AARKU BAAQAN MAYEE BALI WEYE SAMIRKUYE ADNA BORAMAY GARO..BEELA ADUUNYADA LAGA TIRAY BARTOODO KOLAY BALADU KALIGAA BUUL KAMA DHIGANE BOQOOL KUN,,HEESTA BAAN KU SAMRAY BARIGAA ILAAHOW U NAXARIISO CARUURTI GACAN KA GARDARAN BAA AHAYDE,
Waa maalin haboon inaynaan iloobin marnaba xasuuqii dadkeena waliba caruurta yaryar oo runtii taabatay family kastaba waana maalin si wayn inoo wada taabatay waxaanan jeclaan lahaa inay xusi lahaayeen kuwa hada maamulka haya ee borama jooga iyo kuwa waxbarashada si aynaaan marnaba u iloobin taariikhdii madoobayd ee ina soo martay.
Dhamaan Alaha u wada Naxariisto shihiidiintii
ku dhimatay maalintaa murugda leh
waana in la xusaa loona sheegaa Ubadkeena meelkasta
oo aan joogno.
Waxan ku amaanayaa dhamaan shebekadaha awdal Nooca
ay doonaan ha ahaadaane in ay muujiyeen dareen wadaninimo
Waayo saaka markii aan indha ala kala qaaday waxa aan ku arkay
Shabakad kasta iyada oo ay ku xusantahay maalintani
Waxan idinku hambalyaynayaa sida ada u xusaysaan taariikhda
Midna ha iloobina dhacdadaii Foosha xumayd
ee Xasuuqa loogu gaystay dadkii shicibka ahaa
ee lagu gumaaday Jidka Boorame iyo Hargaysa u dhexeeya
Midkale ayaan ka Codsanayaa bahda Saylac waxa jirtay
Hees Taariikhi ahayd oo loo sameeyay maalintaasi
oo ay qaadaan Hibo Maxamed iyo Xasan aadan
Fadlan Sooraadiya heestaasi oo ku codeeya dhacdadan
Waanad mahadsantihiin
Maanso aan bilaabiyo
Inta aan baroortiyo
Heeso aan bulxamiyaaa
Baabi ii doraad dhacay
Boorama shilkii helay
Booyi korodhsi mooyee
Toloow boog ma dhayayaan
Hablihiyo barbaartii
Xubnohooda baqalyaha
bahal lagu casuumiyo
Baajiyay wanaagii
Be e yaanu geerida
Waxba gabaygu baajine
Ho heey bigilku dhaawaca
Bixiyaa ma kabayaaa
Ardaydii banaanada
Miigu baacsanaayiyo
Cilmi baahsha yaashii
Barayaashii goobtee
Boobaha Axmaaradu
Gar darada badheedhka ah
Barqo dheer ku gaasiray
Ayuunbaa bogaygiyo
Beerkayga lu layeee
Soomaalaay ba daydani
Tacsi buura weeyoo
Hooyooyin badanoo
Shalay nacabku bacadada
Ubadkooda boodhkiyo
Baylah haadka ugadhigay
Ayaan belo la qaybsiga
Baaq aamusiiyo baan uga dhigaaya
Dhulkii bilicda aadkiyo
Buuraha qurxoonaa
Dhulkii beelo roobhelay
Sidoodii bilaanjiray
Nin bukaa haduu tego
Dhulkuu soo bogsoon jiray
Caqli laawe ba an iyo
Bahal doorsan mooyeee
Nin yaqaani Boorama
Bambo kuma garaaceen
Heestu waa badantahay oo waxa wada qaadaya Hibo maxamed
iyo Xasan Aaadan samatar hees aad u qaali ah una
Qiimo badan ayay ahayd
Cidii in uun heshaa heestaa Fadlan waan kun farxi lahaa
in aan maqlo markale waan ooyaa marka aan xasuusto maalintaa iyo Heestaaba
Waad mahadsantihiin dhamaaan
sc wr wb. walala dhamaantin waan inii salaamaya. intaas kadib waxan leehay Ilahay haa u naxariistu caruurtii halkaas ku shahiiday……amiin. waa maalin Muruguu le oona La ilaawi doonin. Samiir iiyo imaan baa meel lagu Gaadha. Hadaanu reer awdal nahnay aanu Dadaalnu Dadkeena iyo dhulkeena wax uu qabanoo si aayna Malintan oo kale u soo laaban inshallah. Hal qoof wax ma qaban karo lakiin dhamaanteen hadaan isku tagnoo oon is kaashano wax waan qaban karnaa isnhallah. Hala daadaalo melkastoo la joogo Reer Reeer SH,samaroon. Wa bilaahi Towfiiq.
