Xanuunka Dufanka oo ku batey dadka soomaaliland dhawrkii sano ee ugu danbeeyey

02/2/2010 4:48:00 PM

Borama(Saylac.com)-Xanuunka dufanka ayaa si xad-dhaafa u shan laabmay dhawrkii sano ee ugu danbeeyey degmada Borama iyo nawaaxigeeda. Xanuunkan oo inta badan laga qaado dufanka ku bata jidhka iyo fadhiga badan oo isbiirsada ayaa waxa uu dhibaato weyn ku hayaa dad tiradoodu aad u badan tahay oo ku dhaqan magaalada Borama.

Xanuunkan ayaa waxa uu sababaa dhiiga oo kor u kaca iyo waliba macaanta jidhka oo si xad-dhaafa u korodha arintan oo keeni karta in qofku qaado cuduro kale oo ay ka mid yihiin Qalalka ama Faliska hadba sida aad u tagaano iyo waliba wadne xanuun saayida.

Hadaba dadweynaha badankooda oo aan inta badan iska ilaalin waxyaabaha xanuunkan keena oo uu ugu horeeyo dufanka laga helo xoolaha sida baruurta iyo subaha iyo waliba caanaha subagu ku jiro ayaa waxayna ilaa hada magaalada Borama lahayn meelo xarumo caafimaad oo dadka lagu wacyi galiyo dhibaatada cudurkan dufanka ama subagu leeyahay.

Cudurkan Dufanku keeno waxa uu xidhaa ama dufan ku sameeyaa xididada dhiiga qaada ee jidhka ku wareega arintaas oo marka danbe dhalisa in dhiigii si habsami ah u mari waayo.

Baruurta ama laga helo xoolaha ayaa ah dilaha kowaad ee keena cudurkan halista ah waxana dadweynaha lagu dhiiri galinayaa inay ogaadaan halista ay baruurtu ama dufanku u yeelan karo jidhkooda.

Saylac Media
Borama
Somaliland


Leave a comment
Name (required)
Mail (will not be published) (required)
Website

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Plugin by: Free Online Movies