Assalaamucalaykum wa raxma
Dhamaan ducaqabayaasha u adeega
dadkoodoow dhanbaalkan tacsi
Suugaaneedka ah fuliya oo
faafiya si degdeg ah
mahadsanidin, Waa maanso
baroordiiqa oo uu Abwaan Axmed
Warsame xasan ‘Daweeye’ u
niyooday geerida Abwaan Xasan
sheekh Muumin oo ka dhacday
waddanka Norway/ Oslo.
Xagga waaqa ayeynu ka nimi
marka xiligeena la gaadhana
xaggiisaynu u noqondoonaa...