Falanqaynta Horiyaalka talyaaniga,Manchester city oo qasaare wayni soo gaadhay,Fernando Torres oo noqonaya Laacibka Aduunka igu qaalisan,
MILAN(Saylac.com)- Waxaa mudo laba asbuuc ah kadib dib u furmay ciyaaraha horyaalka dalka Talyaaniga ee Serie A-da iyadoo ciyaarihi shalay la ciyaaray ay wada badiyeen sadexda kooxood ee safka hore.
Hogaamiyaasha horyaalka ee Inter Milan ayaa halkoo gool kaga badisay kooxda Chievo halka kooxda Juventus ay soo gaba gabeysay waayaheedii guul darooyinka marki ay 2-1 ku dubatay kooxda Parma.
Kooxda Inter waxa shalay u saftay weeraryahankooda cusub Goren Bandev iyadoo laacibka qadka dhexe Patrick Viera uu macsalaameeyey taageerayaasha isaga oo kusi jeeda dalkaasi Ingiriiska.
Kooxda AC Milan oo xalay waqti danbe ciyaartay ayaa ku fara yareysatay ciyaar ay kooxda Genoa ku marti gelisay garoonkeeda San Sero ee magaalada Milano,ciyaartaasi waxaa ka dhex muuqday David Beckham oo kooxda Milan dib ugu soo laabtay isaga oo muujiyey ciyaar wanaag.
Milan ayaa u muuqata in ay jaanta isla heshay waxaana ciyaarti xalay ay ku badisay 5-2,waxaa ciyaartaasi daawanayey tababaraha xulka Ingiriiska Fabio Capello oo ujeedadiisu aheyd bal in uu eego hab ciyaareedka
Beckham.
David Beckham
Ciyaaryahan Giuseppe Sculli ayaa hogaanka gacanta ka saaray kooxda Genoa daqiiqadii 25-aad kadib marki uu rigoore iska qasaariyey ciyaaryahan Ronaldinho daqiiqadii 13-aad ee ciyaarta,hase yeeshee ciyaaryahanka reer Brazil ciilkii wuu iska meyray marki uu shabaqa cuskiyey rigoore kale oo loo dhigay.
Goolka sadexaad waxaa saxiixay Thiago Silva, laakin goolashi ugu quruxda badnaa waxaa saxiixay ciyaaryahan Marco Borriello oo dhaliey laba gool oo xiriir ahaa,halka goolka shanaad oo rigoore ahaa uu ku soo qatimay weeraryahanka lagu magacaabo Klaas-Jan Huntelaar.
Weeraryahanka cusub ee Genoa David Suazo ayaa gool labaad u dhaliyey kooxdiisa marki uu saftay kulankiisi ugu horeeyey Suazo kooxda Inter ayuu kasoo tagay isaga oo amaah kula sii joogi doono kooxda Genoa.
AC Milan haatan sideed dhibcood ayey ka hooseysaa kooxda hogaanka heysa ee Inter inkastoo uu kulan u laabanyahay,Axada soo aadanna waxa ay Milan booqan doontaa kooxda xaalka uu ku xunyahay ee Juventus.
Ciyaaraha kalana kooxda Napoli ayaa u dhaqaaqday kaalinta afraad kadib marki ay 2-0 kaga adkaatay naadiga Atalanta halka kooxda kaalinta shanaad ee AS Roma ay bar bar dhac 2-2 ah la qeybsatay kooxda Cagliari,Roma kulankeedi shalay waxa u saftay weeraryahanka cusub Luca Toni oo ciyaarta bedel kusoo galay.
Fiorentina ayaa kusoo laabatay guulaheedii lagu yaqaanay kadib marki ay 5-1 ku xaaqday kooxda darajada hoose ee Siena.
Sampdoria iyo Palermo ayaa qeybsaday bar baro 1-1,kooxda Lazio ayaa 4-1 ku dubatay kooxda Livorno laba ka mid ah goolasha waxaa saxiixay weeraryahanka cusub ee Sergio Floccari.
Udinese ayaa kor uga soo kacday soonka hoose marki ay 2-0 kaga adkaatay kooxda Bari.
Manchester :-Kooxda Manchester City ee dalka Ingiriiska ayaa ku dhacday qasaarihi ugu xumaa ee ay koox Ingiriiska gasho abid kadib marki ay wax ka yar sal sano ku lumisay lacag dhan 92.6million oo pounds oo u dhiganta ($147.8).
Qasaaraha lacagtaasi waxay kasoo bilaabaneysaa May 31 2009 ilaa iyo bishaan aan ku guda jirno ee Janaury,waxaana arintani ay noqotay mid lala yaabay.
Warka qasaaraha waxaa loogaga dhawaaqay bayaan maanta lagu daabacay barta internetka ee kooxda Man City ee (www.mcfc.co.uk) iyadoo lacagaha la qasaaray aanan lagu darin 117 million oo pounds oo ay kooxda xagaagi hore kusoo gadatay laacibiinta kala ah Emmanuel Adebayor, Kolo Toure, Carlos Tevez, Roque Santa Cruz iyo Joleon Lescott.
Lacagta ay lumisay kooxda ayaa waxaa lagu daray 50 million oo pound oo sanadki hore ay kooxda ku iibsatay laacibka reer Brazil Robinho iyo laacibka kale Jo.
