Maanso Dhuuxa Borama by / Maxamuud Cabdilahi Roble

01/7/2010 11:24:00 PM

Dhulbuura lahoo
Dhaayaha mar arkaa
Ay dhaafi karayn
Dalxiis dhab ahoo
Dhulkii lagu qabo
Aan dhaanka raree
Dhooley adugana
Dhulkii ma tagnaa?

Dhulbuura lahiyo
Badaha isdhunkaday
dhulbaaxad lihiyo
bankaa dhabacee
Basiintu dhex taal
Ninkii dhacyidhee
Dhufayska ugalay
Hadaan laga dhicin
Dhooleey ma ogtahay
Inuu dhaxalkii
Dhexdeena ka baxay?

Dheeldheel majiree
Dhifweeye intii
Uu dhiig ku hadhee
Intayna Dhamaan
Aan soo dhicinoo
Dhooley adiguna
Dhulkii ma tagnaa?

Dhibcaha roobkee
Gugii dharbiyee
Dhamuug laga dhuro
Naftii dhamisaa
Haraad kaba dheer
Aan dhoofka tagnoo
Aan dhaanka raree
Dhooley adiguna
Dhulkii ma tagnaa?

Gayaan dhaladoo
Quruxda lagu dhilay
Dhaayuhu kaba go’in
Dhexdeedu haday
Sidii madag dhebi
U dhuubantahoo
Midabku sida dhiin
Masciidka sidii
Gacmaha dhilanee
Markay socod dhaw
Dhaqaaq is tidhaa
Laafyaha dhinac yaal
Waxaad is tidhaa
Ku dhaygag indhaha
Intayna ka dhumin
Aan dhaanka raree
Dhooleey adiguna
Dhulkii ma tagnaa

Dhabanka dihinkiyo
Labeentu dhistee
Dhalaanka sidii
Dhalaalka ku yaal
Dhaayaha mar arkaa
Dheeftaba ma cunee
Aan dhaanka raree
Dhooleey adiguna
Dhulkii ma tagnaa

Dhaqanka wacaniyo
Dhaboobka jiraa
Dhegehu tabayaan
Dhaqmaadka naftiyo
Dhaxanta jiilaal
Inaan kaga dhuunto
Dhasiig ma jiree
Aan dhaanka raree
Dhooleey adiguna
Dhulkii ma tagnaa?

Dhul buura lahoo
Dhabiga ka baxaa
Biyaha dhinac yaal
Xididka dhinacii
Ka dhuuqo sidii
Dhubuqa lagu cuno
Dhuubaha sare iyo
Dhamuug dacalkeed
Aan dhaanka raree
Dhooleey adiguna
Dhulkii ma tagnaa?

Dhul buuraa lahoo
Dhibicda roobkee
Gugii ka da’adaa
Xareed dhigisteed
Dhulkoo dhan qarshaan
Aan dhaanka raree
Dhooleey adiguna
Dhulkii ma tagnaa?

Dhul buura lahoo
Dhalaanku aqoon
Tacliinta dhigtaan
dabeed dhaqankiyo
Asluubta dhugtaan
Aan dhaanka raree
Dhooleey adiguna
Dhulkii ma tagnaa?

Dhulbuura lahoo
Haweenku dhaqankiyo
Hidaha ku dhagaan
ay huuno dhahaan
Aan dhaanka raree
Dhooleey adiguna
Dhulkii ma tagnaa?

Dhul buura lahoo
Wayeel taliyaa
Dhexdooda dhibtiyo
Dhexyaalka yimaad
Nabada dhinaceega
Ku dhiiran yahoo
uu dhawri wanaag
Aan dhaanka raree
Dhooley adiguna
Dhulkii ma tagnaa?

Dhulbuura lahoo
Dhawaaq ku dhibiyo
Dhaliisha aqoon
Dhegaha ku nastee
Aan dhaanka raree
Dholey adiguna
Dhulkii ma tagnaa?

Dharaqa maalkii
Dhiishaan ku shubaad
Ayaad dhami sida
Dhalaan la korshee
Aan dhaanka raree
Dhooleey adiguna
Dhulkii ma tagnaa?

Dhulbuura lahoo
Dooxyada dhex maraa
Dhabaha ka farcamay
Biyuhu dhalaclayn
Geedaha dharankiyo
Dhaameelka ku yaal
Naftii dhugataa
Dhanaba uga baxin
Aan dhaanka raree
Dhooleey adiguna
Dhulkii ma tagnaa?

Dhulbuura lahoo
Jawiga dhididkiyo
Dabeylo dhiciyo
Aan dheela lahayn
Naftii dhugataa
Dhanaba uga bixin
Aan dhaanka raree
Dhooleey adiguna
Dhulkii ma tagnaa?

