Waan-waan loogu jiro sidii loo soo dayn lahaa danbiile hada kahor geystey xasuuqii afarta marxuum ee Dilla iyo Kalabaydhka kadhacay.
Gabiley(Saylac.com)-Danbiilaha magaciisa loo soo gaabsho Qarxiye oo bishii inaga tagtey ciidamada Booliska ah ee degamada Wajaale ay gacanta ku dhigeen ayaa warar xog-ogaal ah oo soo gaadhay shabakada saylac waxa ay sheegayaan in labadii usbuuc ee inaga tagay ay jireen wadahadalo dheeri ah oo ay Masuuliyiin kasoo jeeda xisbiga Kulmiye oo uu horkacayo Muuse Biixi ay wadaan sidii loo soo dayn lahaa danbiilaha gacan kudhiiglaha
ku foolaqday dhiiga dadaka masaafurka ah.
Shabakada sayla Media ayaa waxa kale oo ay heshay in Cuqaal ka tursan beesha uu kasoo jeedo danbiiluhu ay wadaan qorshe dawlada loo weydaaranayo jeelka lagu hayo danbiilaha si dabadeed loo yidhaahdo wuu baxsaday. qorshahan ayaa niman xog-ogaal ahi ay saylac media usheegeen in uu yimid ka dib markii ay Qucaasha beesha danbiiluhu ka dhashay ay ka warheleen in xukumada Dahir Rayale wado dacwad keeni karta in danbiilaha qoorta loo dheereeyo .
Sida aan wararka ku helay waxa jiray usbuucii inaga tagay in shan nin oo uu ka tirsan yahay gudoomiye ku xigeenka xisbiga kulmiye Muuse Biixi ay sarkaal ka tirsan jeelka uu ku jiro danbiilaha la xidhay ay u gudbiyeen waraaq ay ku qoran tahay qorshaha lagu siidaynayo danbiile Qarxiye iyo 10,000 kum oo doolarka maraykanka ah oo ku dhex jirta fariinta qorshaha lagu talo jiro.
Dirawal ka tirsanaa dirawaliinta waday kooxdan Muuse Biixi hogaaminayo ee qorshaha waday ayaa saylac u sheegay warkan xasaasiga ah isla markaana qiray in qorshuhu yahay mid socda dawladuna ayna haba yaraatee ka warhayn ama iska indho tirayso.
Waxa kale oo ay wararku intaa kudareen in goobtii lagu weecsaday afarta marxuum ee jidka u dhexeeya Dila iyo kalabaydh ay noqotey meel dadku xusuustaan markay marayaan isla markaana faataxada u maraan afartii marxuum ee sida sharci darada ah loogu xusuuqay.
Allaha u naxariisto mushaahidiintii xasuuqa dulmiga ah lagula kacay ehaladoodiina samir iyo imaan Allaha ka siiyo . Amiin
Saylac Media
Gabiley – Somaliland
WAA WAX AAN QALIGA BILI’AADMIGA GALI KARIN MA DAD GACAN KU DHIIG LEH AYAA LA SIIDEEN KARAA? WAA WAX AAN LOO DULQAADKARIN HADII AY TAASI DHACDO
m a o - February 3, 2010 8:25 am
scw
dhamaan waxaan iga talo iyo tuusalo ah in ninka gacan ku dhiiglaha ee sida arxandarada ah ulaayay niman musafirin ah oolaga rabay qofwalba oo muslin ah in uu musaafirka ugargaaro uu asaga ubareerey in uu gacantiisa ku xasuuqo marka nin kaas waa in lamarsiiya sida eey sharciga islmaka uudhigayo iyo kan sharciga dolada somaliland uyalaba aana marnaba la aqbalin arinta uuwado gacan gudhiigle muuse biixi sida aan hadalka kadaremayan waxa uu raba in uu $10000 iyo odayaal iskushegaya caaqilo wabilaahi dowdiiq
by xamaraawi
sweden
cabdicasiis xusen - February 3, 2010 5:56 pm
waa wax dhicikara sababtoo ah danbiyada intaa leeg cidii ka danbeysey iyo cidii lagu eedeeyaba waxey aheyd in mudo gaaban oo aan dhaafaneyn bil dhamaan laguto waxala wixii arintaas ku saabsan. Marka hore laba isbuux ayey aheyd in Maxkamadla cadaalada la horkeeno horkeeno, dabadeedna waajibkeeda iyo dariiqeeda la maro. laakiin xabsi lagu sii hayo macno sidaa u weyn malaha. Waxa dhici kara in laaluush la bixiyo, in siyaabo kale lagu siidaayo, in ay dowladu isbadasho waxyaabahaasoo dhami weysiideykaraan. Maxaaba xiligan dhigey waxey aheyd in maalmo gudo hood la dhameeyo.
Xasan - February 3, 2010 6:17 pm
bismilaahi raxmaani raxiin.marka hore waxaan u mahad celinayaa shebakda saylac news marxigta waxba hadal ka sii badin maayee waxaan odhan lahaa musuuliyiinta xukuumada lamagacbaxday somali-land fadlan xil is ka saara sidii loo soo taagi lahaa maxkamad sharciya ninkaa gacan ku dhiiglaha ah ,is kuna daya inaad ka wareejisaan wajaale oo aad u wareejisaan meesha maxkamdu ka jirto ee maroodijeex ama hargeysa wasaalama calaykum waraxma tulaahi………………………………..
cabdiqadir - February 4, 2010 8:27 am
saylac waxan fadlan ka dalbaneyna hadan nahay dhalinti rer awdal intad webka xayeysiis yar noga sameysiin si dhalintu ugu kulmaan plz
Fuuad Norway - February 5, 2010 9:34 am