Waa maxay sababta aanay reer Awdal iyo Selel markale u dooran karin Dahir Rayale?
Shaqsi waloo xil u haya dadweynaha waxaa xaq loogu leeyahay in lala xisaabtamo. Xaqiiqadaasi maaha mid looga bartay Awdal iyo Salal, waana arinta salka u ah jahawareerka siyaasadeed ee ku habsaday Gadabuursi taniyo 1991.Wakhtigaa laga bilaabo waxaa mashraca siyaasada isa soo taagay dad aan lahayn haybad iyo karaamadii lagu yaqaanay shaqsiyada hoggaanka siyaasadeed ummada u qabta. Waxaan xasuusanaa Cabdiraxman Aw cali oo anshaxa siyaasada Awdal ku soo biiriyay dhaqan xumo, qabyaalad iyo cunsirinimo laga dhaxlay in dadkii isku danta ahaa ee walaalaha ahaa midnimadoodii lunto.
Ninkaas oon sharaf ku lahayn taariikhda Gadabuursi dabadii waxaa siyaasada soo galay Daahir Rayaale oo laftiisu madasha siyaasada raad-barad ku ahaa. Ha yeeshee maadaamuu siyaasada ku cusbaa Gadabuursi way soo dhaweeyeen waxaana u fidiyeen taageero iyo kalsooni buuxd iyagoo tuhunsanaa inuu u dhuun daloolo danaha dadkiisa iyo baahidooda.Markuu ugu yaryahay waxaa la filaayay inuu bogsiiyo dhawacyadii iyo boogihii naxliga lahaa ee Ina Aw Cali siyaasadiisi qaloocnayd laga dhaxlay.
Markuu doorashadii madaxtooyo isku soo taagay Rayaale, Awdal iyo Salal waxay u fidiyeen taageero sobobtuna ma ahayn inuu Gadabuursi u eexdo balse waxaa la filaayay inuu Gadabuursi xaq waxay u leeyihiin ee miisaankooga siyaasadeed u qalmo inuuna ka duudsiyin. Nasiib daro taasi may dhicin.
Rayaale markuu ku fadhiistay kursigii ugu sareeyay Soomaliland waxaa cadaatay in Gadabuursi iska daa xaqooqoy helaane, waxay waayeen wixii hore ay u haysteen marka la eego miisaanka ay ku lahaayeen xukumadihii ka horeeyay Rayaale. Uuma baahna inaan halkan soo bandhigo xisaabta aan hayno ee ku saabsan xaqa Gadabuursi ka maqan. Waxaa kaaga filan in jilibyada Isaaq marka loo qaado mid mid in midkastaa kaga awood badan yahay Gadabuursi Golaha Wasaarada, Golaha guurtiga, Golaha Wakiilada. Xagga maamulka Dawlada Gadabuursi ideylkii labo agaasime guud iyuu ku leeyahay. Maxkamada sare cid kuma leh.Taliska ciidanka cid ku maleh. Dhowr iyo sodanka guuto ee ciidanka hal taliye ku maleh. Booliska taliye ku maleh.
Xagga Madaxtooyada iyo la taliyaashiisa, Rayaale Wuu ka mabnuucay cid ka soo jeeda Awdal iyo Salal. Saddexda wasiir ee Awdal iyo Salal la siiyayna waa wasaarado dadka xidhiidh la lahayn oo manfacna ka cidloah. Wasiirada laftooduna maaha kuwa xil siyaasadeed qaadi kara.
Hay’adaha horumarka iyo samafalka ee shisheeye waxay ka jiraan waxaan ahayn Awdal iyo Salal ka dib go’aan u gaadhayMadaxweyne Cigaal balse la filaayay inuu Rayaale saxo. Taasi waxay keentay in cidii shaqo rabtaa Hargaysa u haajirto sidii Xamar loo tagi jirey.
Dhaqaalaha iyo mashruucyo horumarineed Awdal iyo Salal wax dawladu ka qabatay ma jiraan. Xeebihii Awdal iyo Salal waa la xayiray oo wax ka soo deggi karaa majiraan. Cabasho sannado socotay kadib oo dadka xeebta daggaa ay wadeen iyuu dhawaan ogolaaday in Lughaya la isticmaalo. Waa ninkii laga filaayay in waxa ugu horeeya ee uu ku dhaqaaqaa noqonto dekadaha goboladaa dhismahooga amba inuu dhiiri galiyo. Waa wax lala yaabo tiiyoo waliba la ogyahay in badda Awdal iyo Salal oo dadkii lahaa laga xayiray in Rayaale qandaraas ku siiyay maraakiib ka kaluumaysata oo isaga iyo dhowr nin oo kale miisaniyadi ka soogasho.
