Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland oo Si wayn Loogu Soo Dhaweeyay Paris

01/25/2010 10:24:00 PM

Paris (Saylac.com)- Weftigii uu hogaaminayey Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane, Axmed Yuusuf Yaasin, ayaa xalay oo ay taarihkdu aheyd 24.01.2010 waxa uu kasoo degay gegida Dayaaradaha calamige ee Charles De gaulle ee Magaalada Paris.

Madaxweyne kuxigeenka waxa uu soo marey dalka Jabuuti waxa uuna kulan la yeeshey daljiraha dalka France ee fadhigiisu yahey Jabuuti. Waxeyna ka wada hadleen dano ka dhaxeeya labada Wadan. Weftigu waxa uu uga sii gudbey dawlada Emirate ka halkaas oo uu kula kulmey madaxda Emirate ka waxayna isla afgarteen inay kulan danbe isla yeeshaan.

 

Madaxweye ku xigeenka  iyo waftigiisuba waxaa isla markiiba loosii gudbiyey Huteelkii loogu tala galey,  waxa uu madaxwayne ku xigeenku uga sii gudbi doonaa dalka France wadamo kale oo Europe ah.

Allaa Mahad Leh

Mahdi Cusmaan Buur

Wasiir kuxigeenka a Wasaaradda Caafimaadka  ahna

Af-hayeenka Weftiga Madaxweyne kuxigeenka JSL, Paris, France.


Leave a comment
Name (required)
Mail (will not be published) (required)
Website

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Plugin by: Free Online Movies