Qaar Ka Mid ah Dhalinyarada Somaliland oo Markii U Horaysay Taariikhda ka Qayb-galay Shirka Caalamiga ah ee Golaha Dhalinyarada Adduunka!!!

01/17/2010 9:27:00 PM

Melaka City (Saylac.com)- Ururka Wadaniga ah ee ay leeyihiin dhallinyarada ka shaqaysa samafalka, magaciisana loo soo gaabiyo  SOYDAVO, ayaa markii horaysay ay u suurto-gashay isaga oo sita oo metelaya magaca Dhalinyarada Somaliland inuu ka qayb-galo shirar iyo kulamo caalami ah oo uu soo abaabulay Golaha Dhalinyarada Adduunku ay ku bahoobeen (World Youth Assembly) oo xaruntiisu tahay magaalada Maleka ee caaso,ada u ah wadanka Malaysia, shirkaasi oo qabsoomay dabayaaqadii sanadkii tagay ee 2009.
 
Hadaba arrintan oo lagu sababeeyay inay ka dambaysay Ardayda reer Somaliland oo buux-dhaafiyay Jaamacadaha wadankaasi oo ay wax ka bartaana aadna ay sumcad ugu leeyihiin oo loogu tix-geliyo Somaliland ahaan, ayaa waxa noo suurto-gashay in aanu helo warsaxaafadeed ay Ururkaasi arrintan ku qaadaa-dhigayaan. Warsaxaafadeedkaas oo soo gaadhay Xafiiska shabakada Caalamiga ah ee Saylac.com ku leedahay magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa ayaa waxa uu u dhignaa isaga oo dhamaystiran sidatan; -
 
“Barlamaanka Dhallinta adduunka waa madal ay isugu yimaaddaan dhammaan waddamada caalamka, waxana lagaga doodaa arimaha dhallinyarada ee heer caalami.
Ugu horreyn, waxa bishii June ee 2009 ay casuumad u fidiyeen xafiiska Golaha Dhallinyarada Adduunku Guddoomiyaha SOYDAVO Mr. Maxamed Xuseen Caydiid oo ka qaybgalay shirkii lagu soo casuumay, inkastoo xilligaas la diiday in magaca Somaliland lagu fadhiisto madasha manay jirin cidka ka socotay Soomaali, sababtoo ah wax ogaal ah iyo aqoon laga haysto Somaliland ayaan jirin waqtigaas. Haseyeeshee, casuumaddii ku xigtay oo ahayd December 2009, waxa lagu martiqaaday magaca urur dhallinyaro oo Somaliland ka socda.

Dhacdooyinka waxa lagaga hadlay arrimaha doorka dhallinyarada ee horumarka dalalkooda iyo xuquuqda aadamaha iyo weliba iskaashiga dhallinta dawladaha kala duwan iyo isku xidhnaanta. Kulankaas waxa ka qaybgalay masuuliyiinta Malaysia oo u horreeyo wasiirka dhallinyarada iyo sports, ku-xigeenkiisa wasiirka arrimaha debadda iyo Ra’iisal-wasaarihii hore Dr. Mahatir Mohamed iyo Madaxa Golaha Wasiirrada ee magaalada Maleka, ahna Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Adduunka Mr. Datukseri Mohamed Ali.

Dhanka kale, waxa iyana qayb wayn ku lahaa waddamada dunida waxana dadkii joogay ka mid ah Madaxweynaha of Malaysian Youth Council Mr. Dato Shamsul Anuar, president of Melaka State Youth council, Datuk Idiris Haron iyo President of Youth Councils in Asia Continent.

Halkan kuma soo koobi karno dadka muhiimka ah ee ka qaybalay kulamadaas, laakiin haddaan si kooban ugu hadlo shirka aanu hadda ka soo laabanay oo uu ururka SOYDAVO uga qaybgalay madaxa xidhiidhka dibadda u qaabilsan Mr. Cabdifataax Jaamac Axmed, waxa uu ahaa laba kulan oo is-dabayaal; ka hore waxa uu ahaa xuska sannad-guuradii 60aad ee ka soo wareegtay markii London lagu aasaasay Golaha Dhallinyarada Adduunka, waxana ka qaybgalay wufuud ka kala socday in ka badan 70 waddan oo caalamka ah.

Kulankii labaadna waxa uu qabsoomay 2 – 4 January 2010, kaasoo muhiimaddiisu ahayd in abaalmarin la siiyo waddamada kaalinta muhiimka ka ciyaaray isku xidhnaanta iyo weliba ololahayaasha lagu taageerayo dhallinyarada sida barista xirfadaha kala duwan ee nolosha iwm.

Waxa kaalinta koowaad ee jaa’isadda ku guulaystay Namibia, kaalinta labaadna Azerbaijan kaalinta saddexaadna waddanka Yemen. Dalalkani waxay ahaayeen kuwo si heer sare ah ugu qaybgalay shirka golaha oo ilaa heer wasiir ku yimi madasha, waxaan xidhiidh dhow oo wada-shaqayneed la lahaayeen xoghaynta guud ee golaha dhallinyarada adduunka oo ay warbixin joogta ah siin jireen, taasoo ahayd sababta ugu weyn ee lagu qiimeeyo jaa’isadda la bixinayo.

Ugu danabyn, waxaannu Ilaahay ugu mahadcelinaynaa, jecelnahay in aan sii wadno, joogtaynana u dhaqdhaqaaqa in dhallinyarada reer Somaliland kor u kacno, kana qaybqaadano in la ictiraafo dalkyaga Somaliland, taasoo maanta ciddii dambe ee tagta Golaha Dhallinyarada Adduunku ku fadhiisan doonto magaca Somaliland.”
 
Saylac.com Hargeysa Somaliland


Leave a comment
Name (required)
Mail (will not be published) (required)
Website

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Plugin by: Free Online Movies