Dhacdooyinka ugu daran waxaa ka mid ah in milixleyaashii Tukhishi la cuna qabateeyay oo Rayaale bixiyay sharciyo la siiyay ganacsato milix ka keena Yemen. Waxay taasi ku tusaysaa inuu Rayaale wax lexejecla ah ka qabin in Awdal iyo Salal wax u kordhaan. Waxaad moodaa cadaw loo soo diray dadkiisii. Mayd kaa la sii sidaa u dambeeyee, wuxuu hawaystay inuu ciibiyo Gasiiradihii dadkaas isagoo waliba edebdaro iyo cay ku haya Salaadiintii Gadabuursi ee karaamada iyo sharafta mudnan. Waa arimo yaxyax leh oo sawir dhab ah ka bixinaaya Rayaale iyo Maamulka lagu sheego inuu isagu xakumo.
Taa hadaan ka gudbo waxaad ogtihiin siduu u furdaamiyay amba u dhayalsanayo arinta xasaasiga ah ee Ceelbardaale. Arintaas waxay keentay arin kale oo ah mid aan horey u dhicin.Waa tii jidgooyada ahayd ee dad safar ah lagu qalay, hantidoodiina ilaa manta lala maqan yahay. Iska daa wax kaluu qabtee, Rayaale wuxuu ku dhici waayay inuu tacsi u diro eheladii iyo qoysaskii Shahiidiintii. Wax golahiisa dawlada oo baroordiiq ugu yimid ma jiro dadkii raggooga la laayay.
Ciidankiisii xooga ahaa wuxuu noqday mid la dul dhigo Gadabuursi si looga ilaaliyo inay kacaan oy xaqooqa u kacaan. Ciidanka dawladu waa mid Awdal iyo Salal uun xoog u leh mar ay caruur ku layaan iyo mar ay Salaadiinta Gadabuursi dhulkooda ka mabnuucaan. Waad la socotiin in Salaadiin waajibkoodii gudanaaya ciidan Rayaale u isticmaalay. IIaa maantana xubnaha dawlidiisu markay afka kala qaadaanba itaalkoodii wuxuu noqday inay cay iyo aflagaaddo u gaystaan Salaadiinta Samaroon ee qadarista mudan.
Waxaa intaa ka yaab badan dadka Rayaale wali jaahilnimo ku taageersan oo afka soo mariya in dadkii la qalay uu xisbiga Kulmiye iyo Siiraanyo ka dambeeyeen. Hadday siddaa tahay, war garaad dhaamaa jiree, Rayaale-Cawil-Cirro habben kamay oleen inay Siiraanyo maxkamad soo taagaan waayo dantoodaa sidaa ku jiri lahayd, doorashana Rayaale iyo kooxdiisu iskuma hantaaqdeen, hawlihii doorashada ku lug lahaa ee gilgilka keenayna lama gaadheen ee Siiraanyo Mandheeruu ku jiri lahaa. Halkaana waxaan hoosta uga xariiqayaa dadka jahawareersan ee wali garan awaaqib xumada siyaasadeed ee Rayaale Gadabuursi gaadhsiiyay. Arintu in la labalabeyo way ka gudubtay, sidaa darted qof walba si aqli fayoobiya ha u xisaabtamo isagoo qiimaynaaya danaha guud ee mustaqbalka reerka.
Nasiib darada kale ee Awdal iyo Salal ku dhacday waxa ka mid xildhibaanadoodii, marka laga reebo Ikraan Xaaji Daa’uud, oo noqday kuwo idho la’aan iyo dhago la’aan kaga dhacday dhibaatada haysata dadkoogii. Waxaan ku tilmaamikarnaa niman noqday guulwadeeyaashii dalka horay u soo maray. Waxaan ugu ducaynaynaa in Ilaahay garansiiyo awoodooda iyo waajibaadkooga ay u xilsaaran yihiin.
