Jijiga sidee looga dareemay imaatinkii Ra’isul wasare Meles Zenawi?

01/28/2010 11:02:00 PM

Jijiga(Saylac.com)- Todobaadkii inaga tagay magaalada Jijiga waxa socdaal kormeel ah ku yimi wafuud balaadhan oo uu horkacayey Ra’iisul wasaaraaha dawlada federaalka ah ee Itoobiya Meles Zenawi. Dadweynaha Reer Jijiga waxwar ah kamayna hayn ilaa ay arkeen askarta federaalka ah ee dariiqyada magaalada dhooban iyo isku socodka gobolka oo gabi ahaanba istaagay gabi ahaanba.

Bulshada somaliyeed ee ku dhaqan magaalada Jijiga iyo nawaaxigeedu waxay udhega taageen waxa uu waftigani la socdo waayo waxa ay ahayd fursad aad u naadir ah in wafti nuucan ahi yimaado iskaamulka kililka shanaad ee somalidu degto.

Guud ahaan amaanka magaalada marka laga tago dadweynaha intaan nasiib u helin ka qayb galka munaasibad waftigu ka qayb galay oo ahayd 12 guuradii xoolalayda Kililka shanaad ee Itoobiya ayaa waxay ka fiirsadeen TV qaranka Itoobiya oo dhawrkii habeen ee ka danbaysay imaatinka waftiga gabi ahaaanba laba arimood oo kala ah imaatinka Melez Zenawi ee Jijiga iyo Dayuuradii Itoobiya ee isla wakhtigaa dhacday.


Shabakada Caalamiga ah ee saylac ayaa waxay waxka weydiisay dadweynaha magaladadu siday u arkaan imaatinka waftiga heerka qaran ah ee soo cago dhigtey magaalada Jijiga, Waxayna badankoodu ku jawaabeen inay aad ugu faraxsan yihiin imaatinka waftiga oo ay ku tilmaameen mid midho dhal ah waxyaabo badana ka bedeli doona mashaariicda xoolalayda kililka shanaad.

 Dhinaca kale jagooyinka dhulka ee darifyada magaalada Jijiga ayaa sicirkoodu cirka isku shareeray ka dib markii dawlada federaalka ahi ay ka dhawaajisey in dhulbalaadhan oo mashariic warshado ah laga iibsan doono dadka hantida dhulka ku leh agagaarka magaalada Jijiga

Ibrahim Cabdilahi
Saylac.com
Jijiga- Kililka 5aad ee  Itoobiya


Leave a comment
Name (required)
Mail (will not be published) (required)
Website

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Plugin by: Free Online Movies