Madaxweyne Rayaale oo Tacsi u Diray Shirkada Diyaaradaha Ethiopian Airline oo Diyaaradi kaga burburtay Dalka Lubnaan
Hargeysa (Saylac.com)- Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa war-saxaafadeed uu caawa ka soo saaray Xarunta Madaxtooyadda tacsi ugu diray shirkadda diyaaradaha dalka Itoobiya oo ay mid ka mid ah diyaaradahoodu ku burburay Dalka Lubnaan.
Warsaxaafadeed uu soo saaray Af-hayeenka Madaxtooyada, ayaa u qornaa sida tan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, isaga oo ku hadlaya magaca xukuumada, Dawladda iyo shacabka Somaliland wuxuu tacsi u dirayaa Dawladda Itoobiya iyo shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airline , isaga oo ka tacsiyadaynaya mashaqada ku timid diyaarada Ethiopian Airlines ee ku burburtay Dalka Lubnaan ee gaysatay dhimashada iyo khasaaraha balaadhan”.
tacsidan, ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee nooceeda ah ee ka soo baxda Xarunta Madaxtooyadda Somaliland oo uu madaxweyne Rayaale u diro dal Somaliland jaar la ah,
Saylac Media
Hargeysa Somaliland