Sawirka bisha”Calool adayg waa Allah wehellikii ” Abaaraha gobolka AWdal ku habsaday marnaba may horjoogsan in dadweynaha xoola dhaqatada ah niyad jab ku yimaado

01/30/2010 5:56:00 PM

HAWEEN KUBAD CIYAARAYA“Calool adayg waa Allah wehellikii ” Abaaraha gobolka Awdal ku habsaday marnaba may horjoogsan in dadweynaha xoola dhaqatada ahi noloshooda  iska wataan

Bariga Baki(Saylac.com)- Xaalada Abaaraha ka taagan degaanada bari ee gobolka Awdal ayaa waxay marayaan

heer halis ah oo waxyeelo aan horey loo arag u geystey duunyo aad u tiro badan. Shabakada caalamiga ah ee saylac media oo socdaalo dhawra ku gudo jirta si ay wax uga ogaato xaalada abaaruhu u geysteen dadyowga degaanadaa degan ayaa waxa aanu la kulanay reero  kala duwan oo ku baahsan degaanka bari ee Baki.

Abaaraha ka jira dhulkani maaha kuso horey loo arkay dadkuna waxay ka cabanayaan biyo la’aan iyo xoolaha oo raxan raxan u dhimanaya. Dadweynaha aanu la kulanay ayaa waxay noo sheegeen inayna haba yaraatee wax tageero ah oo dhinaca dawlada ama hay’adaha wadanka ka jira helin mudada ay abaaruhu ka jiraan degaanada Baki.
Hadaba sawirkan yaabka leh oo aanu ka qaadney haween aanu kula kulanay degaanka Bari ee Baki ayaa waxa uu ka turjumayaa calool adayg waa Ilaahay wehelkii oo sida dhabta ah ay dadkani maanta ku sugan yihiin isla markaana ayna markaba u niyad jabin qadarka Eebe oo Abaartani ka mid tahay ..
Saylac Media
Bariga Baki
Awdal- Somaliland


Leave a comment
Name (required)
Mail (will not be published) (required)
Website

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Plugin by: Free Online Movies