Madxafka qadiimka ah ee magaalada Harar oo laga helay buug ka waramaysa tariikhdii boqortooyadii Adal

01/24/2010 4:23:00 AM

Harar(Saylac.com)-Agaasimaha madxafka qaranka ee dalka Itoobiya Miss Mamitu Yilma ayaa sheegtey  in madxafka qadiimka ah ee magaalada Harar dhawaan laga helay Buug gacanta lagu qoray oo ka waramaya tariikhdii boqortooyadii Adal. Buugan oo ayaa sida ay Miss Yilma sheegtey ka waramaya laamaha boqortooyada, Shuruucda qobortooyada iyo dhulka ay boqortooyada Adal hoos tagi jirey wakhtigaa aadka u fog oo ay ka mid ahaayeen gobolada Harar, gobolada galbeed ee somaliland iyo waliba dalka Jabuuti.

Idil Cabdiraxman oo ah haweenay soomaaliyeed oo xidhiidh weyn la hel madxafka qadiimka ah ee magaalada Harar ayaa saylac.com u sheegtey inay aad ugu faraxsan tahay helida buugan qadiimka ah isla markaana ay ku dadaali doonto sidii macluumaadka ku qoran Buugan nuqul looga heli lahaa si bay tidhi Jaamacada Camuud loogu gudbiyo.

Idil ayaa waxa kale oo ay warbixin ay nooga soo dirtey magalada Harar ee dalka Itoobiya waxay k sheegtey in madxafka qadiimka ah ee magaalada Harar xafiday tariikh aad u facweyn ooo boqortooyadii Adal ka waramaysa . Sida buuga ku cad imiradooriyada dhulka Adal la odhan jirey waxay ahayn boqortooyo aad u quwad badan waxana Buuga ku cad in boqortooyada Adal ay isku xukumi jirtey shareecada diinta Islaamka.

Waxa kale oo Buugan qadiimka ah ku cad in laamaha xaakimada maxakamada boqortooyada Adal ay ahaayeen kuwo lagu doorto ama boqortooyadu ku xulatey dhinaca diinta iyo Dada labadaba . “Xaakimka maxakamadu waa inaanay dadiisu ka yaraan 45 waana inuu axkaamta diinta iyo maamulka ishtimaaciga labadaba aqoon dheeri ah u leehay- Waa Inuu ahaadaa mid aamin ah  waana inuu ahaadaa shaqsi raga isla markaana maalqabeen ah- shuruuda maalqabeenka ah ayaa buugi aad ugu dheeranayaa in boqortooyada Adal u xulatey inaanu xaakimku noqon mid faqri ah oo xukunkiisa dhaqaale kaga faa’iidaysa.
Buuga ayaa waxa kale oo uu sheegayaa magacaanta boqortooyada iyo laamaha maamulka sida wasiiro tiradoodu dhamayd ilaa  9 wasiir oo ay ka mid ahaayeen : Wasiirka Ducaafa, Wasiirka Ilaqaadka dibada iyo Ganacsiga,Wasiirka Sharciga iyo Cadaalada,  Wasiirka Dhaqaalaha iyo Daryeelka shacabka taagta daran,Wasiirka Iclaanka ama isgaadhsiinta. Wasiirka arimaha qoyska. Wasiirka Amniga daakhiliga, iyo 3 Qaadi oo maxakamadaha ka hawl gali jirey.

Qadarkan yar ee hordhaca tariikhda boqortooyadii Adal waxa inoo soo diyaarisey Marwo Idil Cabdiraxman oo sheegtey inay rajaynayso nuqul aad u sheeg oo buugan qadiimka ah inay inoo soo gudbin doonto marka ay hesho.

