Digniin culus:Jaaliyad JSL Germany oo reer Awdal uga digaysa koox qawlaysato koonfurta somaliya ah oo Borama kusugan
Miyaan Geedi Baabow Arladu Gelina Waayaynin!.
![]()
Digniintani waxay kuwajahan tahay dhamaan muwaadiniinta Somaliland ee jooga gudaha dalka,khaasatan masuuliyiinta xukuumada oo xil weyni kasaaran yahay inay sigaara ula socdaan ishana ugu hayaan,shakhsiyaadka usoo tafa xaytay inay Somaliland ee dadkeeda ula yimaadaan khayaali iyo riwaayado salka kuhaya in aakhirka loo adeegsado in lagu baadho dadka sidii mashruucyadii faraha badnaa ee hore loogu waxyeeleeyey ama hantidooda loogu dhacay hanti ay muwaadiniini sixalaal ah kushaqaysteen sida kii lamagac baxay jiif oo jag oo lawada og yahay heerka khasaare ee uu dadkaa u geystey.
Sidaa aawadeed waxaanu hadaanu nahay Jahliyada Somaliland ee dalka Jarmalka kadigaynaa koox u dhalatay Somalia oo uu horkacayey nin layidhaahdo Ibraahim Cali…..kana soo kicitimay Germany magaalada Frankfurt oo sheegtay inuu yahay nin dhakhtar ah oo wax weyn kaqaban doona adeegyada caafimaad ee gobolka Awdal,ninkaas oo ku andacooday hadalada noocan ahna u gudbiyey qaar kamida saxaafada sida hadaladan oo kale:waxuu sheegay inay baahiyo balaaran ka jiraan gobalka Awdal dhinaca Caafimaadka, waxuuna sheegay inuu soo helay xog buuxda oo ku aadan baahiyaha Caafimaad ee jira, waxuuna hoosta ka xariiqay inuu ku dadaali doono sidii loo dabooli lahaa baahiyaha jira.Ugu dambeyntii waxuu yiri Ibraahim Cali Xasan “Danyar Daryeel waxey baahiyaha jira u gudbin doontaa Isbitaalada waa weyn ee dalka aan degnaa muddo 21-sanno ah ee Germany iyo waliba dowlada Germany, waxaana ku dadaalayaa sannadkaan dhexdiisa inaan inta badan daboolno baahiyaha dhinaca Caafimaad ee Borama ka jira Insha Allaha”.
Waxaa wax aad loola yaabo ah awoodaha uu ninkaasi sheegtay iyo waxa uu yahay shaqsiyan oo aan haba yaraatee meesha wada qaban,balse ah oo keliya khayaano cad oo laga leeyahay ujeedooyin mustaqbalka loogu sii gogol xaadhayo in lagu dhaco oo ay siwada jir ah usoo maleegeen qaar kamida webseityo laga leeyahay Somalia,shaqsiyaad kahawlgala Tv-ga universal iyo kooxda uu ninkani horkacayo,oo aanu sibuuxda uga dheregsanahay hadaanu nahay Jahliyada Somaliland ee Germany shirqoolkan loo maleegayo dalkayaga.
Ugu horayn waa maxay mashruuca uu ninkani sheegtay ee lamagac baxay danyar daryeel ?.
Xaqiiqda jirtaa waxay tahay in magacani yahay dad aan tiro ahaan kabadnayn shan qof oo furtay webseite waxa lagu qoray aad uga fogyahay xaqiiqda loona samaystay in dadka bukaanka ah ee germany imanaya si arxan daro ah loogu baadho iyadoo wax ay xeerinayaana haba yaraatee aanay jirin iyadoo loo balan qaadayo adeegyo qayral caadi ah marka qofku dalka yimaadana loo dhaco si anshaxa bani aadamka kabaxsan,marka ruuxa bukaan socodka ah shilinka ugu dambeeya laga qaadana cidla lagaga dhaqaaqo,arintaasina ay boqolaal jeer soo noq-noqotay.Dhibaatadaas oo hadeer siweyn utaabatay dad fara badan oo ay soo lugooyeen xayeysiisyada ay usameeyaan kooxdan budhcada ah qaar kamida webseityo somalia laga leeyahay iyo tv-ga universal oo isna siweyn uga qayb qaatay hadimooyinkaa loo geystey dadka masaakiinta ah ee ciirsiga soo moodey qaar kamid ah dadkaasi dhawaan ay furi doonaan dacwooyin kadhan ah kooxdan iyo qaabka aay ula dhaqmeen.
