Dugsiga Sare ee Boon oo ku dhaw in loo xidho xaga dhaqaalaha mishaarka Macalimiinta oo ku kaliyeystey Idiris Muxumed Sacad oo ah muwaadin isagu bixiyey dhaqaalihii lagu dhisay dugsiga ilaa hadana gacanta ku haya bixinta mushaarahada dugsiga.

01/10/2010 9:02:00 PM

Boon(Saylac.com) Mudadii gacanta lagu hayey dhismaha dugsiga sare ee Magaalada Boon waxa jiray ina Jaaliyado kala duwani balamo badan u qaadeen Hadii dhismaha dugsigu suuro galo inay ka qayb qaadan doonaan bixinta mushahaarada macalimiinta wax ka dhigta dugsiga sare ee Boon.

Hadaba inkasta oo ay bilihii ugu horeeyey ee dugsiga la furay ay jireen dadyow ka mida Jaaliyadihii balan qaadka sameeyey ay jeebkooda u hureen dhaqaalaha dugsigu ku shaqeeyey lixdii bilood ee ugu horeysay, Mudadii intaa ka danbaysay waxa dugsiga soo wajahay dhaqaalo yari ay mushahaarada macalimiintu ku soo kaliyeysato dhawr shaqsi oo Jaaliyada ka mida.

Muwaadinka dhaqaalaha ugu badan bixiyey ee magaciisa la yidhaa Idiris Muxumed Sacad oo isagu lahaa dhismaha dugsiga ayaa waxa uu ku kaliyeystey dhaqaalaha dugsiga ku baxa dhinac mushaar iyo dhinac kastaba, Hadaba halkay ka dhaceen Jaaliyadii xamaasadu haystey ee balanqaadyada beenta ah sameeyey? Maxayse uga aamuseen dugsiga ay balan qadeen inay waxtar iyo dhaqaalaba la garab joogi doonaan? Suaashan waxa nasoo weydiiyey  qaar ka tirsan Jaaliyada reer Boon ee degan Canada.

Qaar ka tirsan Jaaliyada reer Boon ee degan Canada ayaa hadalkoodu sidan u dhignaa ”Waxaan layaabney dadkeenu hadii dhulka farlasaarana waxay odhanayaan anigaa uxiga iyo Aabahaybaa ku dhashay baahidiisa iyo baaba iisana way iska indhotiraan. Idiris Muxumed kaligii awood uma laha ee reer Boon waa inay dugsiga badbaadiyaan hadii kale ardayda niyad jab ayaa ku dhacaya markay waayaan macalimiintii shalay wax u dhigaysey dugsiguna macno ma yeelan doono hadii macalimiintu uga tagaan bilaa mushahaaro.”

1)Maamulka degmada Boon Mudane Abiid Rooble Xoosh oo ka waramaya ahmiyada xaalada dugsiga Boon  >>HALKAN KA DHEGAYSO

2)Codkii mudane Abiin Aw-cawad Jaamac oo ka mida maamulka degmada Boon oo mahadaq aan lasoo koobi karin usoo jeedinaya ganacsade Idiris Muxumed Sacad oo ah muwaadinka maalkiisa ku bixiyey dhismaha iyo muhashaarada macalimiinta wax ka dhigta ilaa maanta dugsiga  Boon >>HALKAN KA DHEGAYSO

Jawaabta suaashan waxa laga sugayaa Jaaliyada reer Boon ee jecel horumarka iyo sarey u qaadka waxbarashada magaalada Boon.


Comments

  1. aniga oo ah muwaadin udhashay degmada boon oo ah ardayda dhigata boon secondary school waxaan u mahad celinayaa idiris muxumdad sacad oo ah wiilkii ku hagar bixiyay gacantiisa horumarka boon waxaan leehay oon aad xunuhay hadaan nahay ardayda dhigata dugsiga sare ee boon hala galo sidii loo gaadhsiinlaha heer qaaliya waxaan balan ku qaadaynaa hadaan nahay ardayda dhigata dugsiga inaan hamiga siinayno inuu ilaahay waxba noo waayin awna baabi in dugsigayagu insha alla waxaan leehay waxaan umahad celinayaaa macalimiinta dugsiga sare ee boon iyo maamulka mukhtaar muumin caateeye iyo waliba maamulka degmada boon waxaan leehay waxkastaba ilaahy khayr haka dhigo by mahad irije cabdilahi oo ah arday udhashay degmada boon byyyyyyyyy waxaan leehay wad salaaman tihiin wixii ku aftirsada magaca islaamka iyo waliba magaca degmada boon soley

    mahad irije cabdilaahi - January 12, 2010 8:15 pm

Leave a comment
Name (required)
Mail (will not be published) (required)
Website

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Plugin by: Free Online Movies