Jawaab kusocota iska hadle ina Gaagaale” Qabiil Qaran noqon maayo”
Salaan kadib, Maqaalkani waxa igu dhaliyay in aan u jawaabo iska hadle ina gaagaale oo soo qoray maqaal dhiigu ka da’ayo. Ninka Indho iyo maska furan ku akhriya Maqaalka Ina gaagaale waxa u muuqanaysa in uu u hadlayo sidii Isaga, Qabiilkiisa iyo Xisbigiisa SNM (Kulmiye) oo kali ah ay Somaliland ku nool yihiin.
Ina Gaagaale iyo inta la garaad-ka ah ee uu dawikhiyay nacaybka Madaxwayne Dahir Rayale waxa aan u sheegayaa in Taariikhdu ayna u akhrismi Karin sida au iyagu rabaan oo kali ah
Sida aad sheegtay hadii Ay Adiga SNM kaa xoraysay dhamaan dhibtii uu beelaha dhexe u gaystay Taliskii Siyaad barre, Balse ka waran Haddii SNM tahay midda beesha Dahir Rayale ku samaysay dhamaan Dhibkii uu beelaha dhexe u gaystay Taliskii Siyad Barre?
Waxay ahayd goor Casar ah bishii February 4th 1991 Markii SNM ay Borama oo nabad ah soo gashay ee ay cagta marisay Maatidii, Caruurtii, Duqaydii, Dhakhaatiirtii, Culimadii, Ganacsatadii iyo Dhamaan inta Birimagayda ahayd ee filaysay in iyaga aan dhiiggooda la daadin doonin.
Waxa la wada ogyahay maalintasi ma jirin Ciidan Siyaad Barre oo magaalada ku sugnaa oo ay SNM la dagaalamaysay, Mana jirin cid hub iyo Rasaas kala hor tegtay iyadoo la aaminay balan qaadyadii Odayaasha oo sheegayay in ay nabad SMN kusoo galayso Borama.
Rasaasta ka dhacaysay tiknikada iyo baasuukayaasha SNM ee laga soo ridayay Tuuraha ku meersan Gorayocawl Waxay sidii Caydhka u leefeen haweenkii iyo maatidii qaxaysay ee daadsanayd Xoogagga Fulunfuulada Iyo Aireport-ka magaalada. Laba saacadood gudahood ayaa la waayay wax dhaqaaqa Magaaladiinii uu soo galay Ciidan sida ayaxa ugu feentay mudo 24 saacadood gudahood ah.
Meydka is gaadhay dariiqyada Magaaladu ma ahayn Ciidan Dagaal kaga hor tegay SNM ee waxa uu ahaa Ganacsato, Danley, Waayeel iyo Curyaamiin iyagu ka carari kari waayay Dhiigyacabyada SNM mana jirin nin kali ah oo la dilay isagoo dagaalamaya.
SMN hadii ay u socoto Xorayn waxa ay rasaasta ka dayn lahayd Maatida aan hubaysnayn ee Xabaalo wadareedyada iyo Seesaska guryaha lagu duugay February 5th 1991 markii la aasi kari waayay darted.
Sidoo kale la waayay wax lagu aaso toona maadaama Uu ciidankaasi ayaxa ahaa feentay magaaladii oo laga waayay Gaadhi meydka lagu qaado iyo maro lagu kanfo toona iskaba daa Shaah iyo Timir Xabaasha dusheeda lagu kariyo oo raga xabaalaha qodayo lasiiyo e.
In maalin kasta sanka la iska geliyo Halgenkii SNM oo ahaa mid Xaq ah marka lagu eego Indhaha Beesha Dhexe iyo Fikirka gaaban ee Ina gaagaale waxa uu keeni karaa in dib loo abaabulo halgan cusub oo la iskaga xoreeyo Halgankii SNM.
Hadiiba Ay beelaha dhexe xaq u yeesheen in ay ku kacaan Halgan ay iskaga xoraynayaan nidaamkii kaligii taliska ahaa Beelaha kalena waxay Xaq Muqadas ah u leeyihiin inay iska xoreeyaan SNM maadaama ay u gaysatay intii Iyaduba ay ka dhiidhiday mid lamid ah.
Hase ahaatee Wax garadka Somaliland uu kasoo gudbay arintaasi, SNM iyo Beelaha dhexe waxay garwaaqsadeen in ayna Kaligood qaran noqon Karin, Beelaha ay SNM Xasuuqdayna waxa ay garwaaqsadeen in ayna Imika dani ugu jirin in ay Dagaal Hubaysan sii wadaan.
