Dagaal 350 neef lagu kala dhacay oo ka dhacay Dilla iyo Gabiley

02/5/2010 4:37:00 PM

Dilla(saylac.com) Warkan oo ay saylac media soo gaadhsiiyeen dadka xoolaha laga dhacay ee degaanka Dilla ayaa waxa uu sheegay in shalay galabtii maleeshiyada uu horkaco  Ina Raage Qaate ay weerar gaadmo ah ku qadeen caruur xoolo la eegaysay isla markaana ay ku kaxaysteen xoolo adhiya oo tiradooda lagu qiyaasay 350 oo ganacsi ahaan loo daajinayey.

Qaar ka tirsan caruurta adhiga la joogtey oo iyagu haystey telefoonka gacanta ayaa durba ganacsatadii xoolaha lahayd ku wargeliyey in xoolihii la dhacay maleeshiyada Ina raagana kaxaysteen.

Sida wararku sheegayaan ayaa qadar yar ka dib xoogag hubaysan oo gurmad ahi ka soo kicitimeen dhanka magaalada Dilla dabadeedna mudo yar kusoo furteen xoolihii ay maleeshiyada Ina Raage dhaceen.

Dad goobjoog ka ahaa dagaalka mudada yar dhex maray labada dhinac ayaa saylac media u sheegay inay maleeshida xoolaha dhacday ay cagaha waxka dayeen ka dib markii rasaas oogta lagaga dhigay dabadeedna ay lafahooda la carareen. Warka ayaa waxa uu intaa ku daray in ciidamada Somaliland ee degaan magaalada Gabiley ay soo kala dhex galeen labada koxood isla markaana ay ka horjoogsadeen xoogaga dhinaca dila inay daba dhigtaan maleeshiyada isku dayday inay xoolaha adhiga ah dhacaan.

Oday Cabdi Nuur oo ka tirsan oday dhaqameedyada magaalada Dila ayaa saylac media u sheegay in maleeshiyada ina raaga ay xoolaha qaar la baxsadeen isagoo hadlayana waxa uu yidhi” inta badan xoolaha waanu ka soo ridnay lakiin intii dhinayd anagoo ku daba jira waxa si kadis ah noo horjoogsaday ciidamdada somaliland oo noo sheegay inay iyagu kasoo qaadayaan lakiin ilaa hada aan waxba nagu soo warcelin – Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu ku daray Oday Cabdi ” xoolaha intii cayilsanayd ama qiimo fiican goyn lahayd waxay ku rarteen gawaadhi intii kalena ee gawaadhidu u qaadi wayday ayey lugaysiiyeen inta aanu kasoo ridnayna waa intii ugu liidatey xoolaha oo aan naf lahayn.”

Oday Muxumed oo isna saylac media kula soo xidhiidhay khadka telefoonka ayaa sheegay in dhibta ugu weyni ay tahay ciidanka somaliland oo marka hore maleeshiyada ka warhaya inay xoolaha dhacayaan ka dib markay dhacaana naga horjoogsanaya inaan kasoo ridano xoolaha. Oday Muxumed ayaa waxa uu intaa ku daray in qorshaha lagu degaanka Dilla lagaga dhacay xoolaha tirada badan uu ka danbeeyey taliyaha ciidanka degaanka Gabiley Taliye Nuux oo sida cad isagu u cadaystey qabiil iyo nacayb beelaha Samaroon ee degan Bariga Awdal isla markaana waxa uu Oday Muxumed hadalkiisa ku daray in bilihii inaga tagay ee sanadkii hore aanay jirin waxa maleeshiyo ah oo nasoo weerarta taasina ay ahayd markii ciidamada somaliland bilihii inaga tagay loo raray magaalada Hargeysa
 
Oday Muxumed iyo Oday Cabdi Nuur ayaa dawlada somaliland u bandhigaya inay ciidanka kala baxdo degaanka u dhexeeya Dilla iyo Gabiley iyagoo sababtoo ah bay yidhaahdeen ciidanka ayuunbaa marna dhar cad intay soo xidhaan xoolaha naga dhacaya marna diyarys nagu horjoogsanaya .

Saylac Media
Dilla – Awdal


Comments

  1. hor ta reer dil;a may ka baqayan reer gabiilay war iska ceshi ilahay rag ayuu iniga dhi ge mar na hoolihiina hala dhaco mar na ragiina sixun ha loo gaw roco waa nasiib

    hana - February 5, 2010 9:15 pm

Leave a comment
Name (required)
Mail (will not be published) (required)
Website

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Plugin by: Free Online Movies