Maxaad kala socotaa dugsiga ugu tayada fiican degmooyinka galbeed ee somaliland- oo noqday dugsiga Sheekh Nuur ee magaalada Dilla
Dilla(Saylac.com)- Qiimayn in mudo ahba ay wadeen aqoonyahano reer Somaliland ah oo iyagu ku takhasusay qiimaynta manaahijta iyo habka waxbarida ardada dugsiyada hoose/Dhexe iyo ka sare oo maalintii doraad lasoo gababeeyey ayaa waxa kasoo baxday natiijo ay xubnaha aqoonyahanadani ka kooban yihiin oo dhamayd 9 ay isku raaceen in dugsiga Sheekh Nuur ee magaalada Dilla uu noqday dugsiga ugu tayada waxbarasho fiicnaa sanadkii 2009.
Dugsiga Sheekh Nuur ee ku yaala magaalada Dila ayey warbixintani sheegtey inuu kasoo baxay qiimayn dhinacyo badan leh sida tayada macalimiinta, Qalabka waxbarasho iyo waliba tirada ardayda dhibcaha sare keentey imtixaankii ugu danbeeyey ee sanadkii inaga tagay oo ku laba laabantey ardayda kale ee dugsiyo shan ah oo kooxdan cilmi baadhista ahi qiimayn ku sameeyeen.
Dhinaca tayada macalimiinta ayaa waxay sheegeen inuu dugsiga Sheekh Nuur ee magaalada Dilla ay wax ka dhigaan macalimiin aqoontoodu aad usareyso isla markaana si rasmi ah dhawrkii sano ee inaga tagay wax uga dhigi jirey halka ay macalimiint kale ee dugsiyo dhawra oo ku yaala Gabiley, Borama, Wajale, iyo Kalabaydhku ay laba ilaa sadex jeer shaqooyin kale ka raadsadeen shaqadii waxbaris ee ay dugsiyadaa ka hayeen.
Intaa waxa dheer bay yidhaahdeen kooxdan aqoonyahanada somaliland ah ee qiimaynta cilmibaadhistan samaysay, in dugsiga Sheekh Nuur ee magaalada Dilla uu yahay dusgi aad loogu barto duruusta cilmiga diinta isla markaana ay ardayda ku jirtaayi ay ka qayb galeen tartankii taxfiidka quraanka somaliland kaalmo fiicana kasoo hooyeen.
Dugsiga Sheekh Nuur ee magaalada Dilla waxa wax ka barta arday aad u badan oo iskugu jira wiilal iyo gabdho waxana dhaqaalaha mushahaarada ah ee macalimiinta la siiyo iska kaashada Jaaliyada reer Dilla ee dibada ku dhaqan oo sida aanu wararka ku helay samaystey urur aqoonyahano ah oo ka kooban ilaa 70 shaqsi oo balan qaadey sanado ka hor inay bishiiba bixiyaan $30 doolarka maraykanka si loogu bixiyo mushaaharada macalimiinta magaalada Dilla iyo nawaaxigeeda.
ururkan ayaa waxa uu suuro galiyey in macalimiinta waxka dhigta dugsiyada ku yaala magaaalada Dilla iyo nawaaxigeedu ay noqdaan kuwa ugu tayo fiican gobolada galbeed ee somaliland. .Socdaal hada ka hor ay saylac.com ku tagtey dugsiga Sheekh Nuur ee magaalada Dila >>HALKAN KA DHEGEYSO
Saylac.com
Dilla, Somaliland
waa wax lagu farxo in dugsi ku yaal Awdal gaar ahaan magaalada Dilla
uu noqdo ka ugu tayada fiican Somaliland ama Soomaaliya oo dhanba
run ahaantiina maaha wax layaab leh oo horaa loogu yiqiin Reer Awdal
inay yihiin hormoodka waxbarashada Soomaaliyeed. waxaase aanan u jeclaysan magaca dugsiga ee Sheekh Nuur oo aan is idhi waxa looga jeedaa ama loogu magacdaray sheekhii ay ka soo tafiirmeen beesha
degta bariga Awdal taas oo ah wax si qaldan loo fahmi karo amaba ah
wax qalad ah sababtoo ah sida ay ila tahay sheekhaas Sheekh Nuur
wuu ka qiimo badanyahay in dugsi yar loogu magacdaro oo ayna
haboonayn xitaa in Jaamacad ama gobol ama degmo loogu magacdaro, waxaasina waa wax beryahan danbe soo ifbaxay in odayadii dadku
kasoo tafiirmeen loo bixiyo xaafad ama wado yar oo ku taal magaalo
sida magaalada Boorama. waxay ila tahay hadii dugsi, garoon, ama xaafad qof loogu magacdarayo waa in loogi magacdaraa qof taariikh wayn oo wanaagsan ku leh magaaladaas ama deegaankaas iyo bulshada ku dhaqanba wax badana u taray.
magaalada Dilla waa magaalo taariikh weyn leh taariikhdaasna kolay ragg baa ka danbeeyay markaa waxa wanaagsan in raggaa hadii cid wax
loogu magacdarayo in iayaga loogu magacdaro, inta aan ka xasuusta waxa ka mid ah Sh. Cumar Good, X. Xirsi Cawaale, Sul. Cabdi Bedi,
Sh. Cumar Sh. Muuse, Cabdi Deeqsi Warfaa(Sinimoo), Yuusuf Sh. Ibraahim(Quraab), Xuseen Miigane iyo niman kale oo faro badan markaa lama waayeen halyey wax weyn u taray bulshada Dilla ku dhaqan oo loogu magacdaro.
wabillaahi tawfiiq
NUUR - January 15, 2010 11:26 am