Kadibna Labadoodii wax garad waxay go’aamiyen in la iska ilaawo wixii dhacay oo la is Cafiyo laguna talaabsado wixii Umadeena u dan ah taas oo ay ka dhalatay Somaliland .
Anigoo U saxaya inta uu Fahamku ka qaldamay ee u fahmay in SNM ay wax Cafisay oo ay Iyadu Dahir Rayale Cafisay , Hadii nin walba dhankiisa fasiranayo taariikhda dee Beelaha darafyada ayaa cafiyay SNM-tii Xasuuqday maatidooda oo ka tanaasulay Kacdoonkii Hubaysnaa ee ay gali lahaayeen.
Sidaa darted Tafsiirka saxda ah ee dhacdadani waa ( in la is cafiyay ) oo sidaasi dan la mooday.
Aduunka waxa ugu daran nin aanan waxba ku siin oo hadana kula daba jooga manasheegasho hadh iyo habeen oo ku leh waxbaan kusiiyay. Waa Yaabe ilaa imisa sano ayuunbay SNM la soo jiifi doontaa waan idin cafinay Reer Awdalna loogu mano sheegan doonaa cafis aan jirin.
Bal ilaahbaan kugu dhaariyee ninka dilay Waalidkaa, Walaalkaa, Walaashaa, Ubadkaa ee qaatay Hantidaadii ee hadana laso taagan Waan ku CAFIYAY eega.
Ugu Danbayntii Imanada SNM waxa aan leehay Taariikhdaa waa lasoo dhaafay, Siilaanyona jaaniskiisii uu soo qaatay oo idinkaa sheega inuu yahay hogaamiyihii ugu waqti dheeraa, Jaranjarada Dawlidnimana meel kasta kasoo qabtay sidaa darted waxa u hadhsanaa intaas oo dhan ee uu soo wado bal noo sheega Waa su’aal Madaxa daalisay e?
Dahir Rayale iyo Tolkiina midkiiba mid ayaan leehay
Dahir Rayaalow Madaxweyne ayaad tahay ee Xilkaaga gudo, wixii dhaliil ahna dhegayso una soo jeed Danta iyo horumarka ummadda.
Tolkiina waxa aan leehay Nimanyahaw Waxa aad Madaxweyne ku qaban waydeen ku qaban maysaan Madaxweyne ku xigeen,
Cadka aad madaxwayna ku waydeena ku heli maysaan Madaxwayne ku xigeen
Dheefta gacantiinu idiin goyn waydayna, idiin goyn mayso Gacan kale.
Sidaa darted Dee Hadii aad booska madaxwayne ka dheregteen oo aad Walaalihiina reer Burco u garateen in iyaguna Fandhaalkooda darsadaan dee waa Arin fiican oo islaamnimadana ku wanaagsan.
Hadiise aad is leedihiin Reer burco ayaa idiinka roonaan Reer Boorama waa BIYO SARE TEGAY iyo Dhaan dabaggaale ee yaanan lagu jabin oo oon Harraad loogu dhiman Dhaan halaysta kasoo bilig bilig leh jiida Burco!!!!
Ali Ahmed
salamu calaykum, aliahmed well said intii aan odhan laha adaa yidhi i hope inay wax ku qatan maangaabkan malin walba war aan jirin soo qoraaya,marka hore snm waxay dumiyeen burburiyeen labada gobol ee ay somalia ka dagaan odhan maayo waxbay xoreeyen couse waxba may xoreen markay hargaysa iyo burco soo galeen iyaga iyo shacabkii labada gobol daganaba waa la burburiyey wayna wada qaxeen iyogoo ku noqday halkii ay ka soo duleen ee ithoopia.waxba may xoreen ee iyaga ka masuula burburka somalia ku dhacay ee ilaa maanta jira, maxay cafinayan iyaga dhul aanay shaqo ku leheen intay ku soo duleen dad iyo maalba burburyen hadan ku leh waxban cafinay sorry hadii cid cid cafinayso reer awdal baa wax cafiyey ee ninka wax soo qorayoow tariikh badan baa ka maqan ee soo wareeyaso wxii dhacay 1988 wakhti badan aan wax ku qoro ma hayee waa inoo markale,,,
awdalgirl - February 7, 2010 9:53 pm