Wasiirka Arrimaha Dibada oo ka jawaabay Hadal ka soo Yeedhay Ku xigeenkiisa
Hargeysa (Saylac.com)- Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale, ayaa jawaab deg deg ah ka bixiyay hadal ka soo yeedhay ku xigeenkiisa Md. Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed Keyse), kaasoo uu ku sheegay inaanu dalka dib ugu soo laaban karin Guddoomiyaha KULMIYE Md. Siilaanyo oo laga celinayo Madaarka, haddii aanu raali gelin ka bixin hadal uu Madaxweyne Rayaale sheegay inuu Siilaanyo afkiisa ka sheegay mabda’a Federaaliga ah inuu aaminsan yahay. “Waxa weeye arrintaasi arrin xukuumada ka suurto gasha ma aha, arrin xukuumada ka timidna maaha, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE maanta waa murashax Madaxweyne, xisbi iyo ummad dhan ayuu ka wakiil yahay waa muwaadin reer Somaliland ah Anaga sharaf ayuu naga mudan yahay.” Sidaas ayuu hadalkiisa ku bilaabay Wasiirku isaga oo xafiiskiisa ugu waramayay maanta warbaahinta, isaga oo sii watana waxa uu intaasi ku daray oo yidhi: “Taariikhda iyo aragtida dadka ayaa sheegaysa waxa uu yidhaahdo iyo qiimayntiisa. Anagu wax maanta la yidhaahdo ha lagu joojiyo iyo halagu dhaleeceeyo midna ma hayno. Axmed-Siilaanyo Waa odaygaas naga mudan sharafta, waxaanu rajaynaynaa inuu dhakhsana dalkiisa ugu soo noqdo haddii uu dibad ku maqnaana uu wanaag dalka ka sheegay oo uga hawl galay qadiyada Somaliland cidii uu arkayba waxaanu ognahay inuu la kulmay Donald Payne. Waxa kale oo aanu ognahay inuu arkay ninka Maraykanka u qaabilsan arrimaha Somalia/Somaliland waxaanu rajaynaa inuu ahaa duq u maqnaa Qaranka, marka uu yimaadana uu noo waramo oo uu na soo maro oo uu xidhiidhada dawladaha halka ay marayso warbixin naga siiyo.” Ayuu hadalkiisa ku soo koobay Wasiirka Arrimaha Dibadu.
Dhawaan ayaa Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Dibada Md. Axmed-Keyse uu sheegay in aan Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo wakhtigan ku sugan carriga Maraykanku dib dalka ugu soo laaban Karin oo xukuumadu mastaafurinayso hadii uu ka noqon waayo oo dawlada raali-gelin ka siin waayay waa hadalka siduu u dhigaye waxa uu ugu yeedhay mabda’a federaaliga ah ee Soomaaliya uu aaminsan yahay Axmed-siilaanyo.
Saylac.com
Hargeysa Office
Somaliland