Dhulbuura lahoo
Dhageysiga wacan
Dhegtaa la dhacdee
Dhawaaqa balwada
Dhulkii laga helay
Aan dhaanka raree
Dhooleey adiguna
Dhulkii ma tagnaa?

Dhulbuura lahoo
Dhagaxa laga helo
Uu dheeman yehoo
Dhashii ilma sheekh
Ay diinta dhigaan
Aan dhaanka raree
Dhooleey adiguna
Dhulkii ma tagnaa?

Dhulbuura lahoo
Dhuuniga laga cuno
Dhadhanka laga helo
Dhamaystir yahoo
Markaad dheragtana
Faruhu dhaqdhadaaq
Dalqada dhibayaan
Aan dhaanka raree
Dhooleey adiguna
Dhulkii ma tagnaa?
Dhulbuura lahoo
Jacayl dhab ahoo
Qisada laga dhuray
Muliyo dhab u helay
Barbaartu dhankood
Hasaawaha dhinac
Dhextaal ka dhigaan
Aan dhaanka raree
Dhooleey adiguna
Dhulkii ma tagnaa?

Dhul buuro lahoo
Taariikh dhaladoo
Quruumo dhisnayd
Jasiirad Dhubciga
badaha dhex kutaal
Ugaadhu dhankood
ay qoys ka dhigteen
Taariikh dhaladoo
Haraga lagu dhigay
Gumaysi dhashii
Inayna ku dhalan
Aan dhaanka raree
Dhooley adiguna
Dhulkii ma tagnaa?

Dhul buura lahoo
Dhaantada wacanee
soomaali dhamaan
Hidaha ku dhigtaan
Dhexroorka gabdhah
Raguna dhinacii
Isdhaafka yaqaan
Seylici dhaxalkii
Aan dhaanka raree
Dhooley adiguna
Dhulkii ma tagnaa?

Dhulbuura lahoo
Geedaha dhererkiyo
Dhulkoo dhan qarshee
Dhabiga suradkiyo
Xangayda sidii
Maskii ku dhagani
Dhanaan laga helo
Dhalaanku cunaan
Aan dhaanka raree
Dhooley adiguna
Dhulkii ma tagnaa?
Dhulbuura lahoo
Guryaha dhagaxiyo
Marmarka laga dhiso
Dhalaalka gudaha
Darbiga dheehiyo
Sariirta dhextaal
Kuraas dhinac taal
Naftii u dhaxdaa
Habeen dhextagtaa
Dalxiis la dhacdee
Aan dhaanka raree
Dhooley adiguna
Dhulki ma tagnaa?

Dhulbuura lahoo
Abwaaan bari dhigay
Heesaha dhuuxiyo
Dhiigaba kiciyee
Dhankii bari tagay
Aan dhaanka raree
Dhooley adiguna
dhulkii ma tagnaa?

Dhulbuura lahoo
Dhaqaale ninkii
Aduunka dhigtaa
Dhaqasho maalkiyo
Dhibtaba ka baxee
Dhilmaan ku cuntiyo
Dhul dhiiqo lahayn
Aan dhaanka raree
Dhooley adiguna
Dhulkii ma tagnaa

Dhulbuura lahoo
Dhakhtarka laga helo
Ninkii dhuuri qabi
Haduu dhulfog jiro
U dhoof ku tagoo
Qaliinka indhaha
Haweenka dhashiyo
Xanuunku dhibee
Mindheeli qabaa
Ay dhoof ku tagaan
Dabeed laga dhuro
Xanuunka dhibtiyo
Dhasiiga ka jaray
Aan dhaanka raree
Dhooley adiguna
Dhulkii ma tagnaa
Dhulbuura lahoo
Karantu dhinaceed
Xareeda dhigtoo
Ubaxa sabigee
Xalay dhabanada
La soo dhex baxee
Dhadada ku hadhiyo
Xareeda dharqaday
Ishii dhugataa
Dalxiis la dhacdee
Aan dhaanka raree
Dhooley adiguna
Dhulkii ma tagnaa

Dhulbuura lahoo
Dhamaystir ahoo
Dhankaad ka martaba
Aan dhiilo lahayn
Ishii dhugataa
Dalxiil la dhacdee
Aan dhaanka raree
Dhooley aniguna
Aan dhaanka raroo
Aan dhoofka ka tagnee
Dhulkii Ma tagnaa
By/ Maxamuud Cabdilahi Rooble


Leave a comment
Name (required)
Mail (will not be published) (required)
Website

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Plugin by: Free Online Movies