisaabtii yar taga xooray dhinaceega
Alow yaa xariir soo gada oo xaali damac raadsha
xoolaha ilaah nagu galaday  xero ku soo ooda
Xurmo geesi waa bixin jiree xaadir ugu geeya
sida xayska roobkoo ka da'ay xeebta dhinaceeda
xoodhxoodhka kugu raagay waa xanuun kale e
gacal iyo xigaalaba ayaa ila xajoo heesa?
Xuubridasho  aadaan rabee yaa i xanakeeya?
Xirsi Aaden yaa soo diriyo  Xaajiyadii joogay?
Xawaariin sidoodii ayaa xerada soo buuxsha?
Xadradiyo Ciyaaraha tumoo Xooxda naga reeba?
Alow yaa Ilaa xidigu dhaco Xaali la ciyaara?

===============================
Xashaa Lilaahiye rag wuu kala xishoodaaye
Alow yaa xigaalada u dira xoolo dhawr madax ah
xagtin inaan ka dhawraa haboon xuurancayntani
nafta xiisahay raadin iyo waa xusuus taniye
xanaanada indhuhu ay rabeen xaalku suu yahay dheh
xaragada wanaag lagu dariyo  xiiso aan go'in dheh
Xanaanada naftaydaydani  rabtiyo Xiisadaha qaardheh
Xaliimaale yaa kula balama xuuralcayntani dheh
Xalwad laysku soo diriyo waa xisaab kale e
Xaflad weyn ayaa uga tuma xeebta garabkeeda
Xildhibaano yaa soo dalbada Xaashi iyo Muumin
=========================================

Xada kalena waa erayo xoday xiiqna aan galine
waa erayo xoodaamis badan xeeshu sey tahaye
waa Xamar gamaan lagu alkamay oo xiimi dawyada e
waa Xaramka quruxdiisa iyo Xarako dheeraade
Waa hoy xariir laga heliyo luulka xeebaha e
waa muuqa xeebaha dhulkiyo xayn ugaadha ahe
Xanxantada markaan saaro gacan jiif xamili waaye
qaarbaa xawaasheeya hadal  xero ku geyskoode
Xaashaa Lilaahiye yartani waa xulkii hore e
Xajiimooday ee yaa hadaba ila xajoo heesa
Xuubridasho aadaan rabee yaa i xanakeeya
Xusuustani aan galay caawu waa xujiyo yaabe
Alow yaa xilkeedaan maree ila Xajoo Heesa?
Alow yaa xambaaroo naftani Xiinka iga jooja?
Yaa xeesha igu taakulayn Xeebihii tagista?
Xantaydana Ha maqashee ayaa xooja hadalkayga

Mohamoud Abdilahi Rooble
SAYLACNEWS

 

Arliya , "Gabay"        April,13,2007

Sida tiixa Roobkoo tif yidhi Taydu waa taniye
Anoon tiicin hadalkoo furura Tixo wanaagooda
Waxaan ula tacaalaa sidii Tawrigoo kale e
Tarankeeda goortaan helaan tamashle geeyaaye
Tartiibaan u sii tarariyaa toobiyaha qaare
Hadii aan tilmaantiisa galo taajirbaan ahaye
Taxriif lagama helo taydu waa sida Tarmiidkiiye
Tuductiisa nimaan hayn tixaha taag u heli waaye
Targaalkaan u soo gooyey iyo Tayga dhinac yaala
Waxay ii timaadaa markaan tolay hugeediiye.
Tusmo roobka subax uu ka tago tiigsimaad wacane
Indhuhu kamaba toosaan hurdada tii wanaag badane
Toolmoon nimaan helin Arladan taabo gali waaye


                                ***********
Ta'da kalena waa gabay tilmaan tiigsimaad wacane
Ragii faalka talantaalin jiray furihii soo tuurye
Markaan tobanle falanqee is idhi fanaxdii soo taagye
Fooraha tuftufayuu wadaa waa tilmaan kale e
Tusbax go'ay sidiisii wakaa sii tiraabsaday e
Haduu muuse soo toosi laa maba talaabeene "Waa Muuse Qorgaab"
Nafaan tamar lahaynbaan bustaha tiirso leehaye
Ku tuntuunso oo yara talami tii Alley noqone.


                               ************

Tilmaantaydu waa sida gantaal toos usoo baxaye
Waa sida tafsiir sheekh wadoo toosin hadalkiiye
Waa tusaale laga daaho doqon taashi garanayne
Tawaawaca dhibay ula tagtaa Tuulo joogana e
Tafsiirkeeda ruuxii ka dhaci taabo kali waaye
Tashiil kama rabee suugaana waa teeda ugu roone
Taariikhda duuga ah ayaan taaj usoo xidhiye
Ciil igu tamuukhaan calow soo tuf leeyahaye
Lilmadaa isoo tifiqle ee taaban dhabankayga
Waa toogo aan leehay gaadh taaminbay noqone
Kaligay Itaal uma hayee haday taabo galiweydo
Ubadkaa tarmaayaan la sugi uurkutaalada


                           ************

Afartaa sidii Tiisihii Qalin ma taabsiiyey
Taag sare intaan saaray saw toos umaan odhanin
Tihiinkeedu inuu liito doqon talo ma taabsiiyey
Ma taakeeyey taariikhdu waa teena oo kale e
Ma tiigsaday Sidii Haad tuhmiyey hilib Tog hoos yaala
Tawxiidka Eebiyo Xaqbaa lagu tanaadaaye
Tawfiiq markaad yeelataad turuq ku faantaaye
Hadii xaaje toosnayd mid kali tuur usoo bixiyo
tafaraaruq hoog iyo dhibaad tuuladaa abid e
Ma tasow kaley nala rabaan tanina waa yaabe?