Waan u mahadnaqayaa saylacnews iyo cid kasta oo soo heshay maalintan taariikhda madow ka gashay dadkeenii oo aan marnaba la ilaawi karin, waxana muhim ah in aan taariikhdeena oo dhan la raadiyo dhinac walba waxa kaloon jeclaan lahaa in Borama laga xusi lahaa maanta,oo aan maamulka iyo gudida waxbarashada ay xusaan sanad walba si aynaan u iloobin dhibkii ku dhacay dadkeena maalintaas.
shahiidinta xabashidu laysay ilahay ha u naxaariisto amiiiiiiiiiiiin..
saylacmedia maanta waxay soo bandhigtay tariikh lama ilaawan ah oo ummad dhan(gadabursi) oo cadawgoodu ku somaliya oo inagu xeeran ha ahaado amba mid xabisha ah ,ay ku dadaaleen in tariikhdeena baabiyaan lana qariyo ..laakin maanta waxa daawanaya generation dhan oo ree awdal ah oo wakhtiga dhashay. thanks saylac
Mohamedsamaron roble - January 31, 2010 12:24 pm
AARKU BAAQAN MAYEE BALI WEYE SAMIRKUYE ADNA BORAMAY GARO..BEELA ADUUNYADA LAGA TIRAY BARTOODO KOLAY BALADU KALIGAA BUUL KAMA DHIGANE BOQOOL KUN,,HEESTA BAAN KU SAMRAY BARIGAA ILAAHOW U NAXARIISO CARUURTI GACAN KA GARDARAN BAA AHAYDE,
awdalgirl - January 31, 2010 2:37 pm
Waa maalin haboon inaynaan iloobin marnaba xasuuqii dadkeena waliba caruurta yaryar oo runtii taabatay family kastaba waana maalin si wayn inoo wada taabatay waxaanan jeclaan lahaa inay xusi lahaayeen kuwa hada maamulka haya ee borama jooga iyo kuwa waxbarashada si aynaaan marnaba u iloobin taariikhdii madoobayd ee ina soo martay.
Abdihouno Canada - January 31, 2010 4:38 pm
Alaha unaxariisto shahiidiyiinta awdal caruurta gacanta kagardarani dishay alaha unaxariisato.
XASUUQU INTAA UUN MA AHAYAD EE WAXA KALE OO INLAXUSO UBAAHAN XASUUQII .1991KII EE ISAAQU BULSHADA AWDAL DADKEEDA XASUUQEEN MAALKEEDIINA URARTEEN HARGAYSA.
XASUUQII DHAWAAN DADKA LAGU QALAY GABIILAY MAALIN CAD.
XASUUQII BADH TAMAHA BOORAMA EE LAGU DILAY ARDAY DHIGNAYAY JAAMACADA EELO AMERICAN ALAHA UNAXARIISTO DHAMAAN ,
MUJAAHIDKA ,
mujaahid - January 31, 2010 8:13 pm
Ilaahey Ha unaxariisto dhamaan intii ku qeeriyootey dhibkaa maalintaa dhacey. Masuubadaa maalintaa dhacdey waxey ahed mid aargoosi ah sabatoo ah Etobiyaba dhibaataa gaadhey dagaalkii 77. Aniga qudheyda waxanka mid ahaa ardeydii barigaa Ilaahey ku sugey Borama. Waxu waagu noogo beryey nabad sidii noo caadada aheyd ayaan iskuuladii u dareerney. Biriiga xiligii la galayaaey ayey ku qiyaasney dhulku Fad ama ceeryaamo ayuu lahaa oo waxan u maleynayaa ROObKA Xeyska ayaa curtey ama Curanaayey. Sida caadada ahna Fad qurxoon oo aan hadana roob soo di’in ayaa dhamaan gobolka qariya. Magaalada qoryaha lidku wey yaaleen laakiin waxfursada oo ay heleeni majirin. Dayaaraduhu waxan u ekaayeen iney Buurta Sharlaga maadi ee Koonfur galbeed kaxigta kasoo dul dheceen. Riyaaraduhu isbuuciiba ilaa labo sadex jeer ayey Borama soo weerari jireen inkasooney dhibaatooyin waaweyn oo tanla mida intii hore geysan. Waxa maalintii noo ahaa hoy SEERIHII Borama oo markaa ahaa