| |
 |
|
 |
 |
Maxaa lagu xasuusan doonaa
abwaan
Jan-19-2009 by/ Mukhtar Abdirahman Abdillahi
Xasan SHeekh Muumin Gorod.

"Waa qaali nabaduye
Nin qumaati uladay
Qushigii umeeel maray
I dinkuba qiyaasoo, hadii aan qalooc jirin
Miyaad qiri lahaydeen.
Waa qodob su'aaloo qof waliba siday tahay ha uqaato
leeyahay……….. Abwaan Xasan sheekh Muumin ."
"Habeen iyo dharaar hadaladaan dhisnaa
Dalkeena hooyoo horumaraan ku haminaa
Ma hagranee waan u hawlgalnaa
Murtidaan curinaa kala hufnaa u heedanaa
Dadweynahaan hanuuninaa
Haasaawinaa danta u hagnaa …………….. Abwaan Xasan
sheekh Muumin."
Dunidan aanu guudkeeda ku noolnahay ayaa mowluhu ku
manaystay shakhsiyaad usaaxiiba moohibooyin iyo
qiyam sare.kuwaasoo sharaf iyo qadarin sare ka
mutaystay bulshooyinka ay lanoolyihiin.
Ummada soomaaliyeedna kama madhna shakhsiyaad lag
hirto kuwaasoo u'ah astaan iyo illo ay ka soo
burqadaan wacyi-galinta ummadu, si loo hello hanaan
iyo anshax sare oo hillin-toosan u horseeda jiritaan
ummada xag dhaqan-dhaqaale iyo dhaqan ahaanba.
Haddaba (17.Jan.2008 ) waxay ahayd habeen dhiillo
xanbaarsan oo aad ucuslayd naxdin aan laqiyaasi
karina ku lahayd guud ahaan shacabka soomaaliyeed
meelkasta oo ay joogaanba
Kadib markii uu dunidan ka xijaabtay alla ha u
naxariistee Abwaan Xasan SHeekh Muumin oo ahaa
astaantii fanta iyo Hiddaha soomaaliyeed, kaasi oo
ahaa cilmi-dhowre(library) kagalbaday ummada
soomaaliyeed. Abwaan muumin yaa ahaa shakhsi qiyam
iyo martabad sare ugu fadhiday bulshadda soomalida.
Dh inaca kale mahadhooyinkii sugaaneed ee fanaanka
ayaa iyagu ah, dhaxal reeb wanaagsan kusii baaqi
noqon doona qalbiyadeena, dadka qalinka ehelka u'ak
iyo guud haanba bulsho weynta soomaaliyeed.Abwaanka
yaa hormood u'ahaa abwaanda soomaaliyeed ee faro ku
tiriska'ah ee aan habayaratee ku dhex mil-min
collaadaha sokeeye ee soomaalda taas macnaheedu waxa
weeyi wuuxuu ahaa astaan qaran oo lasoo haweysto,
sidoo kale abwaanku wuxuu kaqayb-qaatay
gobonimadoonkii soomalida (soomaaliya iyo jabuutI)
N oolaba waa dhinte, shakhsiyaddan qiimiga weyn
inoogu fadhiday ayaa ahaa halyeey inaga baxay guud
ahaan ummada soomaaliyeed gaar haana ummada reer
Awdal oo uu Abwanku dhalasho ahaan ka soo jeedo ahna
halka fanka soomaaliyeed kasoo unkamay.
Sida auu tibaaxayaayey war-saxaafadeed ay soo
saareen ururka gurmad eek y hawlan dhismaha garoonka
kubbada cagta ee boorama, ayaa garoonka loogu
magacdaray (xasan sh.muumin stadium)
Kaasi oo sida aan filaayo munaasabad balaadhan loo
samayn doono magic-bixnta.
Taariikh nolaleedkii abwaanka oo kooban.
Alla ha unaxariistee Abwaan Hasan SHeekh Muumin waxa
uu ku dhshay magaalda Borama ee gobalka Aawdal,
sanadkiii 1930 kii. Waxaa dhallay sheikh muumin oo
ahaa mufti aqoon sare uleh diinta xaniifka ah ee
islaamka ,taasi oo ku tusaysa maqaanka abwaanka ka
soo dhex-hiray qoys diiniya ku soo bar-baray asluub
iyo dhaqanka diimeed oo heer sareeya.
A bwaanka ayaa lahaa xirfado dhowra sida
ganacsade,macallin aad loo xushmeeyo .1965-1968 ayaa
abwaanka waxaa loo qaatay Radio muqdhiso, si uu u
hal abuuro maansooyin, heeso si uu uduubo
barnaamijyo hiddaha iyo dhaqanka soomaaliyeed,
kuwaasoo laga sii dayn jiray Radio muqdisho.
