Mudenayaasha Mucaaradka oo ku keliyaysatay Golaha Guurtida iyo Kooramkii oo u Buuxsami Waayay
Hargeysa-(Saylac.com)-Xildhibaanada Golaha Guurtida ee Mucaaradka taageeraya ayaa ku keliyaystay Fadhigii loo ballaansanaa inuu maanta ka furmo xarunta Golaha Guurtida Somaliland, kaasoo gebi ahaantii baaqday ka dib markii mudanayaasha Muxaafadka oo aad u tiro badani ka muquurteen inay ka soo qayb-galaan fadhigaas Fashilmay ee furmi waayay.
20 Mudane oo keliya oo ah xildhibaanada taageera Gudoomiye Saleebaan iyo Mucaaradka ayaa ka soo xaadiray xarunta Golaha, ka dibna Guddoomiyaha Golaha Guutida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo goob joog ka ahaa fadhigaas baaqday ee saaka, ayaa 20 mudane oo ka soo xaadiray la hadlay, waxaana uu sheegay inaanu garanayn sababta keebtay xildhibaannada muxaafidka ah oo u ku jiro Guddoomiye xigeenka koowaad ee Guurtidu inay ka baaqdaan fadhigii maanta loo ballansanaa.
Guddoomiye Saleebaan, ayaa mudanayaashii fadhigaas ka soo xaadiray ku wargeliyey inay maalinta berito ah yimaadaan si loo helo kooram buuxa oo golaha u suurtogeliya inuu furmo, islamarkaana Xoghayaha Guud ee Golahaas ku amray inuu qoro magacyada mudanayaasha jooga iyo kuwa maqanba.
Khilkaaf wayn oo kala qaybiyay Xildhibaanada aqalka Guurtida ayaa ka cokonaa dhawaanahan dhexdooda, ka dib markii muran xoog badani ka dhashay isku shaandhayn oo xilalka shaqo ee mudenayaasha golaha isugu shaandheeyay Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaas Sh. Axmed Sh. Nuux Furreh oo wakhtigaasi ku simaha ahaa Gudoomiyaha oo ku maqnaa wadanka Ingiriiska awgeed.
Hargeysa
Saylac Office
Somaliland