Munaasibada 26guurada duqayntii Dayuuradaha Itoobiye ee Borama

01/26/2010 10:13:00 PM

The Flash plugin is required to view this object.


QAYBTA 2AAD

QAYBTA 3AAD

Ottawa(Saylac.com)- Sanadku wuxuu ahaa 1984 bishuna waa january 30 keedee, waxay ahayd maalin caadi ah oo qof waliba uu ku hawlanaa , hawshiisa u caadiga ee nolol maalmeedkiisa,waa muddo hadda laga joogo 26 sanadood .
Haddaba saacadu markay abaarahii 10 subaxnimo ,ayaa waxa is qabsaday cirka dhulka dab iyo olol rasaas iyo gantaalo,guuxii diyaaradahii nuucooda ahaa mig 23 iyo mig 25, oo tiradooda lagu qiyaasay inay ahaayeen 5 diyaaradood oo ethiopian ah  ayaa iyagoon aanay cabsiyi ku jirin bambaano kala daalay dad shacab ah oo anan iyagu wax ay galbsadeen haba yaraatee aanay jirin,waxay ahayd maalinii reer boorama ay ugu yeedhaan maalintii madoobayd  ee boorama.
Diyaaradahaasi waxay bar tilmaameed ka dhigteen , badhtamaha magaalada boorama , iyo waliba dugsiga hoose ee wiilasha boorama ee loo yaqaano tareenka , maalintaasi diyaaradahaasi waxay laayeen dad lagu qiyaasay 100 ilaa 120 qof oo boqol ka mid ihi ay ahaayeen caruurtii dugsigaasi ,oo kala dhigan jiray fasallada 1aad ,2aad, 3aad iyo 4aad ee dugsiga hoose ee wiilasha boorama,oo guud ahaanba ay diyadahaasi baabiiyeen, ciyaalkaasi oo da’doodu u dhaxaysay lixjir ilaa toban jir.
soomaalidu waxay tiraahdaa ,nin aad cadaw tihiin nabarka uu kugu dhuftu kuma damqo,, waa run barigaa ethiopia iyo somalia waxaa ka dhexeeyay oo wali waxaa si goos goos ah u socday dagaalkii bilaabmay 1977,ee lagu guuldaraystay, hadda waxaa laga joogaa dhacdadaa foosha xun ee ka dhacday boorama 27 sano,dadkii ku dhintay weerarkaasna ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo,walidiintii iyo ehelkoodna iyo guud ahaan reer booramana ilaahay samir iyo iimaan ha ka siiyo.
haddaba waxaa ilaa hadda ay is waydiiyaan dad badani laba su’aalood oo kala.
1.maxay ciidankii difaaca cirka ee boorama oo tiradooda lagu qiyaasay inay ahaayeen 200 oo askari oo ku qalabaysnaa qalab madaafiic loogu tala galay inay kula dagaalmaan diyaaradaha dagaalka ee xabashida ,awoodna u lahaa inay soo ridaan,maxay ahayd sababta keentay inay xabbad kaliya ridi waayaan, oo ay u gabeen hawshoodii difaaca  magaalada boorama,dad goob joog ahaayi waxay yiraahdeen maanan maqalqori kaliya oo la riday.
2. maxay ahayd sababta keentay  in masuuliyiintii degmada boorama oo barigaa ahayd degmo hoos timaada gobolkii woqooyi galbeed ee hargaysa caasimada u ahayd, maxay ahayd sababta keentay in masuuliyiintii magaaladu ay ka baxaan magaalada ka hor inta aanu dhicin weerarkaasi lagu hoobtay.
haddaba ilaa hadda su’aalahaasi looma hayo jawaab qancisa dad badan oo reer boorama ah.
 
Hadana kusoo dhawaada maanso loogu magacdaray Baroordiiq oo uu tiriyey Maxamuud Cabdilah Roble

Buuraha dushaadiyo
Biyihii dhamuugeed
Bilicdaa aad leedahay
Bi’i mayso abidkeed
Aadna Booramay garo
Baryo wixii ku gaadhiyo
Baryo samo  wixii dhacay
Barqo subax badh-dhaaftoo
Duhurkii barkadayoo
Beeshu nagi ku joogtoo
Ubadkii barbaartuna
Barashada ku foofeen
Balaayada asiibtee
Boqongeysay reeree
Intii biri ma gaydiyo
Baabiisay ubadkii
Boogtii cuslayd iyo
nabarkii balaadhnaa
Wali beerka hoosiyo
boga dacaladiisuu
boqol kun iyo dheraad
Bashaash u marayaa!!

