Masaajidka Cali Bootaan ee magaalada Hargeysa oo aan amaankiisu sugnayn maalinta Jimcaha

02/2/2010 5:00:00 PM

Hargeysa(Saylac.com)- Masjidka Cali Bootaan ee magaalada Hargeysa oo ah masjidka ugu dadka badan salaada Jimcaha ayaad arkaysaa isdhex yaaca dad boqolaal ah oo kala duwan. Masaajidka ayaan haba yaraatee lahayn  shaqaale amaanka dhawra oo tababar u leh ka hortaga qaraxyada lala beegsado masaajiida iyo meelaha kale ee la iskugu yimaado.

Dhinaca kale xukumada Dahir Rayale ayaa marmar keenta askar lakiin lama odhan karo amaanka Masjidku waa mid lagu kalsoonaan karo waayo dadka alaaba qaraxyada gaystaayi waa kuwo tababaro dheeraada u leh sida ay u galaan ama u qorsheeyaan hawlaha is midaaminta ka dhaca goobaha lagu kulmo.

Hadii aanu tusaale gaaban u soo qaadano qaraxii ugu danbeeyey ee ka dhacay Jaamacada muqdisho waxa uu ahaa mid amaankiisa aad loo sugay balse ay argagixasadii is midaaminta ku dishay boqolaalka qof u suuro gashay inay galaan munaasibada qalinjabinta ardayda Jaamacada Muqdisho.

Hadaba iyadoo laga duulayo  siyaabaha kala duwan ee ay dadkan is miidaamiyi ku galaan meelaha lagu kulmo sida masaajidkan Cali Botaan ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ay u baahan tahay in daris lagu qaato waxa ka dhacay Jaamacada Muqdisho isla markaana si degdega loo dhiso qalab baadha aaladaha qaraxa loo adeegsado oo lagu baadho qofka galaya masjidka iyo waliba ciidamo aad u tababaran oo ilaaliya majsidada aadka loogu tukado sida kan Cali Botaan ee magaalada Hargeysa

Saylac Media
Hargeysa Somaliland


Leave a comment
Name (required)
Mail (will not be published) (required)
Website

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Plugin by: Free Online Movies