Taariikhda Xasan
Sheekh Muunin
Waa taariikh nool
Amaantiisuna maaha,
tii dhimashada
Ee waa tii dhabta
ahayd!
Dunidu waa heerimaad
Hayaan baa lagu
jiraa
Geeridu waa lama
huraan
Ruuxnaba ma hareer
maroo
Habeenkii ma
dhaafayee
Geerida xasan Sheekh
hubaal
Hulay nagu soo
banaysay (Abwaan
Maxamed dheere)
Bisinkaan ku
bilaabay.
ALAAHU AKBAR: Alle
ha unaxriistee
Abwaan Xasan Sheekh
Muumin wuxu ka mid
ahaa odayaasha ugu
fac iyo magaca weyn
fanka Somalida.Wuxu
ahaa Philosopher iyo
abwaan isku
jira.Wuxu ahaa
taariikh yahan ku
xeel dheer dhaqamada
khaasatan
qoomiyadaha ku
dhaqan Afrikada bari.
Abwaan Xasan
sh.Muumin wuxu ahaa
maskaxdii dunidoo
malaasan.Xaqiiqdii
waa Maktabad ka
gubatay umadda
Af-soomiga ku
hadasha.Ilaahay
samir iyo iimaan ha
inaga siiyo
dhammaanteen isagana
Eebbe Janadii haka
waraabiyo.Amiiiiiiiiiiiin
Marxuumku isagoo
nool waxay Soomalidu
isku raacday inuu
yahay Abwaanka
Abwaanada iyo
astaanta suugaanta
Soomalida taas oo uu
ku muteystay
cabqarinimadii iyo
hibadii uu ulahaa
fanka iyo
suugaanta.Wuxu ahaa
Ustaadkii falsafada
fanka Soomaliga.
Abwaan Xasan Sheekh
Muumin oo aan odhan
karno wuxu ahaa
macalin loo soo
saaray umada afka
soomaliga ku hadasha,
waxaynu ku xasuusan
doonnaa suugaantii
dhaxal galka ahayd
ee uu
inooga tegay oynaan
weligeen dhamayn
doonin.
Hadii alaha awooda
lihi ogolaado waxa
la ururin doonaa oo
daabacaad lagu
samayn doonaa wixii
suugaantiisii ka mid
ahaa ee aan qornayn
marka laga reebo
riwaayadii qiimaha
badnayd ee Shabeel
naagood oo iyadu
nasiib uheshay inay
noqoto riwaayad
soomaliyeed oo la
qoro tii ugu
horeysay.Murtida iyo
macnaha ay
riwaayadaasi
xambaarsanayd iyo
xigmadihii ku jirey
ee abwaanka
maskaxdiisa kasoo
burqaday waxay
noqdeen qaar cilmi
ahaan loo barto,si
taasi usuurto gasho
waxa lagu qorey
luqada koowaad ee
xiligan (engllish).
Hadii allaha awooda
lihi ogolaado waxa
marxuumka loo samayn
doonaa munaabad weyn
oo lagu xuso
taariikh
nololeedkiisii iyo
halkii uu kaga jiray
fanka
Soomaliyeed.Amaanta
Marxuum Xasan Sheekh
Muumin maaha tii
dhimashada ee waa
tii dhabtii sidaas
awgeed qalin kuma
soo koobi karno
maanta oo kali ah ee
waxay ubaahantahay
madal iyo munaasabad
wayn oo lagu
maamuuso.
Alle ha unaxariistee
abwaan xasan Sheekh
Muumin wuxu nasiib
uyeeshay dhowr
amuurood oo la
xidhiidha fanka iyo
doorkiisa oo aan
lala wadaagin.
1- Wuxu wax ka jiley
riwaayadii ugu
horeysay ee dalka
Somaliya lagu
dhigo.(Qaadi
mowlaana)
2- Wuxu lahaa
riwaayadii lagu
furey Tiyaatarka
wayn ee
muqdisho((National
Theatre)
3- Wuxu allufay
riwaayadii u
horeysay ee la qoro.
4- Wuxu allifay
riwaayadii noqotey
horyaalka riwaaydaha
Soomlida.
5- Wuxu lahaa heesta
astaanta riwaayadaha
Somaliya (Halkan
waxad utimaadeen
caawaad naga
helaysaan).
6- Wuxu ahaa
abwaankii Sameeyey
heesta astaanta ee
calanka Somaliland.
Abwaanka waxaynu ku
xasuusan doonnaa
Murtidii,Maaweeladii,Maansadii,Mullaaxdii,Midhihihii
Miiddii iyo
mahadhooyinkii uu
macalinka inoogu
ahaa
sida:Aragtidiisii
fogeyd ee cilmiga ku
dhisnayd iyo waliba
sugantiisii cusleyd
iyo riwaayadihii
qiimiga badnaa ee uu
allufay.Sida:Riyawaayadihii
ay ka mid ahaayeen.