Beerku wuxuu butaacaa
Belbelkiyo dhibtii dhacay
Reeraha baroortiyo
Qaylada isbiirsaday
Nafta biimo socodkiyo
Hamigii ka ba’ay iyo 
Bamkii laayey ubadkiyo
Baaruudee qiiqdee
Bikrad boqonta goysaa
Bilaash lagu ilaawiyo ?

Bi’i waa dadkaygow
Hadaan bayshash  laga qorin
Saw baro’ idlaadiyo
Bugux maaha taariikh.. Shabakada saylac.com waxay idiinsoo gudbin doonaa Filim Tariikhiya oo ka waramaya maalintaa shilku dhacay oo ay wakaaladii wararka ee Somaliya ee la odhan jirey SONA ay  ka duubtey waxyar ka dib duqayntii Borama .. Filimkan ayaa waxa uu idilkeenba ina xasuusin doonaa murugada lama ilaawaanka ah ee dayuuradaha Xabashidu dadka Borama ku reebeen.

DIGNIIN: Filimkan waxa ku jira waxyaabo murugo iyo cabsi ku abuuri kara.. Ka taxadir inaad daawatid .

Bulshada ree Somaliland gaar ahaan Awdal iyo Salal waxa la gudboon inay magdhaw xasuuqii dayuuradaha xabashida u bandhigaan dawlada Federaalka ah ee Itoobiya  si ay samirsiis ugu noqoto qoysaskii caruurta laga laayey!!

Mahadsanidiin
Cabirashid Cumer Bile iyo Maxamuud Cabdilahi Roble

>>WARBIXIN KALE OO SAWIRO WADATA HALKAN KA EEG


Comments

  1. Maalintasi waxa ay ahayd maalin Mugdi ah. Waxa ku geeriyooday Weerarkasi Waxashnimadda ahaa Arday badan oo aanu Saaxiib ahayn Xataa waxa ku inaabtigay inaabtigay

    Run ahaantii qofka oo deganaa magaladda Borama wakhtigasi Si toos ah ayeey u saaamaysay falkasi argagisadda ahaa..

    Allaha u naxariisto inii ku dhimatay.. Amiin

    Waranle - January 28, 2010 12:17 pm

  2. asc wr wb aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaa la xuso tariikhda
    saxiibaday daydii qaaligii anigu waxaan ka mid ahaa dhalinyartii
    iskuulka dhigan jirtay dhawacna uu isoo gadhay allah na ibadbadiye allah ugu mahad naqayaa saxiibadaydi ku dhintay allah naxariisti janada haka waraabiyo walid diintoodina samir iyo imaan allah haka siiyo.dhamaanteen ba samir iyo imaan
    mohamoud c/lahi cige

    mohamoud - January 30, 2010 10:08 pm

  3. s/c walaalayaal waan kaxumahay la soo bandhigo sababtoo ah waxaa ay kordhinaysaa cadawtinimada jiilalka soo koraayo waxaas aad u jeedaan somaliya meel walba ayeey ka dhaceen illaah naguma soo celiyo hogaan fiicana illaah ha siiyo somaliweyn qeerbadan ayaan idiin rajeynaa walaalaheey soomaaliyeedmeelalba ay ku noolyihiin by

    mohamed amin - February 2, 2010 2:25 pm

  4. mohamed amin huuno taarikhada malo qoro ee iyadaa isqorta in aad dib u eegtona waa muhiim runtii aad bay xanuun way igu ahayd in aan arko caruurta uu hadheeyay qiiqa iyo qulqulka dhiigooda waana mid cidkasata oo somali ahi kadamqado .waana madahadsantihiin saylac.com

    saxan - February 8, 2010 11:52 am

Leave a comment
Name (required)
Mail (will not be published) (required)
Website

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Plugin by: Free Online Movies