Shacabka reer Jabuuti sidey u arkaan caleemo saarka Ugaaska Ciise ee Saylac?

01/22/2010 5:35:00 PM

Djibouti(Saylac.com)- Guud ahaan shacabka magaalada Jabuuti maaha shacab siyaasada aad u dhegaysta waana shacab la odhan karo gabi ahaanba way ka duwan yihiin soomaalida kale oo alaaba isku mashquulisa arimaha siyaasada iyo dhegaysiga wararka BBda . Shacabka Jabuuti ayaanu waxka weydiinay bal siday u arkaan caleemo saarka ugaaska ciise ee lagu wado in lagu caleemo saaro magaalada Saylac.

Dadka badankiisu warba uma hayaan arimaha caleema saarka iyo hawlo la xidhiidha toona. Dadyowga aanu waxka weydiinay ayaa badankoodu aad ugu kala rayi duwan yihiin:

Qamar Cabdiraxman oo ka mid hooyo jaadka ku iibisa magaalada Jabuuti macaamiil aad u badan leh ayaa waxay noo sheegtey inay aad ugu soo horjeedo in Ugaaska laga soo raro magaalada Diridhaba waayo ayey tidhi dhulka soomaalidu degto ee Itoobia gaar ahaan gobolka Shiniile oo horeyba looga cabsi qabay in qawmiyada oromadu la wareegto ayaa waxaanu ka cabsi qabnaa in hadii Ugaaska kasoo guuro ay noqon doonto in gabi ahaanba magaalada Diridhaba oromadu la wareegto. Markaa waxa ila haboon in ugaaska loo daayo dalka Itoobiya dhulkan saylac cidna loogama baqayo lakiin dhulkaa qawmiyadaha inaga badani degan yihiin ayaa loo baahan yahay in la camiro ugaaskana lagu caleemo saaro.
Xildhibaan ka tirsnan baarlamaanka dalka Jabuuti oo codsaday in magaciisa aan la shaacin ayaa isna qaba: Horta Ugaasku waa ugaas guud waxana dawlada Jabuuti ka go’an inay caleema saarka Ugaas Mustafe waxba aanay ula hadhin waxanaan taageersanay in Saylac lagu caleemo saaro qorshaha saylac in lagu caleemo saarana waa mid haboon oo tariikh soo jireena ah. Sidoo kale Ugaaska Samoon isna waanu soo dhaweynaynaa hadii lagu caleemo saarayo waayo waxaan nahay dad isku mida oo wada dhashay tariikhduna xusayso inaanan sinaba loo kala maarmi karin. dhulkeena hodanka ah waa inaan ka wada faa’iidaysanaa si wada jira oo aan ilawnaa qabyaalada inala hadhay ee maanta somaliya halkaa dhigtey . Markaa rayiga aan qabaa i waa kaa waanan taageersanahay caleemo saarka ugaaska ee saylac waxana lagu wadaa in xubno farabadan oo baarlamaanka Jabuuti ka qayb galo.

Warsame Aaden oo ah dirawal tagsi magaaalada Jabuuti ah ayaa isna sidan qaba: Maanta aduunku wuu isku soo dhawaanayaa ugaasyadeena hadii aan soo celino karaamadooda iyo tixgalintooda waxa suuro gala karta inay xaliyaan khilaafkaadka qabaa ilka ka dhex dhaca — Markaa aad ayaan u taageersanay in Ugaas Mustafe lagu caleemo saaro meel aad ugu dhaw magaalada madaxda Jabuuti si amaankiisa looga warhayo .

Oday Axmed Rabile oo ka mida dadweynaha reer Jabuuti ee ku dhaqan magaalada Tajoore ayaa iska sidan qaba: Ugaaska waan u ducaynaynaa waxanaan eebe ka rajaynaynaa inuu noqdo mid cadaalada dhawra – caleemo saarka dhinaca saylac wax wara kama hayo lakiin waan ku farxay waana khayr usoo hoyday beesha ciise meelkasta oo ay joogto oo maanta haysata dawlad daacad ah oo danahooda hadii ay ugaas noqon lahayd iyo hadii kaleba ka warhaysa . aad ayaan adeer usoo dhaweynaynaa .

Axmed Jamac oo ka tirsan shaqaalaha ciidamada maraykanka ee degan Jabuuti ayaa isna qaba sidatan: Sidani waa dhulboob beesha ciise ay kula kacayso dadka reer Saylac ee Beesha Samaroon waanan ka horjeednaa tariikhdana lama hayo Ugaas ciise oo lagu caleemo saaray Saylac — Waxanse aad uga xumahay in dadkii dhulkaa lahaayi ay Borama iyo Somaliland siyaasadeeda ku mashquuleen waxaan u sheegi lahaa reer saylac waa inay diidaan caleemo saar siyaasadi ku jirto waanan ka hortagaynaa tariikhdana la bedeli maayo – Dalka Jabuuti waxa uu ogaaday ahmiyada dhulku leeyahay waana sababtaa uu saylac iyo Awdal u damcay markaa Dahir Rayale wuxuu samaynayo waanu wada arkaynaa mase yeelayno .

Sahara Cabdisaman oo ka tirsan macalimiinta dalka Jabuuti ayaa iyana sidan qabta: Hadii daacad laga yahay caleemo saarka maxaa caasimada dalka Jabuuti loogu qaban waayey ? waa doqoni ma garato in saylac lala tagana waxay la mid tahay dhulbalaadhsi reeraha ciise ee uu Ismaciil horkacayo ay sameeyaan – Beelaha Cise maanta dawladoodu waxay damacday waanu wada arkaynaa lakiin soomaalidu waxay tidhaa (gudinyahay hadii ayna qayb iga midi kugu jirin ima goyseen) Dahir maalintay reer AWdal u mashxaradayeen ee ay Cabdiraxman Awcali oo dhulkan dufaacay cirka u tuureen ayey arini seegtey waxaan leehay Ugaasku ku amaan heli maayo dhul dadkii lahaa gaajoonayaan mar ay noqotaba rag ayaa u soo kici oo kasoo eryi – Mida kale dadka reer sheekh Samaroon ee dhibaatada ugu weyn lagu hayo ama lagu hayn jiray dalka Jabuuti halkee lagu ilaaway xasuuqii ugu darnaa ee geeska afrika ayaa ka dhacay Jabuuti wakhtiyadii dagaalka sokeeye ka dhex socday Samaroonka iyo Ciisaha walina nabaradii way sii muuqdaan markaa iyagoo taasi jirto hadana maanta dhulkiinii ayaan ugaas ku caleemo saareynaa ma yeelayno cidii yeeshina waa doqmo aan siyaasada waxba kala socon.
Waraysigan aanu la dhex maray dadweynaha Jabuuti oo dheeraa ayaanu intaa kusoo gaabinaynaa barnaamijyo kale kala soco saylac.com

Osman Hussein
Saylac.conm
Djibouti


Leave a comment
Name (required)
Mail (will not be published) (required)
Website

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Plugin by: Free Online Movies