Beesha ciise ee dalka Jabuuti oo isku raacday inay tageerto Dahir Rayale Kahin
“Waxa naga go’an inaan wiilka aanu abtiga u nahay tageerno doorashada inagu soo socotana aanu dadaal u galo sidii uu kursiga somaliland usii hayn lahaa sanadaha soo socda”
Djibouti(Saylac.com)- Majlisyada la iskugu yimaado magaalada Jabuuti waxaad ku arkaysaa dadka oo hadal haya tageerada ay u hayaan Madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland Mudane Dahir Rayale Kahin. Dadka reer Jabuuti ayaa waxay inta baban sabab uga dhigaan taageerada Dahir Rayale mid xoojinaysa xidhiidhka labada dal ee Jabuuti iyo Somaliland.
Shacabka reer Jabuuti oo aan inta badan ka hadal arimaha siyaasada somaliland ayaad baryahan dabne waxaad arkaysaa meelaha lagu kulmo iyagoo qadaa dhigaya siyaasada Somaliland kana hadlaya wacyigalinta Beesha ciise ee ku wajahan inay tageeraan Madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland Mudane Dahir Rayale Kahin.
Kalmada caanka ku ah fadhiyada lagu kulmo ayaa magaalada Jabuuti ayaa waxay tahay ” Inanka aanu abtiga u nahay ” Kalmadan oo dadka tusi karta kalsoonida laxaadka leh ee ay Beesha Ciise u hayso madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland Mudane Dahir Rayale Kahin oo sii kordhaysa marba marka ka danbaysa.
Udiyaargarawga caleema saarka ugaaska Beesha Ciise ee lagu wado magaalada Saylac ayaa isna inta badan lagu qaada dhigaa mijlisyada lagu kulmo ee magaalada Jabuuti. Shabakada Caalamiga ah ee Saylac Media oo qaar ka tirsan dadweyanaha reer Jabuuti waxka weydiisey tageerada Dahir Rayale Kahin, ayay waxay badankoodu shegeen inay 100% diyaar u yihiin maalkooda iyo codkoodaba inay ku tageeraan Dahir Rayale Kahin sidii uu talada Somaliland u sii hanan lahaa sanadaha inagu soo fooleh.
Osman Hussein
Saylac Media
Djibouti
Tan iyo intii ay soo baxday in Ugaas ciise lagu caleemo saaro Saylac waxaa soo baxaysay in ay beesha ciise aad ugu dadaalayso soo dhawaynta Gadabuursiga, dhinac jabuuti iyo dhinaca Somaliland ba. hadaba soodhawayntan siyaasadeed ma mid ka dhab ahbaa in beesha ciise wax ka badalayso hab dhaqankii hore ay u muujin jirtay Gadabuursiga, mise waa tabo kale oo siyaasadeed.
Anuu markaan u fiirsadayse waxaan ka gayn waayay in Ciise dhul doon yahay oo uu rabo inuu si nabada ku helo dhulkii ay colaadu ka eriday.
In Dhaqane
Maydhane Dhaqane - February 1, 2010 5:19 am
Maydhane, hurda dheer baad baad gashee iskaga jir yoomal kaafka. Dhuldoonka ciise u malayn maahe ee waa wax qeexan. Hadii taas ay male kaaga baahatay marka horaan madax kugu oolin. Ciise dhul wuu qaatay nacasna wuu helay uula kaashado. Waxay ku ducaystaan ilaahow mid Rayaale oo kale ah ka dhali reerkan hurda.
yaab - February 2, 2010 3:37 am
adeer tani rayaale iyo siyaasadiisa waytagyaan doorashadan wuu kuguulaysan ama wuu waayi sidaadarteed
markaas ayaan ciise isku naalnaa waligood ugaas ayaan keenaynaa iyo saylac anagaa leh aay dayn waayeene samaroon wuuogyahy saylac inay daari samaroon tahy yar iyo waynba …….hadii aydoonayaan innabad lagu wada noolaado hadaayaan dadka kudhashay eeudhasy ey kararayaan
daahirna wuu tagi
haybe - February 2, 2010 4:49 am
Waar Rayaale ma khusayso, hadii aanay kaa ahayn wixii xunba xaawaa leh. kiiskaa Saylac anuu reerbaan saarayaayoo,iyagoon qarsanayn waxay leeyihiin markii aan eegnay faa’iidada iyo khasaaraha ka imaankara hadii la diido iyo haddii la daayo inuu Ugaas Cisse yimaad Saylac; markii aan la tashanay Ismaaciil Cumar Geele markaan dhandhansanay macaanka lacagihii uu noo qaybiyay markaan eegnay calaada naga dhaxaysa Makaahiil Makadoor iyo Rayaalahaas talo xumadu hayso. annagoo beel waynta Maxad case Makadoor ah waxaan go’aan sanay inaan bilaa shuruud ku ogolaano in Ugaas ka ciise lagu caleemo saaro Saylac. Amnigana aan anagu masuul ka nahay iyo aamusinta kuwaa makaahiil melahaas ka hadhadlaba
Hadaba Yaaboow Cidla lama gudayee qayb innaga mid ah ayaa ka talinaysa lafjab ka samaroone arin keen.
