Ayaan daranaa Dilla ma dadkeedii ayaa dayacay by/Yusuf Ali
Marka hore waxaan salaan u dirayaa dhamaan bahda saylacnews oo iyagu ah muraayada bulshadu iska dhex aragto ,markastena soo gudbisa dhibaatada haysata qaar ka mid ah bulshada Somaliyeed meelkaste oo ay joogaan ,waxaan dhagaystay waraysi ay saylacnews la yeelatay gudoomiyaha degmada dilla Maxmed Aw Abdi(masdowyaal)anigoo taasi ka tixraacaya ayaan waxaan uga mahadnaqaya saylacnews garowshiyahaasi shaqada iskaa u qabso ee ay bulshada u hayaan waxaanan ilahay idiinka rajaynayaa inuu idinku garab galo howshaasi aad bulshada u haysaan.
marlaad waxaa si gaara uga mahadcelinayaa wariye jirde oo isagu ah muwaadin reer Dillaad ah oo dhibta haysata mushtamaca reer dillaad marwalba la wadaaga ,waxaanan jirde leedahay waad ku mahadsan tahay sida sharafta leh ee aad u tustay qurba jooga deegaanadaasi inay wax qabsadaan oo ay ka soo jawaabaan codsiga duqa degmada.
Mar saddexaadka waxaan baaq u dirayaa dhamaan bulshowaynta Adal meelkaste oo ay joogaan inay caawiyaal wiilkaa yar ee maskaxdii dibada soo taalo ee wadanka gudihiisa waxba loogu qaban kari waayay , waxaanan dhamaan ururada qurba jooga ,waxgaradka ,aqoonyadanada ,dhalinyarta ,haweenka reer Adal marklaad leeyahay waa in si deg dega loogu gurmada sidii noloshiida loo badbaadin lahaa wiilkaasi yar (ilahay ayaa wax badbaadiyada hadana dadlaal ayaa la inooga baahan yahay).
mar afraadka waxaan halkan dhaliil dusha uga tuurayaa maamulka degmada dilla oo aan u arko inay meesha iska fadhfadhiyaan oo ay garan la yihiin meel ay u dhaqaaqaan iyo wax ay sameeyaan , ma aqoon daribaa , ma karti daribaa , mise kas bay sidan ka tagay.
waxaa la gaadhay wakhtigii ay reer dillaad kula xisaabtami lahaayeen maamulkaasi tamarta daren ee degmada loo dhiiban haatan oo laga jooga muda sanad ku dhow.
Waxaan la soconaa in in dilla ahayd magaalooyinka gobolka awdal ugu xadaarsanaa wakhtiyadii dowladdii siyaad bare ,dilla iyo gabilay ayaa waxay ahayeen labo magaalo oo aad u tartami jiray dhinaca ganacsiga iyo wax soosarka beeraha , maanta gabilay waxa maraysaa heer jaamacado iyo heer gobolnimo, waxaanan u jeednaa horumarka kala duwan ee ay maanta marayso, waxaan ognahay in dowladu gacan wayn ku lahayd dib u dhiska magaalada gabiley oo aan ogayn in caawimadii ugu dambaysa ee dhakhtarku inay dowaladu gacan libaax leh ku lahayd.
hadaba dilla dadka jooga ama maamulka hayaa ma kuwa dadka iyo dawlada waxba waydiisan karibaa mise? oo maalinta loo yimaadana hadal madhan iyo reer magaalinimo codka laga qaataa mise codkooda ayay ku gorgortamayaan sida reer gabilay. waxaan ognahay reer gabiley inay daahir hor dhigeen afar qodob si ay codkooda u siiyaan, afartaa qodob waxay kala ahaayeen.
1.in xarunta ganacsiga ee harta sheekha loo soo raro tuulada wajaale.
2.in airport kalabaydh dib loo furo si ay howsha ganacsiga ee wajaale u noqodo mid taabo gal ah,ka dibna airport magaalada borama uu xidhmo.
3.in gobol loo magacaabo degmada gabiley.
4.in dhulkii marshuucii ceelbardaale oo ag 90km square ah lagu daro gobolka ka gabiley , iyo waliba magaalooyinka ay ka mid yihiin lughaya, calixaydh, caada, dhulkaasi oo ah xuduntii samaroon, u jeedadu tahay sidii gabiley xeeb loogu heli lahaa.
Dhamaan qodobadaasi waa wada hirgaliyay daahir riyaale marka laga reebo ceelbardaale.
oo isaga qarka u saaran yahay inuu saaxeexo, waayo sacad muuse oo dhan ayaa waxay u sheeg daahir rayaale inuuna wax taageero ha helay ilaa uu saxeexo qodobkaasi,
hadaba ma la odhan karaa daahir markii ay reer gabilay dantoodii ka gaadheen ayay maanta cidlo kaga tageen.
daahir rayaale oo la waydiiyay sobobta uu gobolka u siiyay reer gabiley ayaa wuxuu ku jawaabay?
mucaarid ayaa ku olalayn jiray gobol ayaan idin siinayaa,anigoo siin kara gobolnimada muxuu nin mucaarid ah oo waxba hayn gobol siin, sidaasi dareedeen ayaan anigu u siiyay gobol reer gabiley.
marka dhinaca reer gabiley laga tago tani waxay dhabar jab ku noqotay beesha reer dillaad ee ay dhul muraneedku ka dhexeeyo reer gabilay.
