Nin sigtey ma noola – Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Pro Sulayman Axmed inuu sigtey dadku wuu wada ogaa hadana waxa uu yidhi” gacantaada oo gubata goshaa la gashadaa!!
Dilla(Saylac.com)-nin sigtey ma noola – Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Pro Sulayman Axmed inuu sigtey dadku waa wada ogaa waxaana arin yaableh noqotey inuu dilkii lagula kacay ee Eebe raxmaanka ahi ka badbaadiyey oo maanta noqon lahaa in hilbahiisa oo gobol gobol ah la keeno Borama uu ka badbaaday ka dibna uu yidhi – gacantaada oo gubata goshaa la gashadaa- Bilaa calayl maahmaahadi meesha magasho waxaana haboonayd inaad siyaasada intaad dhinac iskaga dhigto go’aanka madaxaaga ku jira qaadato shir jaraaidna aad falkaa lagugula kacay adiga iyo haldoorkii Jaamacada ee ku weheliyey aad saxaafada aduunka iyo tan somaliland u bandhigtaan.
Hadaba si aanu wax uga ogaano siday arintu u hoosmartey Pro.ka ayaanu dhawrkii casho ee inaga tagay waxaanu ku hawlanayn inaanu wax ka ogaano waxa Pro ka aamusiiyey ee keenay inuu dafiro dilka foosha xun ee jidgooyada reer Gabiley ay kula kaceen balse Eebe ka indho saabay isagoo dhawr saacadood ka dib dhacay safarkiisa ay ku sugayeen dariiqii horey ay ugu gawraceen aqoonyahanada kale ee reer Awdal.
Faarax Cabdilahi oo ku sugan magaalada Dilla ayaa nooga waramaya siday arinku u dhacay waxaanu yidhi “Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Pro Sulayman Axmed iyo waftigii uu hogaaminayey markii ay soo gaadheen magaalada Dilla iyagoo afnariir u dhamaaday wadnuhuna laba boodayo waxa ay ku yara nasteen guri ku yaala magaalada Dilla- dadweynaha magaalada degani waxba kala maysan socon shilka dhacay lakiin maamulka degmada Dilaad waxa uu helay telefoon lagaga soo hadlay caasimada somaliland ee Hargeysa si ay usii sagootiyaan waftiga una sii baneeyaan jidka u dhexeeya Dilla iyo Kalabaydhka oo bartilmaameed kale lagu tuhunsanaa . Anigu waxaan ka mid ahaa inta yar ee hawsha amaanka jidka loo xilsaarey waxaanan watey dhawr askar dabadeed waxaanu ka hortagtey waftigii oo aanu dejiney guri ku yaala magaalada Dilla – Qadar yar dabadeed waxay nooga warameen sidii wax u dhaceen iyo inay sigteen oo aanu hortood ogaanay .
Laba saacadood ka dib ayay usii gudbeen dhinacaa Borama mudadii ay nala joogeena waxaan nidhi saxaafada miyaan u bandhignaa mise idinkaa hawhshaa xilkeeda lehe markaad Borama gaadhaan ayaad shir jaraa’id qabanaysaan? Pro intuu madaxa yara lulay ayuu yidhi ” Anaga nagu daaya kolay arintani waa jariimo weyn si heer qarana in looga hadlaa wanaagsane.
Mudo ayaa ka soo wareegtey waxaanan intayadii joogtey magaalada Dilla maalin walba eegnaa telefiinshinka qaranka somaliland bal si aan uga aragno Maamulka Jaamacada Camuud oo dilkii lagula kacay ka hadlaya … Markaan waxba weynay ayaan isweydiinay waar siday arintu u socotaa ? dabadeed waxaan ogaanay in wasiiro dawlada somaliland ka tirsani ay Pro ka telefoon kula soo hadleen iyagoo ku leh “Arinkaa waxba haka hadlina waxa fariintaa aanu ka wadnaa madaxweynaha Jamuuriyada SOmaliland oo maamulka ka codsaday inay dabool adag saaraan shilkaa dhacay waayo doorashooyin ayaa inagu soo dhaw carqalad weyn ayeyna keenaysaa dareenka dadweynaha oo si halis ah u kaca darteen”
Maamulka Jaamacada Camuud fariintaa si buuxda ayuu u aqbalay ilaa maantana wax hadal ah ama hugun ku saabsan falkii dadku la wada yaabay ee dilka loogu geysan lahaa maamulka iyo haldoorka Jaamacada Camuud cidi kama hadli karto.
Faarax Cabdilahi oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu saxaafada u sheegay inuu aad uga xunyahay isku day dil qaran oo sababi lahaa in Jaamacada Camuud gabi ahaanba la xidho ay maanta ka aamusaan maamulka Jaamcada Camuud.
Hadaba waxa yaableh hadii naftii aqoonyahanka reer Awdal ee Jaamacada Camuud ay ka weynaatey siyaasada dawladu ka leedahay gobolka AWdal miyaana la odhan karin Pro ku waxa uu ku khamaarey naftiisa qaaliga iyo ta kale ee aqoonyahanada kale ee weheliyey ? isla markaana miyeyna dhici karin in marmar danbe sidoo kale ragii isku dayey inay dilaani qorshe kale oo ka xoogweyn kii fashilmay ay kula kacaan maamulka Jaamacada Camuud ? Maxayse Maamulka camuudi dadweynaha reer Awdal u sheegi doonaan hadii Pro ka mida jidka loo joogsado dadbadeed hilbihiisa la jarjaro?
