Sadex cidaacadood oo ku yaala Gaalkacayo oo la qarxiyey
Gaalkacayo (Saylac.com)Cidaacadaha maxaliga ah ee kala radio Galkaio, radio Mudug iyo radio Hobyo ayaa garnaylka gacanta laga tuuro lala beegsaday waxana wararku sheegayaan in sadex wariye oo ka tirsan shaqaalaha cidaacadahaasi ay ku dhaawacmeen. Kornayl Cabdulahi Weli oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland ayaa khadka telefoon ugu sheegay saxaafada in weerarku ahaa mid qorshaysan oo si is dabajooga loo fuliyey. Wariye Cabdiqadir Cali Jumcale oo ka tirsan suxufiyiinta dhaawacu kasoo gaadhay qaraxa ayaa isaguna xaqiijiyey in qaraxu jiro.
“Waxaan ka soo baxay cidaacada radio Mudug ka dib markii aan dhawr daqiido la joogay saaxiibada aanu wada shaqayno eee cidaacada ku sugan inyar ka dibna waxaan maqalay qarax weyn oo u muuqday bamka gacanta laga tuuro oo duqeeyey meel aad noogu dhaw oo ka tirsan dhismaha cidaamada radio Mudug” Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi ” Awooda qaraxu aad ayey u weynayd waxana nagu soo dumay daaqadaha dhismaha cidaacada taas oo aanu mudo dhamaantayo xisku kalagarashadu naga tagay.
Ilaa hada lama garanayo cida ka danbaysay qaraxan sadex gesoodka ah ee maanta lagu beegsaday cidaacadaha maxaliga ah ee magaalada Gaalkacayo tanina waxay cabsi weyn galisey wariyayaasha iyo hawl wadeenada cidaacadaha magaalada Gaalkacayo oo dhan.