1968kii wuxuu kamid haa shaqaalihii waaxda hiddaha
iyo dhaqanka ee wasaaradii waxbarshad iyo bar-baarinta
ee soomaaliya, waxaa kaloo abwaanku mareeye guud ka
noqday golihii murtida iyo maddadaalda ee
hargeysa(hargeisa national theatre.)
Mahadhooyinkii suuganeed ee abwaanka.
A bwaan Hassan SHeekh Muumin u'ahaa mu'alif weyn,
jillaa, iyo hal abuure tayo sare leh, wuxuu hal
abuuray suugaan aad tiro badan, balse waxaan idiin
soo tabinyaa in uu qalinkaygu ka haleelo.
Ruwaayaddaha abwaanku maankiisa ka soo maaxday waxaa
ka mid ah ku wan hoos ku xusan:
Hubsiimo halbaa la siiistaa waxa ladhigay sanadkii
……… 1966kii
SHabeel-naagood…………………………………………………… 1967kii
Gaaraa-bildhaan…………………………………………………….. 1970kii
Ehlu-naarka aduuyo……………………………………………….. 1971kii
Dunidu maskaxbay magan utahay………………………………. 1972kii
Dhaaman ruwaayadahaasi yaa ka turjumaayey
hab-nolaleedka bulshada soomaaliyeed xag
dhaqan-dhaqaale iyo xag walba si hadba loo toosiyo
masiirka ummada iyo kor uqaadida wacyi-galinta
ummada hiddaha iyo dhaqanka,Abwaanku wa uu aha
maskaxdii dunida oo malaasan, suugaanta abwaanka
qaar yaa loo min guuriyey afka ingiriisda gaar ahaan
ruwayad hal qoranta ah ee shabeel naagood oo uu
turjumay prof. B.W.ANDREZEJEWSKI 1974, oxford
university press, London.(leopard among the women)
Waxa kaloo abwaanku lahaa heesaha wadaniga'ah,
heesaha la xidhiidha waxbarshada heestan, waxa kaloo
abwaanka ahaa warshad soo saarta fanka soomaaliyeed,
waxaa uu soo gac qabtay xidigaha fanka ee soomaalida
ugu caansan ku soo baxay ruwayad shabeel-nagoog
Axmed Cali CIgaal, HIbo Max'ed Hodoon( HIbo Nura)
iyo Maryan Mursal
Heesta/ goronyada(Hibo nuura) goroyadu
ilmaheedaaroori bey dhigtaayooaboodigu ku
laayaashimbirtuna arooseyila xidhoo madaw
beyubadkeeda seexisaakala huran labaduyeedebtiyo
aqoontiyoasluubey isku dhaafeencaqligii
wanaagsaniitaal inuu ka roonyahaybaleegoo u
fiirsadaailka weynow maroodiguaradaduu
dhistaabaacadawgu ka ugaadhaaaboorkuna
dudumadaanaragney buu dhistaayonaftiisa ku
ilaaliyaakala huran labaduyeedebtiyo
aqoontiyoasluubey isku dhaafeencaqligii
wanaagsaniitaal inuu ka roonyahay baleegoo u
fiirsadaama ogtihiin sakaaraduawaarahay
qodaayoosaaladeeda ku aastaalibaaxuna ma
astureeilinaduu ka arooraasaaladiisa ku aragtaakala
huran labaduyeedebtiyo aqoontiyoasluubey isku
dhaafeencaqligii wanaagsaniitaal inuu ka
roonyahaybaleegoo u fiirsadaa Heesta/
hubsiimo(laxanka axmed cali cigaal) Inuu haad habeen
kaco,Heehaabo heegadaHafiyaan dabayluhuHiddihiisa
maheeHadimada u baaqdeeKala hadashay samadeeHoygii
ka saartaaU horseeday halistee!Hablaha tii
hanweyneeHal-adag baanHallayn haybadeedee!Haye
fududHabeenkaan lahaabay hayeHubsiinadu
huunoHabboonayd!Jiilaal hawaawiray,Halasaha
kaliileedQof harraadan oo helayHaan quruxsan oo
hilan!Ku haliilay oon hubinWaxa hoosta kaga
jiraHalaq cuni ku soobaxayHaaraan fudaydkiiHablaha
tii hanweyneeHal-adag baanHallayn haybadeedee!Haye
fududHabeenkaan lahaabay hayeHubsiinadu
habboonayd;Naftu inay hillowdoy,Hamidoo
hawaawidoHigsataa waxaanay haynWaa
himiladeedee!Herkaay joogtabaHirkalaa u
hillaaceeHebed baa haween dilay!Ragna heeryadii
cune!Hablaha tii hanweyneeHal-adag baanHallayn
haybadeedee!Haye fududHabeenkaan lahaabay
hayeHubsiinadu huunoHabboonayd;
Qalinkii hiddaheena
W.Q: Mukhtaar C/raxmaan C/laahi (Awdalli)
awdalli@gmail.com
|
|
|
|
 |
Copyright © Suugaanta Hassan Sh.
Muumin |