Hal Ruux oo ku Geeriyoodey Shil Baabuur oo ka dhacay Jidka isku xidha Burco Iyo sheekh iyo dhaawicii oo la keenay Burco

01/9/2010 6:20:00 PM

DARIIQA SHEEKHSheekh (Saylac.com)- Alle ha u naxariistee Marxuum Karmici Jaamac Mooge ayaa ku naf-waayay shil-gaadhi, kaasi oo ka dhacay wadada Laamiga ah ee isku xidha Burco iyo sheekh, iyada tirada dadka ku dhaawacmay shilkaasina lagu qiyaasay 6 Dhibane.
Shilkan Buubuur ayaa dhacay ka dib markii Gaadhi Tagsi nooca loo yaqaan  Mark2-ah  uu taayirka hore ugu baxay isla wadadaas, Gaadhigan yar ayaa siday dad rakaab ah kuwaas oo u socday dhanka magaalada Sheekh, kana yimi magaalada Burco..
Dadkii ku dhaawacmay Shilkaasi Gaadhi ayaa la keenay Cusbitaalka Guud ee magaalada Burco, Dadkan oo ay soo gaadheen Dhaawacyo fudud iyo kuwo culusiba aya lagu dawaynaya cusbitaalka magaalada Burco, iyaga oo qar ka mid ah xaaladoodu ay ka soo raynayso..

inta la ogyahay Shilkan Baabuurka waxa ku u nafwaayay 1 Ruux oo ahaa Alle Ha u naxariistee Marxuum Karmici Jaamac Mooge oo lagu aasayo magaalada Burco , sidoo kale  waxa ku dhaawacmay shilkaasi baabuur dad tiradoodu gaadhayso 6 ruux oo kala ahaa :

waxayna kala yihiin magacyada dadka gaadhigaasi Rakaabka ahaa ku dhaawacmay sidan hoos ku xusan:- 

1- Cabdi Cilmi Liibaan.

2- Ibraahin Cabdi Daahir.

3- Muna Cabdi Xuseen.

4- Casha Quule Cisman.

5- Farax Siciid Salebaan.

6- Ayan Maxmed Cismaan.

S|hilkan Gaadhi ayaa noqonaya kii 1-aad ee sannadkan cusub ee 2010ka  ka dhaca wadada isku xidha Burco iyo sheekh, iyada oo sannadkii lagay ee 2009-kii la soo dhaafay ay dhowr jeer ka dhaceen shilal dhimasho iyo dhaawacba sababay balse shilkani uu bilow u noqonayo sannadkan cusub.
 
sidoo kale, sanadkan gudihiisa ayaa isna waxa jiray shil gaadhi oo ka dhacay wadada isku xidha Berbera iyo Hargeysa iyada oo shilkaasi sanadka cusub la kowsaday uu ka horeeyay kan hada ka dhacay wadada isku xidha |Sheekh iyo Burco
Saylac.com
Degmada Sheekh – Somaliland


Leave a comment
Name (required)
Mail (will not be published) (required)
Website

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Plugin by: Free Online Movies