Kawaanka hilibka magaalada saylac oo u baahan dayactir dhinaca nadaafada iyo qalabka qaliinka Hilibka
Saylac(Saylac.com)-Kawaanka hilibka magaalada saylac oo aan haba yaraatee lahayn qalab hilibka lagu qalo iyo dhisme ku haboon qaliinka Hilibka ayaa mar’aanu booqanay waxaanu kula kulanay dadka ka ganacsada qaliinka hilibka magaalada Saylac.
Ganacsatada Qaliinka Hilibka ayaa saxaafad Awdal iyo Selel waxay u shegeen inay la tacaalaan marxalado adag oo dhinaca qalabka Qaliinka ah isla markaana aanay haysan wax qalab qaliin oo la sheegi karo.
Marwo Xalimo Cumar oo ka mida haweenka aanu la kulanay ayaa waxay noo sheegtey in Kawaanka magaalada Saylac isticmaalo qalab mudo ka badan la isticmaali jirey oo aan tayo qaliin fiican lahayn. Iyadoo hadlaysana waxay tidhi marwo Xalimo ” Sida idiin muuqata qalabkan aanu xoolaha ku qalaayi waa mid aanu kala dagaalano inuu daxalaysto sababtuna waxay tahay magaalada saylac oo xeeb ku taala jawigeeduna biraha u daran yahay. iyadoo hadalkeeda sii wadatana waxay tidhi ” Qalabka waxaanu u doonanaa wadanka dariskeena ee Jabuuti lakiin mudo yar ayuu qalabka qaliinku ku xumaadaa jawiga magaalada awgeed”
Dhismaha Kawaaanka magaalada saylac ayaan haba yaraatee lagu samayn wax inisbegshanka oo dhinaca dawlada ah waxaad arkaysaa hilibka la qalayo oo marmarka qaarkood darifyadiisu dhulka taabanayaan tani oo keeni karta in hilibku soo jiito bakteeriyo yaryar oo ili maqabato ah isla markaana waxyeelo u geysan karta dadka.
Hilibka magaalada saylac ayaa ka qaalisan kaluunka ugu tayoda fiican aduunka ee loo yaqaano Tunaha iyo Salamon King ka oo si riqiis ah aad ku heli kartid wakhtiyada duhurkii marka kaluumaysatada yaryari keenaan suuqa.
Kawaanka Saylac inta badan laguma iibiyo Kaluunka waxase kaluunka loo dhoofiyaa wadanka dariska ah ee aanu walaalaha nahay ee Jabuuti.
Kawaanka Saylac oo cimrigiisa lagu qiyaasay qarni ku dhawaad ayaan helin wax dayactir ah haba yaratee oo kaga yimaada dhinaca dawlada Somaliland ama hay’adaha samafalka ee Jamuuriyada somaliland ka hawlgala.
Dadweynaha aanu kula kulanay Kawaanka magaalada Saylac ayaa saxaafada gobolka ka dalbaday in baahidooda loo bandhigo jamuuriyada somaliland iyo aduunka intaba.
Osman Hussein
Saylac Media
Saylac City