Tix baroordiiq ah: “Geerida Xasan Sheekh Hubaal Hulay Nagu soo Banaysay”

Jan-21-2008

Waxa tixdan gabayga ah tiriyay Abwaan Maxamed Aw Cismaan Maxabe (Maxamed/Dheere), wuxuu tiriyay 17 Jan.08 - Waxa la yidhaa "Geerida Xasan Sheekh Hubaal Hulay Nagu soo Banaysay"

Dunidu waa heerimaad
Hayaan baa lagu jiraa
Geeridu waa lama huraan
Ruuxnaba ma hareer maroo
Habeenkii ma dhaafayee
Geerida xasan Sheekh hubaal
Hulay nagu soo banaysay

Naxdintani himiladii af goysay
Baroortiyo hibasho Oyga
Habeen tegay hibashadiisa
Hadaan mar labaad higaadsho
Geeridan Xasan Sheekh hubaal
Hulay nagu banaysay

Hadaan hibashada xusuusta
Tiiraanyo halaan halkayga
Hawraartan ku soo bandhigo
hogaamiye daacadoo
Wanaaga u hiiliyoo
Hidaha jecel buu ahaa
Mawluhu janadii ha geeyo

Abwaan hayinuu ahaa
Dabeecad la haybsadiyo
Akhlaaq hufan buu lahaa
Aqoon wax hagtuu lahaa

Barbaariye haybadloo
Bulshadu hiigsatuu ahaa
Hooyiyo Aabuu ahaaye
Mawluhu janddii ha geeyo

Hal Abuur geesiyuu ahaa
Hodan buu ka ahaa murtida
Midnimo hilinkeeda iyo
Hoygii nabaduu ahaa
Hubkii cadawguu ahaa
Hu’gii dhaqankuu ahaa
Nimaan Haladaadin diintoo
Horseed u ah buu ahaa
Ehlu khayr buu ahaa

Suugaan hana qaadayoo
Aqoon ku habaysanoo
Dareenka hagtuu lahaaye
Mawluhu Janaddii ha geeyo

Xabaasha huqdeeda iyo
Rabigay holacii jaxiima
Cadaabta ha kaa xoreeyoo
Janadda hoy ha kaaga dhigo

Eebow hodan baad tahoo
Adoon kuu baahan Adi
Baryada kuma hoojiside
Fardawsa Allow ku Hoo
Maalintaan geed la hadhsadoo
Cadceed laga hoos galiyo
Hiil iyo Habar wacasho jirin
Maamuus marti loo hayoon
Hungoobin Alloow ka yeeel

Aaamiinn Aaaammiin Aaammiinn

Maxamed Aw Cismaan Maxabe (Maxamed/Dheere)

Hashim Goth
Harowo.com, Boorama, SL


                                                   Copyright © Suugaanta Hassan Sh. Muumin