Ka Abwaan Daweeye  Jan-18-2008

Assalaamucalaykum wa raxma Dhamaan ducaqabayaasha u adeega dadkoodoow dhanbaalkan tacsi Suugaaneedka ah fuliya oo faafiya si degdeg ah mahadsanidin, Waa maanso baroordiiqa oo uu Abwaan Axmed Warsame xasan ‘Daweeye’ u niyooday geerida Abwaan Xasan sheekh Muumin oo ka dhacday  waddanka Norway/ Oslo.

Xagga waaqa ayeynu ka nimi
marka xiligeena la gaadhana
xaggiisaynu u noqondoonaa
 
waxan tacsiyeynayaa guud ahaanba
ummadda Soomaaliyeed gaar ahaanna
Golayaasha kasmada iyo aqoonta fanka
 
gooni ahaanna waxan tacsiyeynayaa
Qudhayda,Qoyskuu ka hoyday
iyo dhammaan qoomamkii jeclaa
Abwaan Xasan sheekh Muumin
waxan Waaqa u waydiinayaa inu badbaadiyo
AAAAAAAAAAAAAAAAAAAmiin
 
ku bilow magaca Waaqa guud iyo gaarba naxariista
 
Baroordiiqda maansada an bilaabo hawshoo
Bulshada an u tebiyee marhadduu dhexgalo boodh
wayska hadal badnaanuun waxa loogu booyiye
Intuu boqorku noolyaa botorloo ciyaaraa,
intaan belo higlaynbaa samaan lagu bariidshaa
Intay  talo banaantaa farxad laysku baantaa
Sidaa beri horaan idhi
 
Anna baabka maansada hadda uma bilaabine
horaan ugu balweeyee maantana an biirshee
bisinke`e Adduunyada belo lama difaacoo
naf la baajin kari waa bogga xididadiisiyo
beerkuna ma yeelaan ilmay balax ka siiyaan
bishimuhu ma daayaan   isqaniinka beenta ah
 
Xasanoow badbaadaan baryo kuugu dirayaa
Baaldaar ninlaan ee bilo geeridaadaa
ka hor lay bidhaanshoo Allihii ku beeree
kuu baahday maantee wadka kuu balamiyaa
Balaf iigu sheegoo, xiddigaha bidhaanaa
busta saaray nuurkoo badda caarigeedaa
berriyada ku faafoo godkii Baynalugudbuu
dayixii ka baydhoo meel lagu basaasiyo
qaylaa baxaysoo beryahaaba dhiilada 
bisinkaan ka haystee bari iyo galbeed baan
hadba baal deyaayee X. alaybay bayaantoo
biibiisiday tidhi Xasan bay ka boodoo
baskii raacay aakhiro naxdibn baan balaadhoon
baarid kala qabooboo birihii hadlaayiyo     
weriyihii burqanayaan
Caku boowe leeyahay!
Malagii ku booqdee kaa baydhi waayaan
Caku boowe leeyahay!
Dhakhtarkii ku baadhee ku badbaadin waayaan
Caku boowe leeyahay!
Qurbahaan ku baahniyo kala baadiddeenaan
Caku boowe leeyahay!
Barta lagugu duugeen ka fogaa barbaartaan
Caku boowe leeyahay!
Qarankii burburayee kaa saaray baydkaan
Caku boowe leeyaqhay!
Bulshadaad u tacabtee ku baxnaanin waydaan
Caku boowe leeyahay!
Cilmigaad baraysiyo bogan waayiddoodaan
Caku boowe leeyahay!
Suugaanta booliga kuwii baraka moodee
kaa boobi jiray baan caku boowe leeyahay!
Iyadoon bandoo dhicin beryo laguu tacsiyadayn
Boorame ka joogee beri shaqategaayaan
Caku boowe leeyahay!
Waa bilo sagaaloon buuxsamin adduunkuye
Bilaahaan ku dhaartaye bogga waxan ku haystiyo
balankaan lahaa fuli Anoon buugag kaa qorin
Wadkan soo boqoolee bashaasheeyey xaalkee
Oslo kugu banjariyaan Caku boowe leeyahay!
 
Waxba yaanan badinine kala baahiddeeniyo
kala baadiddeenaan caku boowe leeyahay!
 
waxba yaanan badinine wakhtigaagan buuxsanay
kolley baylah igu reeb waase waxan banaanayn
nina baaqi noqonayn adduunyada la boganayn
 
xasanoow badbaadaan baryo kuugu dirayaa
Boholyoow xasuusbaan ku bidhaansan doonaa
Murtidaada bilan baan isku baanan doonaa
baxsanoow codkaagay dhegtu baadhan doontaa
 
Xasanoow badbaadaan baryo kuugu dirayaa
Midhihii bislaadiyo webiyadii biyeysnaa
bilicdii janada sare habla aan la farabarin
Alla kuu bishaaree Aaaaaaaaaammmmin
 
Beryo maaha tayduye intaan baaqi noolahay
xasanoow badbaadaan baryo kuugu dirayaa
 
            Ba`da kalana waxay tahay
Bakhtigii la aasaba qaarbaw baroortoo
Baashoow yidhaahdee cidkastiba ha baantoo
Buushi ruux ha noodee haddaan been la sheegayn
 bahdaqaran abwaannimo basharadiga kula midi
Boqolkiibawaa midhe wax bukaana mooyee
qofbadqabi ma diidee fanka baaxaddiisiyo
baalkuu ku duuloow ku bariiso meel roon
 
Nin aqoon ka buuxoo biyadhaca yaqaanaa
fahma baydadkaagee ku bariiso meelroon
 
Mufti buugag culusoo birlabjiidanaayaa
fahma baydadkaagee biligii samaantoow
ku bariiso meel roon AAAAAAmmmiiin
 
Ba`da kalana waa duco baryo gooniyoo culus
 
Allaw barada raaskii baddal khayrlohoo kale
Allow beesha Samaroon baddal khayrlohoo kale
Allow baladka soomaal baddal khayrlohoo kale
Allow qaranka kaa baxay baddal khayr lohoo kale
Allow Bilic abwaaneed badddal khayr lohoo kale
Allow aniga baahida baddal khayrlohoo kale
Adoo bixiya mooyee lama baran karaayoo
Suugaantu waa bire, sida neef u bahal cunay
kuwa boodhka jiidee iska wada bakhtiistiyo
bashaqlaha ma yeeshee ku baryee allahayoow
kii baxay ku soo bada Suugaanta noo bila
Noo baaqa weligii Allaw noo bishaaree Aaaammiinn
 
waa soosaariddii Rugta Suugaanta Abwaan
Axmed Warsane  xasan  ‘Daweeye’
17-01-08   Muqdisho

Axmed Warsame

Email: daweeye3000@yahoo.co.uk


                                                   Copyright © Suugaanta Hassan Sh. Muumin