Halkan Ka Daawo Sidii Loo Soo Dhaweeyay Axmed Siilaanyo oo Safar Maraykanka ah ku muqnaa Bil oo Saaka Soo Gaadhay Hargeysa

01/31/2010 6:09:00 PM

.Hargeysa (Saylac.com)- Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo safar dibadeed muddo bil ah ugu maqnaa wadanka USA ayaa maanta barqadii soo gaadhay magaalada Hargeysa. halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen kumanaan kun qof oo ka mid ah bulshada qaybaheeda kala duwan, oo u badnaa taageerayaasha xisbigaasi iyo madaxdiisa.
 
Gadiid gaadhaya ilaa 150 oo gaadhi ayaa isdaba taxnaa Madaarka Hargeysa ilaa xarunta xisbiga Kulmiye oo ku taala xaafada shacabka Hargeysa.
 
Waxa loo arkayay Soo dhawayntan oo u ekayd dibad-bax dhoolatus xisbigani ugu quus-goynayay dhigiisa xisbul-xaakimka talada haya ee UDUB.
 
gudoomiyaha kulmiye Md. Siilaanyo ayaa markii uu gaadhay xarunta xisbigiisa saxaafada kula hadlay kana faalooday wixii uu daaraa socdaalkii uu ku tagay wadanka Maraykanka iyo wixii uu kala kulmay.

The Flash plugin is required to view this object.

 
 
waxaana uu sheegay in mudadii uu ku guda jiray socdaalkiisa uu la kulmay madax kala duwan oo ka tirsan hogaanka wadankaas USA oo ay ka jiraan xildhibaano baarlamankooda ka tirsan.
 
waxa uu xusay inay aad u danaynayeen xasiloonida iyo jiritaanka nabada taala Somaliland iyo sida loogu baahan yahay in doorasho xor iyo xalaal ahi si dhakso leh uga dhacdo wadanka.
 
axmed Siilaanyo waxa uu intaasi raaciyay inuu diyaar u yahay inuu la kulmo masuuliyiinta Xukuumada SOmaliland si uu ugala hadlo faahfaahina uga siiyo socdaalkiisii oo uu ku sheegay inuu muhiimad wayn u lahaa Somaliland guud ahaan shacab iyo dawladna ay mudan tahay in wixii Somaliland wax u taraya meel uga soo wada jeestaan.
 
waxa uu kulankaasi Siilaanyo ka codsaday in aanay saxaafadu qodqodin oo aanu diyaar u ahayn inuu eedeeyo ama wax ka sheego xukuumada oo uu yidhi looma baahna xiligan khilaaf iyo kala qooqoob mucaarad iyo muxaafadna Somaliland hada waa mid.
 
ugu dambayntii ciidamada Somaliland oo ammaanka sugayay iyo dadweynaha soo dhawaynayay gudoomiyaha kulmiye ayaa si wada jir ah isu salaamayay oo wada dhoola qoslayay nabadgelyadana adkeeyay.
 
waxaana uu banaanbaxan lagu soo dhawaynayay GUdoomiyaha kulmiye ku soo af-meermay si nabadgelyo ah,
 
Saylac.com
Hargeya Office
Somaliland


Comments

  1. II ogolaadda inaan ku daro woxoogaa warbixinta Wariyahan. magaalada Hargeisa ayaad moodaysay shalay inay wada Kulmiye ahayd. waxay rabshado ka dhici gaadheen Airportka Hargeisa checkpoint kiisa markii ay Islaan kastaa doontay inay gaadhigii ay wadatay la gasho airporortka oo ay askarta islaynayeen ciyaal farabadan oo loo diiday inay galaana ay ku orinayeen markasta oo islaan gaadhi wadata la hor istaagaba.

    shalay xag allah uun baa laga baxay iyo ciidanka Police oo aad isku miskiiminaayay si kastoo loo caayaba. maalintani waxay ahayd maalin ay aad u soo baxeen dhalin yar wiilal iyo gabdhoba ah oo waliba ay gabdhuhu firfcircooni saa’id ah ay muujinayeen haddii ay tahay hadalada lagu taageeraayay Kulmiye iyo haddii ay tahay cayda iyo aflagaada askata iyo wixii Udub sheegtaba.

    Ina Dhaqane

    Maydhane Dhaqane - February 1, 2010 5:01 am

Leave a comment
Name (required)
Mail (will not be published) (required)
Website

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Plugin by: Free Online Movies