Togdheer: Taageerayaashii Ugu Badnaa ee ka soo Baxa KULMIYE oo isku soo shubay Xisbiga UDUB
Burco (Saylac.com) – Boqolaal Qof oo ka tirsan taageerayaasha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ee gobolka Togdheer, ayaa shalay ku biiray xisbiga tallada haya ee UDUB, kuwaasi oo xaflad soo dhawayn ah loogu sameeyey hudheelka Ciagal ee magaaladda Burco.
Taageerayaashan ka soo baxay KULMIYE oo ahaa kuwii ugu badnaa ee beryahan la arko oo ku biira xisbiga UDUB, ayaa isugu jiray shan kooxood oo kala duwan oo kala ah ciyaartooyo u ciyaari jiray xisbiga KULMIYE oo ka kooban SeDdex Group, Fanaaniin, qurba joog iyo dadweyne kale.
Guddoomiyaha xisbiga UDUB ee gobolka Togdheer Ayaanle Cismaan Ibraahim oo ugu horeyn ka hadlay Munaasibadaas ay u sameeyeen taageerayaasha ku soo biiray xisbigooda, ayaa sheegay in dhalinyaradan ku soo biirtay oo markii hore taageeri jiray xisbiga KULMIYE in ay arkeen in Danta iyo Midnimada Somaliland ay ku jirto Xisbiga talada haya ee UDUB, kaas oo uu sheegay in uu ku caano maalay nabad iyo isku duumni uu ka dhexsameeyay bulshowaynta Somaliland.
Waxa Mr. Ayaanle xusay in dhalinyaradan ku soo biiray xisbigooda in ay ka mid noqonayaan maamulka iyo masuuliyiinta xisbiga UDUB ee gobolka Togdheer oo aan laga xigi-doonin, isla markaana si gaar ah u taakulayn doonaan dhalinyarada kubadada cagta ee ku soo biiray UDUB si ay cagahooda iskugu taagaan.
Gudoomiyaha Garabka Haweenka xisbiga UDUB ee gobolka Togdheer Sahra Dubad oo iyana ka hadashay Munaasibadaasi ayaa sheegtay Boqolaalkan Qof ee ka soo baxay xisbiga KULMIYE ee ku soo biiray xisbigooda in ay ka mid ahaayeen Dhalinyaradii ay kaga timi xisbiga Kulmiye sidaa awgeedna waxay sheegtay marhadii ay maanta ka soo guureen KULMIYE oo ay u suu noqdeen UDUB in ay u balan qaadayso Kooxaha Ciyaartooyadada ah in ay u dirto Koobab ay ku ciyaaraan.
Farxaan Aadan Jirde oo isna ah Gudoonka Garabka dhalinyarada Raga ah oo isna madashaasi ka hadlay ayaa isna sheegay in ay farxad weyn u tahay Xisbigooda mar hadii ay maanta taageerayaashii ugu badnaa ee Kulmiye ku soo biiraan UDUB ,sidaa awgeedna waxa uu xusay in ay isla garabtaagayaan Saamiga ay ku leeyihiin Dhalinyarada Xisbiga maanta wixii ka danbeeya.
Dhinaca kale Gudoomiyayaasha watay Sedexdan Kooxood ee ciyaartooyada ah ee KULMIYE ka soo hayaamay oo u hadlay dhalinyaradan ay wateen ayaa sheegay in ay Kulmiye uga yimaadeen Maamul xumo iyo Cadaalad-daro ay sheegeen in uu habaya yaraatee waxba kaga qaban waayay Seddex-sano oo ay magaciisa ku ciyaarayeen baahiyaha aasaasiga ah ee dhinaca Isboortiga ka haystay kooxahoodan, sidaasna ay ku gu’aansadeen in ay ku biiraan xisbiga Talada haya iyagoo Oodahoodii wata.
Saylac Media
Burco- Somaliland