Saylac.com
Harar
Ethiopia


Comments

  1. ninkaasi noosoo gudbiyay aadbuu u wacanyahay adal waxay ahayd dawlad kasoo goday ifat waana insha allah wakhtigii soomalida la sugi lahaa

    cali - January 24, 2010 9:37 am

  2. maxaa yeealay waar ka faa idaysta taariikhihiina gumaystayaashii waxbadanbay qariyeen dadbadan way dhibeen dadkiina waxay ka yeeleen ajiyo sab wayna kala saraysiiyeen waar dadkina aqoonta leh ka faa idaysta waar waa dardaaran

    cali - January 24, 2010 9:40 am

  3. anigu waxaan soo amray meelo badan oo carabta ka mida waxaan kusoo aragyna waad yaabindoontaan

    cali - January 24, 2010 9:42 am

  4. Maansha walaal waa guul in la helo mid ka mida aj taariikha soomaaliya insha allah inta kalena waa iman

    Ahmed - January 24, 2010 12:45 pm

  5. sc wr wb. Mashallah waa wax lagu farxuu inaa la hayoo tariiqdiii Boqortooyadi ADAL-empire. adunka ninkasti waxu ku faana tariiqdiisa, markaas walalah Samaroon waxan kula talin lahaa amaayey saylac-news inaay tariiqdaas ay daba galaan oo fiidiyoo ka sameeyan inshallah . dhulkay xukumi jireen iyo habkii ay u xukumi jireen. Hadii Tariiqdaas la dabagalo wax aminsanahay inaa la helaayo wax buug ka wayn. SAMAROON HADII UU QAMCAH IS QABSADOO WAAY SOO CELIN KARAAN XUKUNKOOGI IYO WANAGOOGI AY LAHAYEEN. WALYAAL AN MIDNIMADA KU DADAALNO INSHALLAH. wa bilahi towfiiq.

    SH.A.C - January 24, 2010 1:35 pm

  6. WAXAAN HAMBALYO U DIRAYAA CIDA SOO HESHAY BUUGAA IYO SHABAKADA SAYLAC.COM. TANI KALE WAXAAN LEEYAHAY WALAASHEEN MARWO IDIL INAY DABO GASHO HELITAANKA DHAMAAN BUUGAA IYO INTII KALE EE INA QUSAYSA ADIGOO MAHADSAN HUUNO, SAYLAC.COM RUNTII WAXAAD WADAAN ARIMO AAD LOOGU DIIRSADO FADLAN IDINKUNA DADAALKA HALKAA KAWADA , XAGA QOOMIYADA GADABURSINA WAXAAN KA LEEYAHAY ADUUNKOO DHAN AYAA QIRSAN HALKAAN MAAMUL, CADAALAD, DARYEEL, ILBAXNIMO, HORUMAR, TACLIIN HAANU KA GAADHNAY WALAALAYAAL WAXAANU UBAAHANAHAY SAMIR IYO DADAAL INAANU LA NIMAADNO UFADII GUUSHANA WAY SOO UDGAYSAA, QABYAALADA FOOSHA XUNA WAXAAN KALEEYAHAY ILLAAHOW INNA HAREER MARI AAMIIN AAMIIN

    abroone - January 27, 2010 6:17 pm

  7. HADDIBA AY DHABTAHAY IN HARAR LAGA HELAY WAX KA WARAMAYA UMADEENA TAARIIKHDEEDII WA WAX LAGU FARXO, LAKIIN MA NOQON DOONTAA MID AAN SO BANDHIGI KARNO MISE WA MID AY SHEEGAN DOONAAN DAD KALE AMABA LAGA WAAYI DOONO HALKA IMIKA LAGU SHEEGAY, SIDII HORABA TAARIIKHDEENA LOO WAAYAY. HADABA WAXAN JECLAAN LAHAA SAYLAC INAY ARINTA HALKA KU DHAAFIN EE AY AAD U DAREEN SIIYAAN WAX GARADKA, AQOONYAANKA IYO HANTIILAYAASHABA IN QORAALKAA LA SOO BANDHIGO, WAXAANAN AMIN SANAHAY IN SAYLAC ONLINE IYO KUWA LA MID AH AY DOORKA UGU WAYN KA QAADAN KARAAN QORAALKAA SOO BANDHIGIISA.

    Mukhtaar - February 15, 2010 11:19 pm

Leave a comment
Name (required)
Mail (will not be published) (required)
Website

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Plugin by: Free Online Movies