Hadaba isagoo daahir sidaasi uga dadaalaya reer gabilay ayaa waxaa la garanayn sobabta keentay in maanta dilla biyo la,aan iyo nolol aad u adag ay ku jiraan dadkan reer dilaad ee gaajada iyo dheregaba ku taaageera xukuumada riyaale.
wakhtigaasi riyaale xukunka hayay oo muda 8 sanadood ah ayay reer dillaad ku helin wax taakulayn ah oo dhinaca bulshada ah.iyadoo wali reer dilaad ka soo kaban dagaaladii sokeeye ee ka dhacay deegaankaasi.
Hadaba ma laga yaabaa in dadka reer dilaad isbedel diyaar u yihiin inay bal ka diga rogtaan rayaale iyo xukuumadiisa ayaa waxay dadka qaar leeyihiin waxaa dhici karta in reer dilaad go,aankoodu meel yaahay lana ogaan doono dhawaan marka ay bilaabmaan doorashooyinku.
dhinaca kale waxaa dhawaan madaxwayne riyaale u magacaaba jadadii uu ka geeriyooday ala ha u naxariistee halyaykii Marxuun Qaasim sh Yuusuf oo ahaa wasiirkii macdanta iyo biyaha.
jagadaasi oo uu buuxiyay Cisman Shekh Abdi oo hore uga mid ahaa shaqaalaha madaxtooyada Jamhuuriyada somaliland, inkastoo aan shaaca laga qaadin shaqada uu ka yahay madaxtooyada ,basle hadana waxa uu ka mid ahaa raga aad ugu dhawaa madaxwaynaha riyaale inta badan ku wahelin jiray safarada dibada.
Waxaa iyagu markiiba aragti kala duwan ka bixiyay dadwaynaha reer dilaad dibad iyo gudaba. kuma tilmaanay jagadaasi mid uu daahir riyaale ku darsaday mansabkiisii wadaxwaynenimo oo ay beesha reer nuur uga fadhidu in uu magacaaba nin kale oo isagu banaanka ka ah madaxtooyada, waayo dad badan ayaa u arkayay jagada uu hayay cismaan inay kaba waynayd tan wasiirka isla markaasi quruxbadnayd in uu daahir u magacaabo shaqsi kale .
basle u jeedada uu daahir riyaale u doortay inuu u magacaabo cisman shekh abdi oo lagu tilmaamay in uu cismaan yahay wiil ku soo barbaaaray madaxtooyada isla markaasi daahir ku kalsoon yahay oo waxwalba siday tahay uga warbixinaya.basle siyaasi kale oo beesha reer nuur ah oo yimaadaa aanay daahir wax faaiido leh aanay u keenayn.waxaana jiray siyaasiyiin markiiba iyagu xusulduub ugu jiray sidii ay jagaasi u heli lahaayeen, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen, xil.garaad, faarax wajer,iyo Ina xaaji xirsi.
dhinaca macaaridka oo ayaa iyada la sheekay inay ka mid ahaayeen Prof.Aar iyo Xasan xuseen walow uu si kulul u beeniyay Prof. Aar oo arintaasi isagu ka jawaabay, una sheegay daahir iyo ergaydiisii inuu tacsi u taalo balse aanay wax xil ahi aanay meesha oolin.
dhinaca kale waxaa jiray shirar u socday odayaasha iyo aqooyadanada beesha reer nuur sidii ay uga tashan lahaayeen cida ay jagadaasi loo qoondeeyay , shaqsiyaad shirkaasi goobjoog ka ahaa oo diiday in magacooda la sheego ayaa sheegay in go,aamadii shirkaasi ka soo baxay ay ka mid ahaayeen in la isku raacay in xilkaasi uu qabto Aqoonyahay Abdilaahi Hasan oo ay ilmaadeer yihiin Marxuum Qaasim Allah ha u naxariistee.
