Laascaanood: Sarkaal Boolis ah oo Toogasho Lagu Dilay Goor Dhawayd

01/15/2010 7:46:00 PM

Laascaanood (Saylac.com)- Sarkaal Sare oo ka tirsan ciidamada Booliska Somaliland ayaa lagu dilay Toogasho magaalada Laascaanod goor dhawayd, kaasoo magaciisa la yidhaahdo Cismaan Faarax Cabdi (Suxufi), waxaana lagu toogtay badhtamaha magaalada isaga oo masaajid ka soo baxay gurigiisana rabay inuu galo.

waxa Saylac.com u xaqiijiyay dilka Sarkaalkaas taliyaha Qaybta Bilayska Laascaanood oo aanu khadka telefoonka ku waydiinay dhacdadan naxdinta leh, waxana uu xaqiijiyay inay tacshiirad rasas ah huwiyeen marxuumka koox hubaysani, kuwaasi oo ay ku daba jiraan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen sharcigana u horkeeni lahaayeen.

Falalkan soo noqnoqday ee lagu ugaadhsanayo ciidamada Somaliland ee ku sugan deegaanka Laascaanood ayaan ilaa hada jirin cid maxkamad lagu soo taagay oo lagu oogay inay ka dambaysay, inkasta oo ay jiraan dad loo qabqabtay.

Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland, Kornayl Maxamed Saqadhi Dubad ayaa isagu falkii u dambeeyay ee Bomka lagu qarxiyay Saldhiga Booliska Laascaanood mar uu ka hadlayay waxa uu dusha uga huwiyay dhacdooyinka ka socda Laascaanood mid ay masuuliyadiisa leeyihiin oo ay dabada ka riixayaan maamul-goboleedka Puntland oo iyagu ka xun sida uu hadalka u dhigay gacan ku haynta Somaliland ee gobolada Bari. Kuwaasi oo ay muddo dheer ka talinayeen maamul-goboleedka Puntland

Saylac.com
Laascanood


Leave a comment
Name (required)
Mail (will not be published) (required)
Website

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Plugin by: Free Online Movies