Qasaaraha ayaa ka nixiyey milkiilaha kooxda Man City Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan oo ah nin u dhashay dalka Imaaraadka Carabka kaasoo kooxda iibsaday saamigeeda bishii September 2008.
Faa,idada soo gashay kooxda sanadki hore ayaa kala ah Yikidhada oo ay ka heshay 1.8 million pounds iyo TV-yada oo ay ka heshay qarash dhan 12 %,halka 48.3 million oo pounds ay ka heshay xayeysiin iyo tartanka UEFA Cup…

Weeraryahanka kooxda Liverpool Fernando Torres ayaa waxaa lagu wadaa in uu noqdo xidiga ug qaalisan caalamka kubadda cagta.
Xidigaan oo u dhashay wadanka Spain ayaa waxaa uu noqon karaa cayaaryahanka lagu iibsado lacagaha ugu badan caalamka haddii uu ka tago naadigiisa Liverpool waxaana lagu qiimeenayaa cayaaryahankaan 140 milyan oo gini.
Kooxaha ugu culus ee cayaaryahankaa ku raadinaya lacagaha dhan 140-ka milyan ayaa ah labo naadi oo kaliya waana Manchester City iyo Chelsea oo midba tan kale ugu awoood sheeganayso lacagaha tirada badan ay ugu talo galeen suuqa kala iibsiga cayaartooyda bishaan Janaayo.
Kooxda Man City ayaa sheegtay in Torres uu yahay xidiga 1-aad oo ay doonayaan in ay lasoo wareegaan waxaana lacagahaan dhan 140-ka milyan ku jira lacagaha mushaar ahaan uu u qaadanaayo.
Xidigaan ayaa waxaa uu noqonayaa ninka lacagaha ugu badan lagu iibsado isagoo ka sara maraya C.Ronaldo oo ah haatan cayaaryahanka lagu iibsaday lacagaha ugu badan caalamka kubadda cagta waxaana Real Madrid ay ugu soo iibsatay Manchester utd 80 milyan.
Torres ayaa waxaa sidoo kale uu qaadanayaa sanadkii lacago mushaar oo dhan 15 milyan oo gini waxaana uu yahay xidiga loogu doonis badan yahay caalamka.
Hadii hishiiskaan Torres uu ugu tagaayo Garoonka Anfield ee Liverpool isla markaana uu u dhaqaaqayo Chelsea ama Man City midkood ayuu noqonayaa lacagihii ugu badnaa Taariikhda kubadda cagta.
City ayaa waxaa ay haatan ka hor u soo bandhigtay Kaka lacago dhan 1078 milyan sanad ka hor waxaana markaan ay tahay markeedii labaad oo ay soo bandhigto lacago badan.
waxaa shakina ku jirin in qorshahaan lacageed ee madaxda Liverpool ay ka aqbalayaan kooxaha Chelsea iyo Man City laakin waxaa ay walaac ku sii abuureeysaa weerarka Liverpool oo dhibaato ay haysatay sanadihii dhawaa.
Tababaraha cusub ee kooxda Man City Ropert Mancini ayaa waxaa uu doonayaa in uu xoojiyo kooxda isla markaana uu sameeyo koox wanaagsan sida ay maal qabeenada carbeed ay ugu talo galeen oo ah in ay arkaan koox weyn oo sida Chelsea oo kale u tartamayso tartamada kala duwan ee Yurub.
Mr Mancini waxaa uu doonayaa in uu keeno kooxda shaqsiyaad magac ku leh kubadda cagta sida Torres oo kale.
Maal qabeenka kooxda Chelsea Roman Abramovich ayaa waxaa uu ceyrsi ugu jiray labadii xilli ee lasoo dhaafay Torres wuxuuna aamin san yahay wixii uu aamin sanaa ee ah in Liverpool ay ganacsi ka sameenayso xidigaan hadii uu soo bandhigo lacago wanaagsan.
Tom Hicks and George Gillett waa milkiilayaasha kooxda Liverpool waxaa lagu leeyahay lacagihii ay kooxda ku iibsadeen iska daay in ay soo iibiyaan xidigo kale waxaana warar ku dhow ay sheegayaan in ay doonayaan lacagahaan xidigaan suuqa uu ka joogo ay ku iibiyaan isla markaana lacagaha kasoo baxa ay isaga bixiyaan qaamaha faraha badan ee lagu leeyaha waxaana deemanka ugu badan ku leh Bankiga Royal Bank.
Torres ayaa waxaa uu todobaadkan noqday xidigii 50 gool u dhaliyay muddo yar taariikhda kooxda liverpool (micnaha Torres ayaa waxaa uu u dhaliyay kooxda goolkiisa 50-aad Isbuucaan waxaana uu noqday xidigii muda yar ee Torres uu ku gaaray 50-gool mana jiro xidig sidaa sameeyay Torres Mooyee).
Torres oo Liverpool dib ugu soo celiyay rajadii ay ka lahayd koobka horyaalada yurub ayaa waxaa uu yahay weerar yahan dhamaystiran isagoo labadii sanno ee uu joogay kooxda wax wanaagsan uu sameeyay.
Tababare Benitez ayaa waxa uu u balan qaaday maal qabeenada kooxda in uu u soo saarayo kaalinta 4-aad ee koobka horyaalada yurub laakin aanan laga iibinin xidigaha uu u arko in ay yihiin kuwo lama taabtaan ah ama baalasha ay ku duusho kooxda.
by Muxiyadiin ibraahim qawrax
qawrax934@hotmail.com