Dadweynaha reer awdal idinka dhegaysan maayo baroor diiq iyo tageero aad ka heshaan hadiiba tii Alle timaad oo xasuuq foolxun oo la mida kii kuwii idinka horeeyey lagula kacay, sababtoo ah maahmaahda maanta uu Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Pro Sulayman Axmed sheegay ee ah ganactaada oo gubata goshaa la gashadaa ha idinka saarto gacanta dhagar qabayaasha idin gaadaya ee aad ceebahooda asturaysaan. Mida kale hadii ay siyaasadi ka weyntahay nafaha aqoonyahanka reer Awdal miyeyna iyana meesha ku jirin in Madaxweynaha Jamuuriyada Soamliland Dahir Rayale Kahin uu garwaaqsado inuu soo qabto ragan tirada yar ee siyaasadiisa mijo xaabinaya? taasna waxa jawaabteeda laga sugayaa wasiiradii fariinta ka siday Madaxweyne Rayale si uu Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Pro Sulayman Axmed afkiisa u haysto oo aanu qaban shirjara’id oo uu kaga hadlo shilka dhacay.
Gagabadii faaladan qofka bani aadamka waxa ugu qaalisan xoriyadiisa uu meesha uu doono ku marayo dhulkiisa hooyo – hadii aanay taasi jirin dawladnimo, waxbarasho, nolol iyo shaqo intuba meesha ma taalo .
Saylac.com
Dilla Somaliland
WAXAY SOOMAALIDU KU MAAHMAAHDAA WANKA QAL NAYLKU HA KU QUUS QAADEE WAX INII HADHAY OO AAD DHAWRANAYSAAN NIMAN YAHAW GARAN MAAYO WAA JILIB YAR OO REER XAREED OO REER CUMAR HALAS UGA QUUS GOOYAY CEEL BARDAALE WAXA AAD LA QALYASAAN INTAN MA SOO GAADHEEN HADDI RAGII RAGA LAGA DILAY SOO AAR GUDAN LAHAA SUGA HADDABA INTA WANKA LA QALAYO SI AAD UGU QUUS QAADAAN WALAA DAAHIR RIYAALE WALAA CUMAR HA U JOOJINA AMA WAXA YAR CAGTA MARIYA AMA ISKA AAMUSA
hassankhadar jama - January 14, 2010 7:46 pm
waacajiib waxaan leeyahy dadwaynaha reer awdal intaad baxdaan magaalada mara mudharaado sameeya xafiisyada dawladan shiida waxay tahy majirtao daahir waakaa aqoonyahandii ladili gaadhayna aamusa yidhi ha igu hadlina hadii kale waala igabadini waayao waayo maamulka jaamacadu siyaasiin maaaha waarag udadaalaaya dadkooda siday uwax ubari lahaayeen markaasaa lalaynyaa oodowladuna ka aamusaysaa waxaan leeyahy shacabka idin kaa kadaran dawladani aad sheegaysiin
kukaca dawlada markaa ay idin ogaan waxaad tihiin….
hadiikale halaxasuuqo aqoon yahankiina
waxani waawax dadbadani kadanbeeyaan
laidku eegaayana
haybe - January 15, 2010 7:14 am
ninka aad sheegaysaan waa profoser beenaale dadka u furay meel uu lacagta kaga gurto aan meesha waxba ku hayn.
in isaga la dilo ayaa dhaantay inta dad kale ku dhimanayaan.
waxa aan jeclaan lahaa in wixii cilmi leh oo dhan dhamaadaan waayo jaahilku wuu dagaalami lakin cilmi nin leh waa fule.
fulaynimo gadabuursi waa ku caan.
hakula yaabina.
duqa - January 15, 2010 4:09 pm
walal aad ayaan u salamayaa bahda saylac.com waxa aan idinka codsanaynaa hadii ay aritan dhab tahay inaad waraysi ka qaadaan pro ka ama mid ka mid cidii la socotay siday dooni ha idinku qaadatee.
dadkuna arinkan inay dhab tahay markaa waa la ogaan.
ka dib reer awdal iyo xukuumad isku sheega daahir rayaale ayay u taalaa.
aad ayaad ugu mahad san tihiin sida fiican ee aad wararka xaqiiqda ah ugu duur gashaan.
khadar - January 15, 2010 5:40 pm
WAXA JIRTA MAAHMAAH ODHONAYSA “NIMAAN SHANTAADU KAA REEBIN SHARCI KAAMA REEBO”, WAXA IS WAYDIIN LEH MA DOORASHO DARTEED AYAAN UGU OGOLANAA IN HAL DOORKEENA LAGU QALO DARIIQYADA? DABADEEDNA AAN NIDHAA DHACDAYE MAA LA LEEFI.
DHALINYARADA SOO SOCOTAA HA MIDOWDO HANA OGAATO CADOWGOODA, HADDII KALE DHASHAADAY SUGTAA XAAJADAAD DHAWRATAA ABIDE, NIN DHIRBAAXO QUUDHEED DUGSADAY NABAQDIID BAA LAGU BIRAYN”.
Filanwaa - January 15, 2010 7:06 pm
salaan iga gudooma bahda saylac.com
waan yaabay markaan maqlay dlka uu ka badbaaday profkii camuud waayo kuwii hore ee wadada loo galay ayaan qaadan laanahay wali alaan dilka nafta muslimada ah waan naqaana ilaahay baa sheegay
markaa saylac.comwaxaan leeyahy walaalayaaloow ilaaliya wada dhalashada dadka somliland waxaan ka dareemay websiteka waxoogaa cadho ah………..
asalaamucalaykum………………..
kabadhe - January 18, 2010 6:16 am