Daawo:Magaalada Carta ee dalka Jabuuti oo dadka degani shegeen in badu kusoo durkayso dhismaha magaalada .

01/15/2010 9:36:00 PM

Carta(Saylac.com)- Isbedelka Cimilada aduunka ayaa saamayn weyn ku yeeshay wadanka Jabuuti oo dadka ku dhaqani ay ka cabanayaan in biyaha badu ku soo sinqayaan meelaha dadku horey u degi jireen.

Hadaba saylac.com  baryahanba socdaal hawleed ku gudo jirta xaqiiq raadiska isbedelka cimiladu ku yeelatey wadanka Jabuuti oo aanu ka waraysaney dadyow kala duwan oo ku kala dhaqan magaalo madaxda Jabuuti iyo magaalooyinka kale ee waaweyn sida Carta ayaa waxay dadka ku dhaqani noo sheegeen in shan sano kahor meelo badan oo bari ahaayi hadda ay biyuhu ka hor mareen .

Magaalada Carta oo k utaala  dhul buuraley ah ayaa waxa aanu ka waraysanay  Cabdicasiis  Guure oo ku dhaqan magaalada Carta mudo badana ku gudo jirey kaluumaysiga waxaanu noo sheegay in isbedelka cimaladu ay tahay dhab  waayo ayuu yidhi “Shan sano ka hor meelo badan oo bari ahaa ayaad maanta arkaysaa in biyuhu korka mareen.

Dhinaca kale shir dhawaan ay dawladaha caalamku iskugu yimaadeen shirweyne lagaga hadlayey sidii la iskaga kaashan lahaa waxka kaqabadka isbedelka cimilada aduunka ayaa waxa ka qayb galay wafti heer sare ah oo ka kala socday Jasiiradaha caalamka ku kala baahsan iyadoo dhinaca dalka Jabuuti sidoo kale wafti  heer qaran ah ay u dirsatey shirweynahaas.
Isbedelka cimilada aduunka ayaa khuburada caalamku ay sheegeen in uu sababay in dhulgariiro iyo duufaaco nuuca sunaamiga loo yaqaani ay ka dhasheen tani oo maanta uu  Jasiirada Haiti ay la ildaran yihiin ka dib markii dhawr sano gudahood ay soo wajaheen dhulgariiryo iyo duufaaco aan horey loo arag .

Dawlada Jabuuti ayaa ku talo jirta inay dardar galiso cilmi baadhis weyn oo dhinaca isbedelka cimilada dalka Jabuuti waxana la sheegay in arinkani ka danbeeyey shirweynihii caalamiga ee isbedelka cimilada lagaga hadlayey oo dalalka ay arintani sida ba’an u khusayso loo soo bandhigay inay taxadir weyn muujiyaan.

Saylac.com
Carta – Djibouti


Leave a comment
Name (required)
Mail (will not be published) (required)
Website

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Plugin by: Free Online Movies