Waxaan meesha iyadna ku jirta in laysweydiiyo doorka xisbiyada mucaaridka. Dhibta iyo tacadiga lagula kacayo Awdal iyo Salal maxay uga aamuseen? Ma waxay Awdal iyo Salal u xidheen Udub? Miyayna ogayn in Awdal iyo Salal ka qatantahay qaybtii xaqa ay ugu lahaayeen maamulka Soomaliland? Ogsoonaada in Awdal iyo Salal ay xisaab xidhkii ay dhamaysteen. Ninkii lexojeclo Soomaliland ka haysaa ha ogsoonaado in shacbiga Awdal iyo Salal ay halkii ugu dambaysay marayaan, samirkuna xad buu leeyahay.
Awdaliyo Salal waxay soo gaadheen oy joogaan wakhtigii xunta. Nabad iyo wanaag iyay xambaarsanaayeen taniyo 1991. Waxay ka dhaxleen ceeb iyo xaqooqii oo si cad loo duudsiyay. Jiritaanka dal waxaa fure u ah cadaalad waana midka ay tabayaan Awdal/Salal.Waxaa cad in Awdal iyo Salal khasaaro joogaan. Danbiiluhuna waa Rayaale oo aasay xaqii iyo xuquuqdii labada gobol. Ficiladiisuna waa khiyaamo iyo dhabarjab awaaqib xumo dhalisay.
Si taas loo soo afjaro, Soomalilandna u sii jiri karto isbadal baa loo baahan yahay xagga Awdal/Salal iyo dhinaca maamulka dalkaba. Micnaheegu waxa weeyi Rayaale waa arqalad Soomaliland hor taal. Inuu meesha ka baxaa waa badbaadada Soomaliland, waana shuruuda qudha ee xaqiijin karta jiritaanka dadka ku nool Awdal iyo Salal soona celin karta sharaftoodii iyo karaamadoodii.
Haji Cumar Cabdi Cige
Ottawa, Canada
Email: hajcumar@hotmail.com
asalaamu calaykum walaalayaal bahda saylac iyo reer awdal iyo salal waxaan idin sheegayaa tacsi ku timid dadkii u dhashay goboladan selal iyo awdal war arinkani waa mid loobahan yahay in laga hadlo oo ninkani la iska tuuro waayo sharaftii gadabuursi ayuu ku ciyaarey oo dadkiisii ayuu cuney oo waxuu sii socdaa inuu cunaha qabto yaa war ninkan xalkiisu waa salaadiinta oo hadasha oo tiraah ninkan halala dagaalamo saaas weeyi asalamu calaykum
khadar hassan haddi - January 13, 2010 2:38 pm
Cabdirahmaan Awcali faarax iyo Riyale maaha labo la isbarbardhigi karo. Hadii aad leedadey Cabdirahman Aw Cali dhibaatuu soo horkacey bilowgii sagaa shameeyihii waa runtaasi. Anigu waan u joogey qudbad Ina Awcali iyo Marxuun Yuusuf talan Borama iyagoo wada socda ku qabteen. Nuxurkuna wuxu ahaa nabad aan dadyowga kale ee dariska kula noolaano. Mida kale digniino isdaba jooga ayuu usoo direy dhamaan reer Borama iney iska saaraan dadkale ee ciidamadii Siyad Bare ka hadhey.
Cabdirahman waxa lagu xantaa inuu yahey nin aan loosoo gali karin xaq uu leeyaheyna la daafinkarin doqona maaha. Waxa looga saarey xisbiga Kulmiye siiraanyo wuxu ogyahey in aanu la shaqeynkarin nin geesiya oo ad adeg laakiin doqono la jiidjiidi karo ayaa loo baahan yahey kuwaasina waa laba kale aha Ina Riyale iyo Cabdirahman Saylici.
Markuu ahaa Cabdirahman madaxweyne ku xigeen miyaad maqashey jidgooyo waa maya. Isku soo wada duuboo Ina Awcali wuxu ahaa dantii garan geesiya ku dili laakiin aan loogusoo gaban kaadh qabiil iyo ku qaran oo kolba midlala soo boxo.