dhirbadan oo lagu gabado xiliga Guga inkasoo jiiraalkii aanu lamid aheyn Jiillaalka hadana geeduhu koley waxterbey ahaayeen xilikasta. Magaaladu isla halmar ayaa xagaa iyo woqooyiga magaalada iyo seeraha loo wada ordey. Waxa markaa nagarab ordaayey dad gacmuhu go’een hadana ordaaye Alla murugo weynaa. Dhulku markii danbe wuxu noqdey dhul aad moodo inuu dhaqdhaqaaqii yaraadey qofwalibana wuxu isku qarinaayey geed hoostii. Danabku markuu agtaada ku dhoco gariirka ka baxa oo la sadex jibaarey buu gariirkoodu la mid ahaa. Waxa iigu daraa markaan seeraha soo gaadhey ee shaadhyer oo CAD IYO SURWAALBULUUGA OO aan moodaayey in dayaaradahani aniga uun i arkayaan kolba geed dhinac ka maro. Aaskii ayaan hadana ka qaybgaley ilaa dadka aaskoodu dhamaadey. Cagaf ayaa lagu aasaayey meel beera oo ay lahaayeen Ilma maxabo waxad ka hasuusan Cabdirahmaan dheere oo ahaa heesaa. Iyagaa beertooda u taba rucey in dadka lagu aaso Ilaahey iygana khey ha ka siiyo. laakiin xaqbey reer Awdal/Sallal ku leeyihiin. Imika waa taalo meeshaasi waana lawada yaqaanaa ilaa qiyaasii dhow kiiloo mitir magaalada dhinaca Woqooyi ka xigta. Ilaa shan madfac ayaa magaalada dhecdeeda ku dhacey laakiin dhimashada ugu badan waxa geystey ka iskuulka magaalada badhteenka ku yaala ku dhacey. Nasiibdaro iskuulkaasi wuxu u dhowyahey staashin booliis oo waxa laga yaabaa in qof magaalada ka dhe hagaayey. Sikastiba ha ahaatee inkastoon saaxiibo badan ku waayey qaarna ku laxaadbeeleen hadana Ilaahey iga badbaadi.Mar labaad Ilaahey samir iyo Iimaan ha inaga siiyo dhacdadaa foosha xumey ee 1984.
Xasan - January 31, 2010 8:24 pm
Dhamaan Alaha u wada Naxariisto shihiidiintii
ku dhimatay maalintaa murugda leh
waana in la xusaa loona sheegaa Ubadkeena meelkasta
oo aan joogno.
Waxan ku amaanayaa dhamaan shebekadaha awdal Nooca
ay doonaan ha ahaadaane in ay muujiyeen dareen wadaninimo
Waayo saaka markii aan indha ala kala qaaday waxa aan ku arkay
Shabakad kasta iyada oo ay ku xusantahay maalintani
Waxan idinku hambalyaynayaa sida ada u xusaysaan taariikhda
Midna ha iloobina dhacdadaii Foosha xumayd
ee Xasuuqa loogu gaystay dadkii shicibka ahaa
ee lagu gumaaday Jidka Boorame iyo Hargaysa u dhexeeya
Midkale ayaan ka Codsanayaa bahda Saylac waxa jirtay
Hees Taariikhi ahayd oo loo sameeyay maalintaasi
oo ay qaadaan Hibo Maxamed iyo Xasan aadan
Fadlan Sooraadiya heestaasi oo ku codeeya dhacdadan
Waanad mahadsantihiin
khadar - January 31, 2010 8:25 pm
SALAAMU CALAYKUM
Waad mahadsantihiin
MAALINTAASI WAA MAALIN XASUUSTEEDU AANAY IGA HADHAYN WAXANAN LA WADAAGAA XASUUSTAA BULSHADII BOORAMA EE MAALINTAA BOMBADA LALA DHACAY.
ILAAHAY INTII MAALINTAA KU DHIMATAY IYO INTII DHAAWICII UDHIMATAYBA NAXARIISTII JANO HA KA WARAABIYO AAMIIN
FAATAXADA HA LOO MARO DADKII FALKAA WAXASHNIMADA AH KU GEERIYOODAY
NIMANKA SOO DIYAARIYAYNA WAXAN LEEHAY WAX QABAD AAN AMAANTIISA LA SOO KOOBI KARIN AYAAD QABATEENE ILAHAY AJRIGEEDA HA INI SIIYO.
