Dawlada Jabuuti oo xilweyn iska saartey kobcinta goobaha dalxiiska loo tago

01/31/2010 5:56:00 PM

Djibouti(Saylac Media) Dhaqaale aad u laxaadbadan ayey dawlada Jabuuti saartey dhinaca dayactirka iyo dhismaha goobaha dalxiiska loo tago ee dalka Jabuuti. Qorshaha dawlada ee horumarinta dhinaca dalxiiska gobolada Arta ayaa waxa uu suuro galiyey in dhul baaxadiisu weyn tahay laga dhisay meelaha lagu nasto ee dhawrka habeen loo dhaxo iyadoo dalxiiska lagu gudo jiro . Sidoo kale dawlada Jabuuti waxay bilawday in Ugaadha wadanka la daryeelo iyadoo loo sameeyey meelo soo jiidan karta ugaadha dalka si dalxiisku u kordho.

Taniyo markii ciidamada dalka maraykanku fadhiisimo ka samaysteen dalka Jabuuti waxa laba laambay dalxiiska dalka ay ku imanayaan dadka reer yurub oo badankiisu hada ka hor tagi jirey dalalka Carabta lakiin mudooyinkan danbe cabsi argagixiso darteed ka gaabsaday inay u socdaalaan dalalka Carabta.

Dawlada Faransiiska oo ay heshiis saaxiibtimo oo rasmi ah leeyihiin dalka Jabuuti ayaa waxay bilawday dayactir dhinac dalxiiska dalka Jabuuti waxana jira sharikado dalka France ka yimaad oo dhinaca horumarinta goobaha dalxiiska ka caawiya dalka Jabuuti.
Dalka Jabuuti ma laha dhul aad u balaadhan oo dalxiiska ku haboon, lakiin dadaalka dawladu u gashay horumarinta goobaha dalxiiska ayaa suuro galiyey in durba wadanku yeesho goobo dalxiis oo dadka ajanabiga ah ee aduunka dalxiiska u taga soo jiitey.

Osman Hussein
Djibouti


Comments

  1. Ismail omer gele cadowgaagu hajabo.

    Qaadiro - February 1, 2010 9:50 pm

Leave a comment
Name (required)
Mail (will not be published) (required)
Website

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Plugin by: Free Online Movies