Roobab maanta ka da’aya lughaya iyo degaanada galbeedka lughaya

02/8/2010 6:58:00 PM

 Lughaya(Saylac.com)- Sida uu kusoo waramayo wariye Hashim Goth oo weheliya hay’ada camuud foundation oo raashino samafal ah u qaybinaysa dadka abaaruhu waxyeeleen ee degamada lughaya iyo nawaaxigeeda ayaa waxa uu sheegey in saakay subaxii roobab ilaa lix saacadood da’ayay ay ka da’een magaalada lughaya iyo nawaaxigeeda. Wariye hashim waxa kale oo uu sheegay in dadku ad ugu qabawsadeen roobkan maanta ka da’ay magaalada lughaya iyo degaanka galbeedka kaga toosan magaalada oo abaar weyni ka jirtey in mudooyin ah.

“Roobku waxa uu noo bilawday 6 subaxnimo waxana uu qaaday 11:00 duhurnimo isagoo meel walba biyo dhigay” ayuu yidhi Wariye Hashim oo khadka telefoon ugu waramayey saylac.com . Dhinaca kale waxa uu sheegay wariye hashim  in dadka reer lughaya ay u sheegeen inay mudo laba sano ah- aanay arag roob sidan u da’a waxayna sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin roobkan maanta da’ay oo ah mid ay mudo badan filayaan.

 Wariye Hashim oo weheliya hay’ada Camuud foundation oo raashino samafal ah u qaybinaysa degaano afar ah oo ku xeeran magaalada ee kala ah : Kalowle, Idacadays, Beeya-garaaca,  Lughaya ayaa waxa uu sheegay in dadweynaha degaanadaa ku dhaqani ay aad ugu farxeen mucaawinada deeqda raashinka ah ee ay camuud foundation la soo gaadhay walaalahooda tabaalaysan . Waxa kale oo uu wariye Hashim intaa ku daray in Oday dhaqameedyada tuulooyinkaas ku dhaqani ay fariin qaylo dhaana ka dalbadeen in saxaafada gobolku gaadhsiiso qurbojooga reer Awdal iyo Selel si ay uga qayb qaataan samafal balaadhan oo dadkaa abaaruhu saameeyeen loo gaadhsiin lahaa .

Inkasta oo abaaruhu sameeyeen guud ahaan degaanada bariga awdal iyo salal hadana waxa ugu daran o ishu ayna qaban karin ayuu wariye Hashin yidhi degaanada buuralayda ku teedsan ee gobolka oo dadka iyo xoolahaba aad ka dareemaysid taag dari aan la qiyaasi karin.
 
 
Roobabka maanta ka curtay ayaa waxay u xoog badnaayeen degaandaa galbeed ee labadhagadka ilaa xeebta saylac ee gobolka Salal
 
Dhinaca kale wariye Dahir Axmed jirde oo isaguna ku sugan magaalada Borama ayaa isna dhankiisa soo waramaya in habeenki xalay ilaa maanta duhurkii uu magaalada borama ku hooyary roobab aan horey loo arag oo biyo dhigay dhamaan degaanada ku xeeran magaalada Booorama iyo nawaaxigeeda sida : Abuqays, Aloog, Degmo laqas, Qulujeed, goroyacawl iyo meelo kale oo badan.

Saylac Media
Lughaya – Awdal


Leave a comment
Name (required)
Mail (will not be published) (required)
Website

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Plugin by: Free Online Movies