Qulujeed: Magaalo ah sidii loogu yimid 80 sano ka hor!
Qulujeed(Saylac.com)- Magaalada Qulujeed oo ah magaalada uu kasoo jeedo magadaxweynaha Jamuuriyada Somaliland ayaa ah magaalada kaliya ee ku taala somaliland een ilaa hada haba yaraatee laga fulin waxmashaariic horumarineed oo dhinaca bulshada ah.
Qulujeed waxay ku dhacdaa sinta buurta aad sawirka ka aragtaan oo kaligeed ku taala meel cidla ah sida uu noo sheegay ruug cadaadi ku dhaqan magaalada Qulujeed waxa uu magacu ka raacay magaalada oo buurta uga jeeda dhinaca waqooyi oo dadka degaanka ku dhaqani u yaqaanaan qul ama degaanka xeebta ee xoolaha loo qululsho ama la geeyo wakhtiga xayska xagaagu ka da’ayo xeebta gobolka Awdal ee saylac.
Magaca magaaladu waa laba eray oo is wata Qul+ujeed. Waa magaalo ku taal dhul bereed aad u dihin oo ku wanaagsan dhinaca beeraha iyo waxsoosaarka waana magaalo biyaha lagu gaadhi karo si dhibyar lakiin taniyo mudadii jamuuriyada somaliland lasoo noqotey gooni isku taageeda lama arag wax mashaariic ah oo haba yaraatee laga fuliyey magaalada qulujeed oo aad ugu dhaw magaalada Borama.
Marka la barbar dhigo magaalooyinka kale ee somaliland waxaad arkaysaa in mashaariicda horumarinta bulshadu ay jiraan haba kala badnaadeene. Magaalada Qulujeed iyada laguma sheegin ama kamaba jiraan wax mashruuca aanu indhaha saarnay marka laga reebo jidka u dhexeeya Qulujeed iyo Saylac oo hada shirkad GAA lagu magacaabo iyo dawlada Jarmalku ku hawlan yihiin.
Magaalada waxa ka jira hal farmasii oo qadiim ah. farsamiigaas oo kaliya ayey magaaladu lahayd mudo 80 sano ah ayuu yidhi Cumar Rooble oo ka tirsan dadka magaalad degani waana magaalo dad badani ku dhaqan yihiin oo aan farmasii kaliya oo nuucani aanu ku filaan karin haqabtirka dhianca caafimaadka.
Dawlada Somaliland ee uu madaxda ka tahay Mudane Dahir Rayale Kahin oo kasoo jeeda magaalada Qulujeed ayey dadka magaaladu ku tilmaamaan inuu Madaxweynuhu ku noqday sidii Siyad Bare ku noqday hada ka hor magaalada Garbahaarey ee uu kasoo jeeday oo ahayd magaalada ugu dayacsan guud ahaan magaalooyinka somaliya.
Dadweynaha magaalada ayaa sheegay inay codsiyo kala duwan ay hada ka hor u gudbiyeen xukumada Dahir Rayale lakiin waxtar dhinaca dawlada ah aanay haba yaraatee ka helin taniyo mudadii uu jagada madaxweyne hayey.
Saylac Media
Qulujeed – Awdal