Sigad
Cabdale Farah Sigad - January 31, 2010 8:28 pm
Heetii loo sameeyay waagaasi waxa ay ahayd
Maanso aan bilaabiyo
Inta aan baroortiyo
Heeso aan bulxamiyaaa
Baabi ii doraad dhacay
Boorama shilkii helay
Booyi korodhsi mooyee
Toloow boog ma dhayayaan
Hablihiyo barbaartii
Xubnohooda baqalyaha
bahal lagu casuumiyo
Baajiyay wanaagii
Be e yaanu geerida
Waxba gabaygu baajine
Ho heey bigilku dhaawaca
Bixiyaa ma kabayaaa
Ardaydii banaanada
Miigu baacsanaayiyo
Cilmi baahsha yaashii
Barayaashii goobtee
Boobaha Axmaaradu
Gar darada badheedhka ah
Barqo dheer ku gaasiray
Ayuunbaa bogaygiyo
Beerkayga lu layeee
Soomaalaay ba daydani
Tacsi buura weeyoo
Hooyooyin badanoo
Shalay nacabku bacadada
Ubadkooda boodhkiyo
Baylah haadka ugadhigay
Ayaan belo la qaybsiga
Baaq aamusiiyo baan uga dhigaaya
Dhulkii bilicda aadkiyo
Buuraha qurxoonaa
Dhulkii beelo roobhelay
Sidoodii bilaanjiray
Nin bukaa haduu tego
Dhulkuu soo bogsoon jiray
Caqli laawe ba an iyo
Bahal doorsan mooyeee
Nin yaqaani Boorama
Bambo kuma garaaceen
Heestu waa badantahay oo waxa wada qaadaya Hibo maxamed
iyo Xasan Aaadan samatar hees aad u qaali ah una
Qiimo badan ayay ahayd
halkani kuma soo qada koobi karo ereyadeeda
Waxana la odhanjiray BAROORDIIQ
heesta magaceedu waakaa waxana sameeyay
Maxamuud Cabdi Cali Idaa jaa
heestaa waxan leeyahay bahda Saylac News
iyo dhamaanba dadka Samaroon hasoo Raadiyaan
Cidii in uun heshaa heestaa Fadlan waan kun farxi lahaa
in aan maqlo markale waan ooyaa marka aan xasuusto maalintaa iyo Heestaaba
Waad mahadsantihiin dhamaaan
khadar - January 31, 2010 8:39 pm
sc wr wb. walala dhamaantin waan inii salaamaya. intaas kadib waxan leehay Ilahay haa u naxariistu caruurtii halkaas ku shahiiday……amiin. waa maalin Muruguu le oona La ilaawi doonin. Samiir iiyo imaan baa meel lagu Gaadha. Hadaanu reer awdal nahnay aanu Dadaalnu Dadkeena iyo dhulkeena wax uu qabanoo si aayna Malintan oo kale u soo laaban inshallah. Hal qoof wax ma qaban karo lakiin dhamaanteen hadaan isku tagnoo oon is kaashano wax waan qaban karnaa isnhallah. Hala daadaalo melkastoo la joogo Reer Reeer SH,samaroon. Wa bilaahi Towfiiq.
SH.A.Cadoosh - January 31, 2010 11:18 pm
asc,ilahay ha unaxaristo intu ku dhimatey,samir iyo iiman.
WAXAN ODHAN LAHAA,WAA LAWADA OGYAHAY WAKHTIGI XASUUQAN DHACAY,WHY LOO DACWOON WAAYEY,OO MAXKAMADAHA UDUUNKA LOGASO DACWEYN WAAYEY ETHIOIPA WAXAY U GEYSATEY SHACABKA RER BORAMA
WADAN KASTO ADUUNKA KU YAALA ,WAA JOOGAN WAXGARAD KASO JEEDA BOORAMA IYO DAD GOB JOOG AHAA BA,
INTA LA XUSO OO KALIYA MAAHINE, DACWAD QORTA OO MAXKAMADA ADUUNKA KASO DACWEEYA
SI LOOGU SOO ROGO GENOCIDE OO HAQII DADKA KU DHINTEY LOO HELO,OO DADKI HASUUQA GEYSTEYNA LOOSO QABTO.
KU TUSAALE QAATA RUWAANDA(RWANDA) ILA HADDA WA LA QAB QABTAA DADKI DILALKA GEYSTEY
,WA BILAAHI TOWFIIQ
THANKS
Fuuad Norway - February 1, 2010 12:18 am
Waan u mahadnaqayaa saylacnews iyo cid kasta oo soo heshay maalintan taariikhda madow ka gashay dadkeenii oo aan marnaba la ilaawi karin, waxana muhim ah in aan taariikhdeena oo dhan la raadiyo dhinac walba waxa kaloon jeclaan lahaa in Borama laga xusi lahaa maanta,oo aan maamulka iyo gudida waxbarashada ay xusaan sanad walba si aynaan u iloobin dhibkii ku dhacay dadkeena maalintaas.
Abdikarim Dahir Ottawa - February 1, 2010 1:08 am
Waxaan aad ugu mahadnaqayaa bahda saylacnews sida ay had iyo jeer iskaga xilsaaraan inay naga haqab tiraan wararka dadku aadka u xiisaynayaan,Runtii waa maalin aan marnaba xasuusteedu inaga go’ayn,waa maalin aynu waynay eheladeenii,asaxaabteenii ardayda iyo shacabka kaleba ahaa,waa maalintii qiiq madoobi isku shareeray cirka magaalada,ma dhici karto inaanu marnaba iloobi karno,laakiin waa inaynu xusnaa sanadkasta,una ducaynaa ardaydii iyo dadkii kale ee ku waayay naftooda,alaha u naxariisto.
Faisal Omar Bile - February 1, 2010 3:44 pm