Ina Dhaqane
Maydhane Dhaqane - February 2, 2010 5:32 am
Xisbiga UDUB Sifiican ayeey Shaxddii u Dhigeen Haddii ay Codka Beesha Ciise Xaqiijiyeen.. Waayo Waxa uu buuxinayaa Codka Xagga Kulmiye u Wareegay ee Gudaha Gobolka Salal…
Waranle - February 2, 2010 12:03 pm
Waa cajab cajaaib …………………………………
Nin dadkiisii iyo dalkiisii ka waayay taageero in dalka kale laga taageero waa wax la is waydiiiyo muslimaw……..
markaa suaashu waxa weeye maxay ku taageereeen oo ay ucuskanayaan taageeradiisa halaka ay dadkiisii uu madaxwaynaha u ahaa ku dhaliilayaan karti daro iyo waxqabad la’aan ay udheertahay cago juglaynata salaadiintii wadanka ugu saraysay uu ku hayo ……………………
waxaan umalaynayaa in qof kasta oo caqli lii uu garanayo jawaabta …….
Dadka qaarbaa is odhanaya ma gobolkana uu magucuyaalaka madaxeed ka dhigaybaa ee uu badhasaabka iyo duqa saylac siiyeybaa //////// ma sandulaytan ugaaska ciisaa caleemasaarkiisaa ………… ma jasiiradahan loo calaamadeeyey baa ……….ma…………. iyo qaar kaloo badan
lakiin waxa dhab ah in ay siyaasadi ku jirto halkaa soona bixi doonto waayo soomaali baa tidhaahda ( warkii jiraaba cakaaruu iman)
Thanks to every reader and Saylac.com
Mustafe Nur
Maxamed186@hotmail.com
Hargaisa
Musafe - February 2, 2010 3:56 pm
Horta Saylac waxa iska leh beesha Ciise. Guda-beersay waa uun ku martiye sidaa ha ku kalsoonaadaan kelyana ha ku yeeshaan. Riyaale isagu mar dhambe doorasho kuma guulaysanayee waxba codkiina ha iska khasaarinina. Ugaaska Ciisana haddii uu waraaqaha dhalashada Somaliland qaato cid ka horjoogsanaysaa inuu isku calaymo saaro Saylac majirto oo dowlada Somaliland ayaa amnigiisa iyo ilaalintiisaba kafaala qaadaysa.
Lug-Weyne - February 3, 2010 5:00 pm
rayaale waan taageeraynaa Abti iyaa loo yahay isaaqu hadey handadaan waxaan keeneynaa jabuuti.
gadabuursi hadey neceen anagu manacayno weeil abti looyahay weeyi
wiil mamaasan - February 3, 2010 10:58 pm
Noow Waar:
Somaliland oo dhaaan Weleebaa daakaa rer Hargeisa Iyo Buro Dhamaaan waxaan tageero Lixbaah and Next President of Somaliland Mudane Mujahiid Ahmad Mahamad Mahamoud Silaanyo. Ha Nolatoo Somaliland.
Waa Qaran Somaliland Maahaa Qabeeel.
Somalilander - February 4, 2010 11:25 am
walee laf kaluun waa nugu joogsan ciise iyo isaaqaw
marka hore anakaa xalkaa is dhignay ee nagula qawracay
waxaan ka baranay siyaasada ahaan RAYAALE waa madaxwaenaha gobolka AWDAL laakiin sidaa maaha waa daabki midida ee nugula qawracayey ee samaroono madaqaanid indaad isku timaataan sir qarsoodiya ood uwada hadashaan ood go,aan qadadaan dadki aad meel iska saarteen ee dhiigu ku taatay ayaa maantana si fudud oo hawl la,aan ah uqaadanaya waa cajaa,ib iyo layaable
GERMANY
deheeye - February 4, 2010 11:12 pm
ASC WR WABARAKATU,marka xiga waxan leeyahay dadkan fadhi ku dirirkow,Somaliland qaabil kaweyn.Mida kalay nin walo degankaga dhiso oo kashaykey horumarkisa, ana shayganiin dhul ana lahayn.Beesha ciise waa muwaadinin reer Somaliland oo dhul iyo tahriq kuley(saylac,lughaya,Xarirad,Boon,Gabo dadar guerissa,Sabowanaag…) dalka, sidasow kaley beesha Isaaq, sidasow kaley beesha Samaroon, sidasow kaley belaha Harti Darod.
Somaliland ha nolatoo oo ha jirto
wabilahi towfiq
somalilander first - February 6, 2010 6:57 pm