Koonfurta magaalada Sheed-dheer ee kilinka shanaad oo laga helay gaaska dabeeciga ah
Sheed-dheer(Saylac.com) Labadii usbuuc ee inaga tagay ayaa la sheegay in khuburo shiina ah oo ay horkacayaan Ingineero itoobiya u dhashay ay cabir ku sameeyeen toga Geedka Carada oo dhinaca koonfur kaga beegan magaalada Xasaadin ee Kilinka Shanaad.
Toga geedka carada oo ah dhul beereed aad u dihin ayaa waxa ku yaala geed weyn oo kaligii ku yaala banka dareemadu ka baxdo ee u dhexeeya gobyar iyo Xasaadin waxana mara dooxa togwajaale kusoo dhaca. Ingineeradan Itoobiyaanka ah ayaa waxay wateen afar gaadhi oo nuuca lagu baadho hawada iyo ciida waxana dadka degaankaa degani u sheegeen saylac.com inay markii hore la yaabeen dadka cadaanka ahi waxay ka qabanayaan toga dhexdiisa lakiin markii danbe rag turjumaano ahi u sheegeen reeraha degan degaanka inay ragani yihiin khuburo baadhitaan gaaska dabeeciga ah ku hawlan.
Sida uu noo sheegay Jamac Roble oo ah dadka degaanka ku nooli waxa ay nimankani soo noqnoqdeed dhawr jeer marwalbana waxay ku taagaan dhulka calaamado yar oo ili ma qabto ah waxaanu intaa noogu daray inay geedka weyn ee loo yaqaano geedka carada ay ku sugnaayeen dhawr saacadood markii danbana ay jigjiga ku laabteen.
Dawlada Itoobiya ayaa horey baadhitaano dhinaca gaaska dabeeciga ah ka samaysey dhulka balaadhan ee Ogadeeniya balse ku guulaystan weyday inay wax gaasa kasoo saarto dhulkaas sababo amaanka la xidhiidha awadeed. jabhada ONLF ayaa hada ka hor ku dishay shaqaale badan oo shiinaha u dhashay oo iyagu ku hawlanaa soo saarida gaaska dabeeciga ah ee dhulka ogaadiya.
Ilaa hada lama garanayo sababta keentey in wakhtigan xaadirka ah ay Itoobiya ku xiisayso dhulka banka ee ay degaan beelaha samaroon ee dalka itoobiya.
Saylac.com
Sheed- dheer Kilinka Shanaad