Hubsiimo Hal baa la
siistaa
Shabeel-naagood
Gaaraabidhaan
Ehelunaarka Adduunka
Dunidu maskaxdey
magan u tahay
Alla ha unaxariistee
abwaan Xasan Sheekh
Muumin Gorod Wuxu ku
dhashay magaalada Saylac
25-Dec-1932kii
halkaas oo uu ku
barbaaray kana
bilaabay
waxbarashadiisii
aasaasiga
ahayd.Abwaan Muumin
wuxu noloshiisa inta
badan ku soo qaatay
Somaliya.
Fiiro gaar ah:Sidaan
cinwaanka ku xusnay
qormadani waa
taariikh kooban oon
ka wada turjumi
karin noloshiisii:
Sanadkii 1968-
1976kii wuxu hal
abuur iyo daadiye ka
noqday Radio
Muqdisho,wuxu samayn
jirey barnaamujkii
caanka ahaa ee
hidaha iyo dhaqanka
Somaliyeed.Wuxu ka
mid ahaa shaqaalihii
wasaarada
waxbarashada iyo
barbaarinta.Abwaan
Xasan sheekh Muumin
wuxu maareeye guud
ka noqday golaha
murtida iyo
madadaalada ee
Hargeysa.
Abwaan Muumin wuxu
dabayaaqadii
todobaatanaadkii
suugaan baaris
utegay machadka "Institut
Superieur d’Etudes
et de recherche
Scienntifiques" oo
ku yaal Dalka
Jabuuti.Maansadii
faraha badnayd ee uu
abwaanku afllifay
waxa dadweynaha
loogu soo gudbin
jiray idaacadda ama
masraxa.
Abwaan Xasan
Sh.Muumin wuxu ahaa
qof macaan oo
shakhsiyad leh,ehelu
karam ah.Anigu
abwaanka lama soo
macaamilin oo isku
maqaam iyo isku
mileyba mannaan
ahayn,marka laga
reebo aragti iyo
aqoon guud oon
ulahaa.Hadaan laga
tegin sanadkii
udanbeeyey
noloshiisa ayaan
xidhiidh telefoon oo
joogto ah la lalahaa
si aan wax uga
korodhsado.
Run ahaantii wuxu
iisoo dhaweyn jirey
sidii wiilkiisa oo
kale aniguna waxan
xidhiidhkiisa u
xiiseyn jirey si
wayn.Waayo wuxu ahaa
Philosopher maqaam
sare kaga jira
bulshada oo cilmi
rabaani ah la
cokan.Dhanka kalana
wuxu nagala qeyb
qaadan jirey hawsha
qaadhaan ururinta
iyo qeylo dhaanta ah
ee ururka Gurmad ugu
jiro dhismaha
garoonka loogu magac
daray isagoo qayb
libaax ka qaatay
dhiirri galinta iyo
dhaqaajinta hawsha
garoonka.Abwaanku
wuxu nagala soo qeyb
gali jirey kulamada
telefoonka(
Teleconfernce)
Abwaanka waxa
qorshaha ugu jirtay
inuu wadamo badan oo
yurub ka mid ah iyo
wadanka Amerikaba
socod kusoo maro si
uu muxaadarooyin ama
lucture uga jeediyo.
Abwaanku Wuxu ku
talo jirey inuu Ka
jawaabo su’aalihii
sarbeebta ahaa ee
xikmadda wayn ku
fadhiyey ee ku jirey
riwaayadiisii
Shabeel
naagood.Kuwaas oo uu
iisheegay inuu 40
sano ka hor
dadweynaha waydiiyey.
Waxa kale oo uu
iishegay abwaanku
inuu diyaariyey
riwaayad uu ugu
magacdarey Nabi
Daayeer iyo qaar
kale. Isku soo wada
duuboo tii Allaa ka
sokeysay" Hamatul
baciid mowtul qariib"
Alle ha unaxariistee
abwaan Xasan
Sh.Muumin Arbaca
Jan-16-2008.Abaara
7:00 fiidnimo
saacada yurub wuxu
ku geeriyooday
caasimada dalka
Norwey ee
Oslo.(9:00
fiidnimo Afrikada
bari)
Abwaan Xasan sheekh
Muumin wuxu ka mid
ahaa macalimiintii
fanka dhidibada u
taagay wuxu ahaa Hal
abuur,Fanaan,jilaa,gabayaa,
Ganacsade,iyo
Macalin aad looga
ixtiraamo bulshada
dhexdeeda.Sida
taariikhdu xustay
Abwaan Muumin wuxu
fanka bilaabay
isagoo yar,wakhtigii
gobanimo doonka
heesihii ugu
horeeyey ee uu kaga
qayb galay oo ahaa
bilowgii iyo
baraarujintii
gobanimada waxay
ahayeen kuwo Af
carabi iyo Afsomali
isugu jira.Hees
wadani ah
1)-Yaa ayuuha
soomaliyu
Saluu calaa Nabi wa
aalihii wasaxbihii
Yaa taabical wadanii.