Waa kuma Ibraahim Cali heerkeebayse gaadhsiisan tahay aqoontiisa Waxbarasho?.
ibraahin Cali wuxuu dalaka jarmalka soo galay bilowgii sagaashanaadkii ,majirin haba yaraatee waxbarasho heerkay doontaba ha ahaatee oo uu ka bartay dalka jarmalka,xataa heer dugsi sarena alla haka dhigee,waxa keliya ee la ogyahay ee uu in sanado kooban ah kashaqaynayey waxay ahayd isagoo mar ahaa shaqaalaha boosta ee kala shaandheeya waraaqahu jihooyinka ay ukala socdaan,cidii wixii aan intaa ahayn uhaysa iyo hadii uu isagu ku andacoonayo inuu horumar kasamayeey Jarmalka markhaatigeedu waa cad yahay.
Iskusoo wada duuboo majirto haba yaraatee wax uu ninkan darajooyinka badan ee weji gabaxa ku ah dadkii uu lakulmay sheegtay uu kasoo noqday germany iyo wax awooda oo uu uleeyahay waxyaalahan faraha badan iyo adeegyadan uu kafulin doono gobolka awdal ee uu sheegtay.
Ujeedada keliya ee laga leeyahay barnaamijkanina waxay tahay:
1:In uu jaanis u helo been abuurka uu ku caan baxay ugana faa’iidaysto isagoo isla soo sawiraya dadka magaca iyo maamuuska weyn kuleh JSL sida hadaba kadhacday gobolka Awdal si hadhowto loogu adeegsado sawirada dadkaas ciwaana looga dhigto inuu lasoo shaqeeyey dadkaas waxqabadyo adeegna kasoo fuliyey goobahaas.
2:In loo balan qaado dadka hantida haysta balse aan awoodin inay helaan fiisayaal ay caafimaad ugu tagaan debedaha kadibna laga hor marsado hanti lahubo inaanay dib u arki doonin sida horaba ninkani uga sameeyey Nairobi iyo meelo kaleba.
3:In kambaniyada iyo Dhakhtarada gaarka loo leeyahay iyagana adeegyo noocaas oo kale ah loo sheego sida waxaanu idiin keeni doonaa qalab ka casriyaysan kan ay ahada isticmaalaan iyo wax lamida.
Hadaba ka jaaliyaad ahaan waxaanu dalbanaynaa in ninkan iyo kooxda qawlaysatada ah ee uu hormoodka u yahayba sida ugu dhaqsaha badan hawshooda budhcadnimo loosoo afjaro sida ugu dhaqsaha badana dalka looga masaafuriyo,kahor inta aanu geysan sumcad xumo dalka iyo dadkaba ah,loona baajiyo fal budhcadnimo farsamaysan ah sidii kuwii hore inoo soo maray ee ay kamid ahaayeen Jiif oo Jaq,iyo Doolarka madow,hadii kale waxaan shaki kujirin in maalin aan fogayn laqoomamayn doono khasaaraha dhaqaale iyo mud sumcadeed ee ina soo wajaha.
Allaa mahad leh.
Jaaliyada Somaliland ee Germany
somalilandvereindeutschland@googlemail.com
kkkkkk walee isaaqu bud iyo tooray ayuu la hortaagan yahay horumarinta umada ku dhaqan,dhulwaanaha ADAL state waa sidii ina cigaal uga masaafuriyay,lamaanihii rabay inaay wax ka qabtaan dayac tirna ka sameeyaan,dakada umada samaroon isla markaana ah caasimada beeshan reer,sheekh samaroon.markaa waxan leehay dadka waxan soo qoray wax reer ADAL ahi kuma jiraan ,ee waa iidoorkan hoogayaga ka shaqaaynaya,ee yaan la dhegaaysan.
wiil aadan yoonis - January 24, 2010 4:27 pm
waa laa iska qabaan wiixi isku daya inaay shacabka reer awdal raba inay caqaladeeyan kana yeeli mayino waxasi wax dhici karo mahaa walaalyal wanad mahad santihiin
dheeman - January 24, 2010 7:14 pm