Daawo :Warshadii ugu horeysay ee sabuunta iyo Kiriimyada samaysay oo laga dhisay Borama
Boorama(saylac.com) Warshada Sabuunta iyo Kiriimyada ama labeenta dadku jidkooda mariyaan ayaa laga guray maanta magaalada Borama . Mulkiilaha warshada Mudane Maxamed cabdilaahi Yoonis (Maxamed talyaani) oo ah aqoon yahanka aas aasay fikirka aqoonta iyo hantida inta badan ayaa ka war bixinaya qaabka iyo sida warshadu u shaqayso.
Warashada oo laga dhisay duleedka
Jaamacada Camuud ayaa waxa furitaanka Warshada ka qayb galay wasiirka warshadaha Maxamed cali ubaxle, wasiirka qorshaynta cali sanyare iyo wasiirka warfaafinta Axmed Haaji daahir iyo Madaxda Gobolka Awdal iyo Degmooyinka iyo dhamaan qabayaha Bushada reer Awdal gudo iyo dibadba >> DHEGAYSO MUNAASIBADA XAFLADA OO DHAMAYSTIRAN >> QAYBTA 2AAD HALKAN KA DHEGAYSO >.>QAYBTA 3AAD DHEGAYSO
Ugu horayn waxa furay hadalka aas aasaha warshada Maxamed cabdilaahi yoonis oo ka warbixiyey fikirkani sida uu ugu dhashay iyo siyaabaha ay warshadu u shaqayn doonto. Waxa kale oo Mikrofoonka iskaga kala danbeeyey Sheekh Cabdilaahi sheekh Cali jowhar. Sul. C/raxmaan Jaamac dhawal. sadexda wasiir Xubanaha Qurba Jooga iyo Marti sharaf kale oo maanta ka soo qayb galay Munaasibada furitaanka warshada Cusub .waxana soo xidhay xaflada wasiirka warshadaha soomaliland Maxamed cali Ubaxle.wasiirka oo shahaado gudoon siisay aas aasaha warshada cusub Aqoonyahan maxamed cabdilaahi yoonis
Warshadan ayaa waxay noqon doontaa warshadii ugu horeysay ee nuucan ah ee laga dhiso gobolka Awdal
Hadaba sidaad nooga barateen naga dhegaysta hadaladii laga soo jeediyey





Maashaa alaah Hambalyo hambalyo
Hadii aanu nahay dhamaan Qurbe jooga reer Awdal iyo selel
waxa aanu si diiran u Hambalyaynaynaa Halyaygaa sida hagarla aanta ah ugu huray hantidiisa dhulkiisa hooyo ee ay uga aayi doonaan umada kalena
Waxan leehanahy waa arin ku dayasho mudan inabadan
Haybad waxaku leedahay dhulkaaga hooyo
Waana lama Huraankee hagar li i wax ugu qabo
Hantiyeey macaan waa midaan Hooy lagaa odhan
Hambalyo markale Prof Mohamed Talyaaani
khadar - January 28, 2010 10:46 pm
yasaam tahniyad auyaan uduraynaa muwaadanika reer awdal ee dalkiisa iyo iyo gobolkiisa iyo dadkiisa siay camal uga helaan ugadhisay boorama waxaa kudayasho mudan lacaglayaasha reer awdal iyo qurba jooga ku odhanaaya boorama bobaleshin male eehargaysay ku fiican tahy waxkasti adeer taa ilooba oo dhulkiina wax uhura waxa boorama lahu sameeyo hargaysa iyo somali lan ayaa ubaahan iyo somalaaliya ee si ay umadiinu shaqo uhelaan waa9inaad wax garataaan ood u hurtaaan si manaafacaadka dhalin tiinu iyo dd adkiinu b au ayo……………..
haybe - January 29, 2010 5:52 am
maashaa alaah Guul Guul
wiillughaya - January 29, 2010 1:55 pm
maaashaa alaaha alaha usiyaadiyo muwaadinka maanta dalkiisa hooyo hurumarka uhorseeday waxan leehay inta kale ee haysata een kalsooni ka maqantahay arka tusaalaha dr.maxamed .
