|
Wargeyska Jamhuuriya oo u ololaynta gosadka maamulka Somaliland ku darsatay magcaabida madaxdhaqameedka haweenta.

Maqaal maanta (15/10-2003) ku soo baxay wargeyska Jamhuuriya ee ka soo baxa Hargeysa, tirsigiisa shabakadda yaa wargayska Jamhuuriya Murwo Aamina Yuusuf Caaqilyare u magcaabay boqorada haweenka Soomaaliland, waasida hadalka loo dhigaye.
Boqorada Haweenka Togdheer Aamina Yuusuf Caaqilyare
Murwa Aamina Yuusuf Caaqilyare ayaa iyadu bilo ka hor isu caleema saartay boqoradda haweenka beesha Togdheer bari, taas kadibna loo aqoonsaday.
Dhaqan bulsheedka somaalida ee badi raggu maroorsado ayaan aalaaba dumarku qayb ka ahayn madax-dhaqameedka bushaladda, wakhtigan aan ku jirnana aanay jir haween madax-dhaqameed bulsho sheegta (rag iyo dumarba). Si aan taas u helno waa in ku noqono boqoradii Araweelo iyo wax la mid ah oo aanba la hubin.
Inta badan qaab-dhaqameedka soomaalida ayaa badi waxa uu ku dhisan dhiigwadaag ama magwadaag. Madax-dhaqameeduna sidaasayey kaga soo dhanbalmaan bulshadooda.
Dadka soomaalida ah ee Ingiriisku gumaysan jiray wax badan ayey wadaagaan xero, xididnimo iyo xeerba, mase ogin meel ay ku yeesheen ama ay ku caleema seereen Boqoradda haweenka gobolada waqooyi. Fekradan boqorada haweenka ayaan ahayn mid ba'n, haddii inta qunsayso ka wada-tashato, waayoo waxii midnimo dhalinkara oo dhan waa in la soo dhoweeyaa, waxaanse isweydiin mudan halkan, yaa damaanada siiyey wargeyska Jamhuuriya in uu magcaabo boqorada haweenka gobolada waqooyi ee Ingiriisku gumaysan jiray?.
Waa la fahmi karaa haddii murwo Aamina Yuusuf Caaqilyare ay iyadu sheegato boqornimadda haweenka soomaalida waqooyi, taase iyadu ma sheegan , waana kale qoraalkii ay Jamhuuriya u soo dirtay Murwadu ee akhriso (Guji halkan).
|