Xasan - January 13, 2010 5:16 pm
waxa aan aadula yaabay naxliga iyo xumaha uu xanbaarsan yahay wiilkani.
afkaagu miyaanu xishonayn markaad sida badheedhka ah aad u aflagaadayso 2 qof ee kaliya ee galay taariikhda samaroon.
waa halyeey c/axmaan awcali faarah oo ahaa m/kuxigenkii ugu horeeyay ee abid soo mara taariikhda samaroon iyo madaxwayne rayaale oo an madaxwaynihii ugu horeeyay ee soomara taariikhda samaroon.
sideed doonaysaa inaad dad aad fikir ugu gudbisid adiga oo caayaya ragii ay ku faanayeen ee dadka reer awdal ugu jiray kadarka ku xardhan farta dahabka ah.
ha ku dagdagin cayda waalidka amase dadka dalka waxtarka u leh.
mida kale qaabka wasiirada loo qaybiyay waa lixda gobol ee s/land oo gobolkasta la siiyay 4 wasiir.sidaa ayay s/land ku leedahay 24 wasiir.
xaqa awdal cidina qaadan mayso ha baqanin.
dhoowr sharafta qofka inta aaddhawri karto waxa laga yaaba cay ismaadlahayne qalinka ayaa kaa karaaray.
rajo dhigistana iska daa sxb dadkeenu maanta malin ay ka fiican yihiin may soo marin taarikhda.
dadkana ka iibi wax ay kaa qaadan karaan; hana ku dagdagin cayda waalidka mar koobaad abad iyo sadexaadba.
guled
Awdalli - January 13, 2010 6:37 pm
waxaan filayaa willkan ugu danbeeyay ee mesha wax ku qoray in uuna ahayn samaroon amba reer awdal waayo waxaad ka milicsan kartaa
afkaartiisa iyo waxa uu aaminsanayahay markaa wuxuu rabaa in uu isu diro bulshada reer sh.samaroon marka uu leeyahay ma jirto maalin u ka fiicayhay samaroonku miyuu walanayahay mise god ayuu ku jira uu ka soo baxay hada warbaahinta iyo waxa dalka ka socda miyuuna ogayn mise hada ayuu dhashay uu xoolka ka soo baxay intaa waxaan u dhaafayaa tacliiga wiilka isku sheegay awdali hadii aan u soo laabto waxaa muhiima in la soo celiyo karaamadii bulsha waynta boqortooyadii adal empire ka soo jeeda maanta waxa uu ninkastaa oo reer awdal ka dheregsanyahay baahida loo qabo mid nimada bulshada waynta boqortooyadii liicday ee adal waxaa hubaala in hada reer sh.samaroon isku aragti ka yihiin sidii wax loo badi lahaa iyo is badal dhinac kasta taabanaya oo loo bahanyahay waayo waxaan nahay umada ka soo jeeda xadarad iyo ilbaxnimo hore oo soo jireeen ahayd maaha dadka reer awdal dad soo bilaamay bilowgii 19960 amba bilowgii gumaystaha waa dad leh aqoon ilbax nimo raagtay waxayna taasi ku cadahay taariikhda dhinaca kale waxaa jirtay in la aasay taariikhdii faca wayneyd ee reer awda taana waxaa ugu wacnaa xukumadhii kale danbeeyay iyo gumaystiihii taa waxaa daliil kuugu filan waraysigii ay la yeelatay shabakada saylac odayashii hore sida barkhar xaaji khayre mahaa dadka reer adal dad bilamay qariniig iga tagay lakin waa soo jireen lakin beelaha kale ee darifyada iniga xiga waxay la socdeen gumaystaha oo tageer hiil iyo hooba siyay hadii aad u fiirsato meel kasta manta waxa jogaa waa dadkii u adeegi jiray gumaysata taani hadeed sii socon mayso way gaadhay waqitii laga takhlusi lahaa inshalah gabagabo waxan leeyahay waxaa jira in la laka jabiyo bulshad si looga faa iidaysto khilaafka dhexdooda
marka gabagabadii waxan oran lahaa ha lagu dadaalo isu duunida waayo taasi iyaan meel ku gaadhaynaa hana la dhaafo naxliga siyasiyeenta
iyo beelaaha kale ee inagu dhex jira sida hada kan meesha wax ku qoray
wiillughaya - January 14, 2010 12:08 pm
A C W Wiillughaya hadii la calaaacali waayo malaha qofku reer awdal maaha ,hadii la faanin waayo dad wax magarato ah waar waxan idin odhan lahaa KABIR CAQLAK caqligiina wayneeya .
GADABUURSI waa qoomiyad balaadhan dadkiisuna ma noqonkaro iskuwada fikir.
diriye - January 14, 2010 8:55 pm