Bulshada awdal,salal iyo gabiilay waxanleehay waa in lalshaqeeyaa warshad waa in la iska madnuucaa la laabada kale ee lamidka ah ee laga keenayo dalka kale waa takaliya een kula shaqayankarano,
markale dee waxan lee hay geedaha lagasamaynaayo lagu caawiyo tabaruc,
jaliyada europe ee (awdal,salal iyo gabiilay samaroon)
xasan - January 29, 2010 2:55 pm
MANSHA ALLAH waa nimcad ama hurmar oo gobalka awdal gadhay waxan leeyahay sidaas u wada waxana aan u mahad celinyaa dadkii maalka gashaday iyo kikirkaba ee jeclaaday inaa ay hantidooda gashadaan gobalkooga aad iyo aad ayaa u mahadsanyihin waxa kale oo ay tani tusaysaa dadka kale ee ee banka lacagaha ku kaydsad aduunku waa laba cisho ee dalkaaga gasho maal kagama baahna dalkaad ku nooshahay waayo dadkiisa oo cadaan ah ayaa u nool ee dalkaaga ayaa ku bahan ee maal gasho
saalax maxamed mungaani - January 29, 2010 5:40 pm
maashaa ALLAH maxamed talyaani cimrigiisa ALLA dheereeyo waxaa loo baahan yahay garacsatada kale ee lacagta gosha galiyayna inay soo saaran oo ay umada shaqo ugu abuuran
hambalyo
Mawlid - January 29, 2010 7:43 pm
waa talaabo wanaagsan oo wax tar leh hana lagu daydo dhamaan qurba jooga reer awdal iyo salal
many thanks mr talyaani
collow - January 29, 2010 8:09 pm
Waar yaadhaheen, Warshadani ma tii u horaysay ee Awdal yeelataa. cajab, dadku miyay seexdeen mise jeebkoodaa halkaa dhigay.
Magaalda Burco waxaa ka furan laba washadoodo oo saabuunta ah, laba hilibka ah, saddex biyaha sifeeye sida Maaxda noocaa layidhaa eed dukaanada ku aragteen, iyo ta hargaha. intaa waxaa dheer shan shirkadood oo isgaadhsoon ah.
Hargeisa maxaad u malayn lahayd???
Hargeisa warshado badan ayaa laga dhisay laakiin qaarbadan ayaa iridaha loo xidhay maxaa yeelay lama samayn sahan ama assessment sida tan daqiiqda oo markii la rakibay qamadi looga doonay Jigjiga lagana soo waayay amount kii loo baahnaa. haddii ka hor la qiimayn lahaa waxaa suuroobi lahayn inay beer samaystaan ay qamadi ka beertaan.
Waar ragaa dibadaha lacagaha dhiganaayoow usoo jeesta dalkiina yaan bangiyada aad lacagaha dhigataan idinka freeze garayne.
Maydhane Dhaqane
Maydhane Daqane - January 30, 2010 6:09 am
waxaan qurba jooga reer awdal ugu baaqayaa in ay soo maalgashaan gobolkod awdal ayna ka samystaan hanti ma guurta ayna uga faa ideeyaan walalahooda shaqo la aanta la fadhiya gidaarada ama lajiifa guryaha taasi waxay waxka qabankartaa nolasha dadyowbadan oo bilaa shaqo ah maanta oo aan camal hayn magalada waxay soo galinaysaa dhaaqaale badan maalgashadaha waxaan leeyahy lacagta aad yurub ka raadinaysaa wadanka ayay taal ee kaalay waxka qabso
muntaari daud kalinle
Musafe - January 31, 2010 8:41 am
mansha allaa guul guul
siyad maxamud farah - January 31, 2010 1:53 pm
MAANSHAA ALLAAH
SAMAROON SICIID SAREEDA WARSHAD BUU SAMAYSTAY SARUURA
KU WADA TOLKAYOOW WALIBA 80 WARSHADOOD GAADHSIIYA IYO KA BADAN..
waaaaaaaah - February 1, 2010 6:22 pm