Taliyaha Ciidanka Booliska oo Sheegay inuu Fulinayo Amarkii Gudoomiye ku xigeenka Guurtidu ku Ganaaxay 3-da Xildhibaan Amarka Saleebaana aanu Ogayn
Hargeysa (Saylac.com)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Kornayl Maxamed Saqadhi Dubad ayaa hoosta ka calaamadiyay inuu fulin doono amar uu Todobaadkii la soo dhaafay ku simihii Gudoomiyaha Golaha Guurtida, ahna wakhtigan Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golahaas Sh. Axmed Sh. Nuux Furreh ku siiyay in aanay Golaha xayndaabkiisa soo gelin Afar Xildhibaan oo uu ku jiro Gudoomiyaha guddida joogtada ah ee uu sheegay inuu bedel ku sameeyay Cabdilaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad), Aadan Sanwayne, Cawil Xuseen Axmed iyo iidle Xasan, kuwaasoo uu kula socodsiiyay taliyaha in aanay foodda soo gelin golaha wakhti ku siman muddo Saddex ka mid ah fadhiya golahaasi yeelanayo, iyada oo fadhiyadaas oo aan dhicin oo golaha soo gaadhay Gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo safar dibadeed ugu maqnaa wadanka Ingiriiska.
Taliyaha ciidanka Boolisku waxa uu sheegay in aanu fariin qoraal ah ka helin Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo hada dalka ku sugan, isaga oo ku adkaystay inuu soconayo oo uu fulinayo amarkaas hore ee Gudoomiye ku xigeenka.
Amarka uu sheegay Taliyuhu in lagu soo rogay Saddexda Xildhibaan ayaa ku eg fadhiga maalinta Berrito ah uu Goluhu yeelanayo. “Anaga mar hore waxa na soo gaadhay oo aanu haysanay qoraal ka soo baxay shir-gudoonka Guurtida oo ku saabsanaa in xildhibaanadaasi saddex fadhi oo golaha ah laga joojiyey, kana bilaabmaysay sabtidii (shalay) amarkaasi ayuun baanu haysana oo caadi ah kaa hore ayaanu sidiisa u fulinaynaa ee sadexda fadhi ku xadaysnaa”. Sidaas ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Booliska oo wax laga waydiiyay qoraallo amaro ah oo ay iska daba tuureen Gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa Golaha Guurtida.