Malez Zenaw oo Maanta Yimi Jigjiga iyo Somaliland oo uu ku Qaaliyeeyay Qiimihii Jaadka
Jigjiga (Saylac.com) Wararka aanu ka helayno Magaalo madaxda ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee Killilka Shanaad ayaa sheegaya in Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi, uu maanta ku yimi Jigjiga socdaal aan la sii shaacin muddada uu qaadan doono. Kaasoo
ujeedadiisa lagu sheegay inuu xadhiga ka jaro Mashruuc Huruminta Miyiga loogu talo galay oo ay maal=galiyaan Hay’adaha caalamiga ah ee deeqaha siiya dalkaasi Itoobiya, kaas oo ku soo beegmay maalinta xoolo dhaqatada Ethiopia oo maanta la xusay.
Warar kale ayaa sheegaya in socdaalka Zenawi uu la xidhiidho ololaha doorashada la filayo inay ka dhacdo dalka Ethiopia bisha May ee sanadkan. Inkastoo la filayo in Kililka Shanaad ee Ethiopia aanu ka qayb geli doonin doorashada.
Gebi ahaanba Isu socodka gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga ayaa hakad la galiyay taas oo ciidamada ammaanka dalka Ethiopia ay aad u adkeeyeen bixitaanka iyo soo gelitaanka magaalada Jig jiga iyo degaanada ku dhow dhow. Gaadiidka ayaa la sheegay in shalay ilaa Doraad si weyn loo baadhayay iyadoo aan la ogoleyn in gaadiidka ganacstada u raran ee iskaga goosha Somaliland iyo Ethiopia ay ka baxaan ama soo galaan marka laga reebo gawaadhida qaadka ee Ethiopia ka haysta ruqsada ganacsiga. Sida ay u xaqiijiyeen shabadaka Saylac dad ku sugan deegaanka Tog-wajaale ee xadka Itoobiya iyo Somaliland.
Sidoo kale, dadweynaha ku dhaqan Somaliland ayaa waxa maanta soo food-saartay Jaad yaraan iyada oo lagu qaaliyeeyay muqayiliintii Majlisyada camiri jiray qiimaha jaadka.
Kiilooga Jaadka ah oo hore qiimihiisu ahaa ku dhawaad 20 Dollarka Maraykanka ah ayaa waxa uu maanta gaadhay ku dhawaad 40 Dollarka Maraykanka ah, taasoo laba jibaartay sixirkii jaadka lagu cuni jiray.
Arrintan ayaa waxa sababay iyada oo gaadiidkii jaadka ka soo qaadi jiray deegaanada Itoobiya socdaalkoodii uu ku yimi hakad. Lamana garanayo ilaa iyo inta uu qaadanayo mudada uu hakadkani ku jirayo. “Melez-na Garanmaynee jaadkii bay nagu qaaliyeeyeen.” Sidaa waxa ku tiraabay Axmed Xasan Jibriil oo ah wiil dhalinyaro ah oo jaad cun, kaasoo Saylac.com wax ka waydiiyay jaadka la’aanta maanta Hargeysa soo foodsaartay.
“Waa fursadii wadankeena lagaga joojin lahaa jaadka, dad badan ayaa maanta markii jaadku qaaliyoobay seexday oo ka cadhooday, hadii uu muddo sidan oo kale u xanibnaado waxaan aaminsanahay in laga go’ayo oo layska daynayo, waayo Itoobiya iyada ayaa lacag inagu qabta, oo dhaqaale inagu qabta, dhaqaalahaas wadankeena ayuu xaasil ku noqon lahaa, waayo waxaynu nidhaahnaa bilaa dhaqaale ayaynu nahay, wadanka busaarad ayaa ka jirta, hadana waxa laga yaabaa in nin aan waxba haysan uu maalin kasta ku qayilo 10 Dollar ama lacag ka badan, qof maalintii ay soo gasho lacag gaadhaysa 10 Dollar adduunka waxa lagu tiriyaa bulshada heerka dhaxe, dad baa ku nool maalintii wax ka yar 1 Dollar ay soo gashaa. Markaa waa inaynu fikirnaa oo jaadka iska daynaa hadiii kale bulsho jirta ma noqonayno oo qayrkeed la tartanta.” Sidaa waxa Saylac.com u sheegay Sh. Yuusuf Cabdilaahi Cumar oo isagu laftiisu jaadka cuni jiray, balse hada iska daayay.
Waa markii uhoreysay ee Meles Zenawi socdaal booqasho ah ku yimaado kililka Soomaalida gaar ahaana Jigjiga ,waxana aad loo adkeeyay guud ahaanba amaanka iaydoo Jigjigina bartilmaameed u ah meelaha ugu nabedgelyada xun dalka.
Kililka Soomaalida ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay ka ugu dib dhacsan dhanka horumarka dalka Ethiopia isla markaana ugu nabadgelyada xun.
Saylac.com
Jijiga – Kililka shanaad