Hargeysa: Magaalo madal ku wada kulmisay dhalinyaro, gadh madoobe iyo waayeel aan camal haynin.

01/25/2010 10:26:00 PM

Hargeysa: Magaalo madal ku wada kulmisay dhalinyaro, gadh madoobe iyo waayeel aan camal haynin.
W/Q. Najax Aadan Cunaaye

Magaalada hargeysa ayaa aad uga dhaqan gedisan magaalooyinka kale ee dalka, waxaana inta badan aad arkaysaa dhalinyaro iyo waayeel haasaawaha siyaabo kala duwan u wadaagaya.

dhalinyarada ay ugu yar yihiin 20 jirka uguna yar yihiin 15 jirku ayaa inta badan sheekadoodu ay tahay mid ay iskaga xog waraysanayaan waxyaabihii habeenkii ilaa maalintii la soo dhaafay ka dhacay dunida daafaheeda ha ugu badnaadaan ciyaaro ay daawadeen natiijadooda, filimaan iyo ciyaaro kale oo iyaga laftooda dhex maray.

dhalinyaradan ayaan sheekadooda marnaba ku soo qaadin waxbarashadooda iyo duruufaha nololeed ee wakhtiyadan dambe ku gedaaman, taas oo ay ugu badan tahay camal la’aan baahsan oo ay ka siman yihiin dhalinyaro ilaa gadh madoobe, inta badana dusha loo saaro xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Daahir Rayaale oo ragga xooga ah ka door biday baa la leeyahay ragg caalamka haddii ay joogi lahaayeen dhabarka u jiifsan lahaa bisil iyo lacag loo gartayna jiqi lahaa.

20 sano jir ilaa ragg ay da’doodu ku siman tahay 40 sano jir ayaa iyagu si weyn uga gedisan sheekada ay dhalinyaradu wadaagto.

da’dan ayaa ah kuwo mar walba ka sheekeeya siyaasada, xusuusta duruufihii hore ee ay shacabka reer somaliland soo mareen, doorasho dalka ka dhacda, qalalaasaha iyo jaho wareerka maalintaa dalka ka taagan iyo waliba sheekooyin kale oo intaa ka badan.

da’dani waxa ay inta badan wakhtigooda ku lumiyaan falanqaynta weedhaha siyaasiyiintu ay isku weydaarsanayaan qalabka warbaahinta iyaga oo mararka qaarkood iskuba fara saari gaadha, haddii mid ka mid ah saaxiibadii uu ku sii talax tago ceebaynta xisbiga iyo siyaasiga uu saaxiibkii la dhacsan yahay.

iyaga laftooda kama madhna in ay xusuusta dib ugu celiyaan wacdaro habeenkii la soo dhaafay dunida daafaheeda ka dhacay, haba u badnaadaan ciyaaro iyo dagaaladuye iyaga oo is yar dul taaga qadar cabaar ahna ku dul nasta.

da’da u dambaysa ah ayaa ah 40 jir ilaa 65, waa da’ marka aad dhinac ka eegto isku soo gaadhay nolosha, waayo badana soo taagnaa.

waxa ay si mug leh isbarbar dhig iyo falaqayn ku talaxtag ah ku sameeyaan gedgedoonka waayaha, iyaga oo si gaar ahna u dul istaaga xadaaradaha dunida iyo dhaqankii hore ee soomaalida.
waxa ay ku doodaan in ay waxyaabo badan u soo joogeen, maanta oo uu nasiibkoodu ku simay in ay majlis ku kulmaan dhalinyaro aan wax badan ka ogayn sidii uu ahaan jiray dhaqankii hore ee soomaalidu.

ragga da’dan ah ayaa sida saaxiibadooda quus ka heersaraysa ka taagan nolosha iyo waayaha maanta yaala hargeysa, waxaana laftoodu ku biyo cabaan in duruufaha adag ee ka taagan guud ahaanba dalka uu dhaliisha koowaad leeyahay Madaxweyne rayaale oo maanta Haya isteerinka maamulku.

si kastaba ha ahaatee magaalada Hargeysa ayaa ah madal ay ku wada kulmaan dhalinyaro, gadh-madoobe iyo waayeel aan camal haynin, saaladaha iyo gabal dhacana kuwada suga maqaaxi ilaa majlis dhufays uga ah waayaha nololeed ee ku gedaaman.

Najax Aadan Cunaaye


Leave a comment
Name (required)
Mail (will not be published) (required)
Website

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Plugin by: Free Online Movies