Nin islaana oo
Aqalkuu lahaa
Eeyar loogu soo
galayoo,
Iiga baxa yiri baan
ahayoo
Aflagaado loo
rogayee.
Abwaan Xasan Sheekh
Muumin wuxu jilaa ka
noqday Riwaayadii
ugu horeysay ee laga
dhigey goboladii
waqooyi ee soomaliya
(Somlilnad) iy guud
ahaaba Soomaliya
Riwaayadaas oo la
oran jiray Qaadi
Mowlaana waxana lagu
dhigay
Af-carabi.Riwaayadaa
waxa sameeyey abwaan
Bullaale
Boorama.Riwaayada
Qaadi Mowlaana waxa
laga dhigay
magaalooyinka
Hargeysa iyo Burco
sanadihii
afartameeyadii.
Abwaan Xasan Sheekh
Muumin wuxu lahaa
suugaan aad u tiro
badan iyo waliba
sheekooyin xiiso
leh. Anigu ma soo
koobi karo hadii aan
kun maalmood qalinka
kor uhayo.Laakiin
inta aan ka xasuusto
bal aan qaar ka mid
ah halkan kusoo
qaadano.
2)- Aqoon la’aani
waa iftiin la’aane
Waa aqal iyo ileys
la’aane
Ogaada ogaada
dugsiyada ogaada!
Oo aada oo aada
wlaalayaal oo aada!
Waa oomanaa iyo
abaare,
Omos iyo oon biyo
la’aane
Ogaada, ogaada
dugsiyada ogaada
Oo aada oo aada
walaalayaal oo aada.
Indhaha aan kala
qaadnee,
Ifka aan ugu
ilbaxsanaanee
Ogaaga ogaada
dugsiyada ogaada
Oo aada oo aada
walaalayaal oo aada.
(Heestan Waxa
allifay Xasan sheekh
Muumin 1961kii.Waxa
ku luuqeyn jirey
Alle ha unaxariistee
hoobalkii weynaa ee
Cabdilaahi Qarshe).
3)- Wakhtigu waa
hillaac ordayee
Aad u dheeho intaad
yartahoo
Ereygaad barataad
akhridaa
Anfaca, Anfaca
abidkaaye ogow
Ka adkow,Ka adkow
Dugsigaaga ka adkow
darsigaaga ka adkow!
(Waa murtidii,waa
midhihii,waa
mullaaxdii iyo
maansadii Ilaahay ha
unaxariistee Xasan
Sheekh Muumin waana
hees ardeyda ku
baraarujinaysa
tacliinta iyo
dadaalka).
4)-Waxaan ahay
waadiga dugsiyadaa
Waxaaan ahay waanada
macalinkaa
Waagii baryaba, Ubax
laga waraabshoo
Waxan ku warwereynaa
Wadankiina wax
ubarta
Oo xambaraara
wajibkiisa
Wahsan mayno
Waaban mayno
Warwareegi mayno
Weec weecan mayno
Guul wacan
Cadow ka waabto
Nolol wanaagsan iyo
barwaaqo
Nabad lagu wadaago
Haku waaro
wadankeennu
Waddankeennu waa
Wadnihii jidhkeena
Waraabinaayey
dhiigoo
Waan ku wardiyeynaa.
Waxan wacad ku
qaadnay
Gayigiina wax ubarta
Oo ka jira
waxyeelada .Ma
dhamaystirna
heestani
(heestan waxa
miraheeda curiyey
Xasan Sheekh Muumin
1970kii.Waxa ku
luuqeyn jirey Alla
ha unaxariistee
Abwaan Maxamed
Mooge).
5)- Waa madal
hadhweyniyo
Ceeel maaxanaayee
Macalinkeen Allow
kaal
Maskaxda iyo
maankiyo
Waa ka muruqa
laylyee
Macalinkeen Allow
kaal
Dunidoo madow oo
Mugdi iyo cabsi leh
Oo mici ku dhiigliyo
Masdilaa ay joogaan
Waa ka marinka
nuuree
Minan janno Allow
gee
Midho Janno Allow
sii
Macalinkeen Allow
kaal
(Heestan waxa
curiyey Abwaan Xasan
sheekh Muumin.Waa
hees ardayda dugsi
quraanka dhigataa ay
qaadi jireen oo caan
ah).