                               ************

Hadal tiro ma fiicnee Hadaan Talada soo gaabsho
Faaalkii ma tiro buuxsan oo fanaxdii soo taagye
Taageero xoogluu rabaa toos u bixi waaye
qabqabluhu intuu taagan yahay taahu bixiwaaye
Ka tashada Arliya samankan hooy laga Itaal roone.

Mohamoud Abdilahi Rooble
Saylacnews-

comments:
admin@saylac.com

 

Taariikhda Madow ee SNM in la qarshaa Haboon

April,10,2007 XUSULDUUB

Xinkoodii ururaybaa
Xerada soo dhaafay oo
Xabaalay nagu wadaan
Xiligan kala guurka iyo
Xornimo doonku uu kacee
Xamaastii loo jaro timaha
Inaan xero edeg galoon
Xudhuun adag daaqna oo
Xeebaha ay naga xidhaan
Haday xeel dagaal galeen

================
Anana inan xaydanoo
Dagaal lagu xuubto iyo
Maryaha xayxaydaniyo
Inaad xeerka loo dhanyahay
Xornimo guud lagu daray
Xaajadu manta taagantahay

======================
Ninkaan xilka saa u arag
Ninkii tiisa uun xagliya
Inaan xabashida ka galo
Xamaal intaan noqon lahaa
Xanuun adag aan galee
Xaqiiqadu sida ay tihiyo
Xiliba yaanan seexanoo
Xisaabiya guud nin iyo

==================
Xisbiga kuwa kala galee
Xiskoodu uu maal dadeed
Xatooyo ku tuusa ee
Xornimo laga jaray kasdood
Xukunka ay noo hayaan
Xanuunbuu nagu dilee
xamayti la miiray iyo
cunaha xiiq haw gashee

====================
Xaqiiqdii sida ay tahay
Dhawaan xaraardheere iyo
Xoloodi inaan u baxo
Xeebaha inaan furo sidii
Xilkii axmed guray u qabtee
Xamaasta uu doojin jiray
Inaan kolka xilo furaa
Inaan xiisad adag galaa

===================
Markaad xaragada istidhi
Warmooge xildhibaan ma garan
Markuu xiinku iga batee
Xisaabtii aan lahayn
Xornimo loo wada dhanaa
Xagaaga ku riixdaybaan
Xanaaqay sidii halyey
Xeebaga laga ooday oo
Xurmadii aan wada lahayn
Xusuusi naftadaa oo
Hadaad xeeldheere tahay
Intaanu xusul duubku badan
Intaan xaajadu adkaan
Xasaasi intayna galin
Intaan xamartaa fog iyo
Axmaaro Xareed u dirin

================
Xadaarad waxaan lahaa
Adaa xuubshay waa horee
Xadkayga intaanan xidhin
Xanuun kugu raaga iyo
Xagaagu intaanu iman
Xabiibi midaad lahayd
Xafiiska xisaabtu taal
Intaan xulad daba an sudhin
Xamuulka wax qaada iyo
Xaraashka aad soo wadaan
Intaanan xuluulin holac

================
Xasuusbaan kugu dilee
Kalhore waataad xangay
Xamaasta ku siisay xero
Markii xukunkii adkaa
Afweyne xusuuqay dumar
Inaad xarshid soo gasheen
Xaglaha aad wada xogteen
Xanaaqii kugu batiyo
Markaad u xadhaadhay sida
Xeebaha geela lagu dhaqaad
Xaraardheer wada korteen
Xornimo inaad wada heshaan
Xaraashkii aad gasheen
Xaqiiqdii waad hesheen
Xornimaad raadiseen

====================
Anana maanta xeeshu sida ay tahay
Xagiibaad nagu wadaan.
Wuxuu Eebahay xarimay
Inay nagu xero gashaan
Xiskoodu haduu gartaan
Ka xuubritay xerada ay
Sidii xayawaan ugaad
Xadhkaha ay lana rabaan
Xusuusbay igu dishoo
Xalay hurdo maanan galin.

mohamoud Abdilahi Rooble
saylacnews- Seattle

comments: admin@saylac.com

 

 

 

 

 

 

- To Submit Information  Send a Comment---

 

 

Home | Somaliland News | Awdalnews.com | Amoud University
Copyright © 2003 Saylac.com