Maansada waxa la yidhaa Oohin!! Wuxu yidhi: Afsoomaali idilkiiba wuu la tagee Erayba kuma hadhin aduunkan jiree Aqoon la heliyo abqaarnnimadii Erayo taxanoo hidaha ogoliyo iIwaad dumaroo amaan la yidhaa Alufka lagu dhigo iskuulka dhulkiyo Calanka erayada amaanta huwani Aroorka la geeyo geela irmaan Wixii aragtida indhuhu u muhdaan Aroos lagu beega ciida bileed Aroor aminkoo aan oodka fogayn Amase odayaal is-uur xadhoo Intey aminkii salaada arkeen Eedaanka ku beegay aamiintiyo Is'ogol cirku uu irmaan uyihiyo Adeega bulshada ninkii u kacaa Ilaah kama oodo guusha ifkiyo Ilaha Janadoo irmaan u noqdee Iclaanka la sheegaybaa idilee Afkiyo gacantey sukay anbadee Ikhyaarnimo eega iima sugnee Ayaana ayaana iima darnee Hadaan axadiyo isniinta necbaa Arbacaa kadartoo ishii i gudhee (Allaha u naxariistee arbucuu dhintey) Intaan amakaagay edaadee Indhuhu oohintii ilays ma lehee Uurkiyo calooshaa i aamusilee Kolay oohin iima oolin kartee Aan aastee aamintaa ii dhaha --------------------------- Hadii Aaran ay agtiisu ahayd (Aaran= Barwaaqo) Afaafka aqoonta aad u martiyo Aftahan laga aayey ayniga iyo Unuga hadalkiyo asaaska murtida Aduun ka qarsoon dadkoo idilbuu Agteena dhigoo idiin mariyee Wakaa uunkii ka aamusi lee Ayaana ayaana iima darnee Hadaan axadiyo isniinta necbaa Arbacaa kadartoo ishii i gudhee Intaan amakaagay edaadee Indhuhu oohintii ilays ma lehee Uurkiyo calooshaa i aamusilee Kolay oohin iima oolin kartee Aan aastee aamintaa ii dhaha --------------------------- Ayaamaha hiifta soo ururshiyo Iftiin lagu eego oomaarkiyo------(omaar=abaar) Akhlaaq wacanoo Ilaah laga helo ilinka Murtidiyo inshaarada wacan Intuu kolba eegay soo onkodyee Maantaba aakhiruu ku oodan yahee Abaabul kaleeto iima sugnee Ayaana ayaana iima darnee Hadaan axadiyo isniinta necbaa Arbacaa kadartoo ishii i gudhee Intaan amakaagay edaadee Indhuhu oohintii ilays ma lehee Uurkiyo calooshaa i aamusilee Kolay oohin iima oolin kartee Aan aastee aamintaa ii dhaha -------------------------- Abwaanimo ruuxna uuma dhawee Asraaraha uu Ilaah ku bariyo Suugaanta afsoomaaligoo idilbaad Ayaanba aad heelo noo tirisoo Abaar dadka oo is aamini laad Agtooda ku beertey geed adagoo Afguri laga sheego ayshaca iyo-----(afguri=lahjad) Ishii bari iyo ilaa afmadow Intaa ologee Ilaah ku khalqaad Dhamaan alkuntood amaanta bartee Anfaca laga helay ilays ka bixiyo Aflaxa Ubadkii asluub la kacee Ayaana ayaana iima darnee Hadaan axadiyo isniinta necbaa Arbacaa kadartoo ishii i gudhee Intaan amakaagay edaadee Indhuhu oohintii ilays ma lehee Uurkiyo calooshaa i aamusilee Kolay oohin iima oolin kartee Aan aastee aamintaa ii dhaha ---------------------------------- Eebaha uunkani ayaan irkadee Udubka diintaan agtiisa tagee Ustaadkii rasuulka Eebahay iyo Intuu ogolaaday uu la bixiyo Dhamaan ambiyada agtiisa jirtiyo Janada Ubixiyo udgoonku dhexyaal Ishii aragtaa ayaanbadanlee Ilaahoow agteeda nuurka lihiyo Fardowsa ku ooli aradkeed (amiin-Amiin) Intaan amakaagay edaadee Indhuhu oohintii ilays ma lehee Uurkiyo calooshaa i aamusilee Kolay oohin iima oolin kartee Aan aastee aamintaa ii dhaha Abwaan: Maxamuud Cabdilahi Rooble Gudoomiye ku xigeenka Ururka Gurmad Ahna Tafatiraha saylac.om email: saylacnews@yahoo.com