6)- Ereyada an kuu
qoro
Qumaati uga bogoo
Fartii qalaad ha
moodin
Carrabku qaldi
maayee
Sidii caanaha
qudh-qudhiya!
Murtideenii quusatee
Qaawanayd quruxsanaa
Sumadda loo
qalqaaliyee
Lagu qorey qummanaa
Maantuu qabweyn iyo
Qosolku ii xalaal
yahayoo
Maanku iqaboobayaa
Qalinkaaga ii dhiib!
Ereyada an kuu qoro
Qumaati uga bogo
Fartii qalaad ha
moodin
Carrabku qaldi
maayee
sidii caanihii
qudh-qudhiya
Sidii caanihii
qudh-qudhiya (Heestu
ma dhamaystirna)
Heestan waxa
miraheeda curiyey
abwaan Xasan Sheekh
Muumin1972kii oo
ahayd xiligii lagu
dhawaaqay qoraalka
afka hooyo.
7)- Marxab marxab
Yaa Ramadaan
Wa yaa marxaban bika
Yaa Ramadaan
Bishii magaceedu
bilaha umudnaa
Macbuudku amaanay
yaa Ramadaan
Marxab marxab
Yaa Ramadaan
Miskiin iyo taajir
bishii la misoobay
Islaamku midoobay
yaa Ramadaan
Marxab marxab
Yaa Ramadaan
Sidii mayey hoorey
Bishii mu’miniinta
Ka maydhay dunuubta
Yaa Ramadaan
Marxab marxab
yaa Ramadaan
wa ayaa marxaban
bika
Yaa
Ramadan
(heesani ma
dhamaystirna)
Heestani waxay ka
mid tahay heesaha
laqaado wakhtiga
soonka ah.Aadbay
muslimiinta soomani
ugu raaxaystaan
marka fananiintu
isku
jiibinyaan.Heesta
waxa miraheeda
allifey Alle ha
unaxariistee abwaan
Xasan Sh.Muumin 1965
waxana ku luuqeyn
jirey isla abwaanka
sameeey.
8)- Dadkaaga dhinac
ka raac
Hooy,hooy dhinac ka
raac
Yaanad limine dhinac
ka raac. Heestu
madhamaystirna(Xasan
sheekh Muumin)
9)- Reer guuraayiyo
Gabadh tima tidcani
Waa waxa dadkeena
Ugaarahee la inagu
gartaa,
Maantey galadi noo
toostaye
Gabanimadayada
Guullow adkee (waa
midhihii Xasan
sh.Muumin)
10-Dadweynahaan
hanuuninaa
Haasaawinaa, Danta u
hagnaa
Ma hagranee waan u
hawl gallaa! (Waa
midhihii iyo
mullaaxdii Xasan
Sh.Muumin) tixdan
gaaban wuxu abwaanku
ku muujinayey
kaalinta ay
abwaanada iyo
fanaaniintu ka
qaataan dhismaha
dalka iyo
horumarinta.
11)- Gorayadu
ilmaheeda
Aroobibay dhigtaayoo
Aboodigu ku laayaa
Shimbirtuna aroos ay
ila xidhoo
Amaanabay ubadkeeda
seexisaa
Kala awran labaduye
Edebtiyo aqoontiyo
Asluubtay isku
dhaafeen! .Heestani
ma dhamaystirna
(Allow kuu naxariiso
waxa curiyey Xasan
sheekh Muumin). Waxa
ku luqeysa fanaanada
wayn ee Hibo Nuura.
12- Walaalaha
hanuunsanow
Waan idinla haynaa
Halkan waxad
utimaadeen
Oon hagar lahayn
Caawaad naga
helaysaan
Caawaad naga
helaysaan! (Waa
midhihii Xasan
sheekh Muumin)
Heestani waa heestii
muftaaxa ahayd waa
halku dhigii
riwaayadaha
soomaalida ee marka
ay fananintu masraxa
soo istaagaan ay
qaadi jireen ama
ilaa imikaba ay
qaadaan.
Ilaahybaa mahadleh
fari kama qodna
fanka Xasan
Sh.Muumin intaasina
waxan odhankaraa waa
hordhac.Waxa inoo
xigi doona Xabaala
qodka iyo
murtidiisii Dab
dhaxmooday oo aynu
iyada tixgalin gaar
ah siin doonno hadii
Ilaah yiraa.
Fadlan wixii aad ka
heyso
Murtidii,Maansadii,Mullaaxdii,Miirtii,iyo
Midhihii iyo
Sheekooyinkii
dhaxal-galka ahaa ee
Marxuum Xasan Sheekh
Muumin kusoo
hagaaji emailkan (
korwaayeel@hotmail.com)
Waxa soo diyaariyey
mudane Jawhar
Cabdisamad Qalinle
Gurmad
coordinator
Email:
korwaayeel@hotmail.com