Abdilaahi ayaa wuxuu ka mid ahaa ragii la soo shaqeeyay dawladdii siyaad bare isagoo ahaa XISAABIYIHII KASTAMDA GOBOLADA WAQOOYI WAKHTIGII DAWLADII SIYAAD BARE,kana mid ahaa aqoonyahanadii ka soo baxay jaamadadii lafoole., markii ay odayadii Reer Nuur go,aankaasi ula tageen madaxwayne riyaale ayuu ka aqbalay, basle aroortii dambe ayuubay ka warheliin magacaabista Cisman Shekh Abdi.
taasina waxay ka hadhaysiisay balantii uu u qaaday odayada reer nuur, walow markii dambe arinta la soo dhex galay oo ay degtay, wuxuuna madaxawaynu ka codsaday odayada inay la shaqeeyaan cisman.
hadaba su,aashu waxay tahay taageero intee leeg ayuu cisman ka heli karaa beeshiisii?
tani markii uu saaxada siyaasada soo galay prof:Aar oo ah nin sumcad wayn ku leh bulshada reer Somaliland,tani markii uu cadeeyay inuu ku beeray siyaasada gaar ahaan xisbiga kulmiye , waxaa aad u soo badanayay taageerayaasha xisbiga kulmiye iyo isbedel doona oo sii badanayay.wuxuu dhulgariir ku riday xibigii Udub iyo taageerayaashiisii,wuxuu sidoo kale abuuray jawi siyaasadeed oo cusub oo ay umada reer ADAL u iftiimay, waxana Prof.Aar lagu tiriyaa inuu ka dambeeyay geeridii siyaasadeed ee ku dhacday Abdirahman Aw Ali oo u tartamayay masabka jagada madaxwayne ku xigeenka xisbiga kulmiye, ka dib markii uu codkiisii siiyay siyaasi firfircoon oo uu u arkay inuu isbedel u keeni karo umada reer ADAL.
Markii ay sidaasi dhacday waxaa madashii jirka ka baxay Abdirahman Aw Ali iyo xulafadiisii iyagoo ilaa maanta ku maqan cadhadii. Taasina waxay suuro galisay in uu qabsoomo shirwaynihii xisbiga kulmiye oo markaasi ka socda magaalada burco.Prof Aar oo lahaa sobobta qarsoomida shirkaasi inuu ku dhamaado farxad iyo jawe wanaagsana waxaana madashii laga garowsaday oo fartana lagu fiiqay Amaan iyo garowshiyo loo soo jeediyay Prof. Aar inuu suurogaliyay mudhihii halkaasi ka soo baxay. Hadaba marka la isberberdhigo labada siyaasi ayaa dadka qaar leeyihiin cisman mudaddii uu joogay madaxtooyada oo aanu habayareetee degmada dilla dib u soo eegin maanta oo uu wasiir yahayna iska dhaaf hadalkiisa, inkastoo ay dadka qaar aamisan yihiin inuu firfircooni iyo howlkarnimo la iman doono maadaama uu hada hayo xil wasaaradeed.
Cismaan ayaa wuxuu ka mid ahaa dadka inta badan laga soo amri jiray madaxtooyada si uu u soo afduubo odayada iyo suldaanada si ay u beeniyaan hadalo ama shirar mucaarid ku sheegeen inay ka baxeen Xisbiga UDUB.taasi oo meesha ka saaraysa sidii uu cismaan ula jaanqaadi lahaa bulashada uu masuulka ka wada yahay iyada oo ay jiraan cadaawac hoose oo ay u qabaan cismaan, taasi waxay ina tusaysaa inaanay cismaan meesha u oolin wax uu la horyimaado tolkiis.
Marka la eego Prof: Aar oo ah siyaasaga mucaaridnimada isaga soo horjeedaan cismaan, ayaa ah nin ka dunwayn oo kana tol iyo taageero badan maanta cismaan, marka aan eegno waxyaabo badan, marka aan eego dhinaca waxqabad la,aanta xukuumada riyale oo aan haba yareetee iska indha tirtay degmada Dilla, Degmada dilla oo ay dadkeedii u qarxeen xeryadaha itoobiya wakhtigii dagaaladii sokeeye ayaa wali waxay ku sugan yihiin xeryihiin markii ay waayeen wax ay ku soo laabtaan , daryeel la,aanta haysata bulshada reer dillaad halka dadkii ku jiray xeryaha qaxootiga hartasheekha iyo meelaha kale ay xukuumada u diyaarisay guryo fiilo ah oo ay dhiseen wadamada jarmalka iyo japan.
Maxaa u diiday xukuumada inay borama iyo dilla dadkeeda uga dhisto dhisto guryahaasi oo kale, miyaanay xukuumada xil ka wadasaarnay dadka hargaysa iyo dilla ku nool oo aanay ka wada masuul ahayn,baahida hargaysa taalaa borama mayna oolin,arimahaasi oo dhan markaad eegto dadwaynihii waxay garowsadeen waxqabad la,aanta xukuumada riyaale,waxayna mucaaridku fursad u heleen inay dadwaynaha ka dhaadhiciyaan in isbedel loo baahan yaahay,
taasi oo ay oo ku iman karta in gacmaha la is qabsado labna taageero xisbiyada isbedeldoonka.
reer dillaad waxaa leeyahay isku tashada oo ka tashada riyaale xukunkiisa dhulboob ah,
waxaana iloo balan ah inaan ka wada shaqayno sidii degmada dilla horumarkeeda looga wada shaqayn lahaa, QURBA JOOGA REER DILAADNA WAXAAN LEEDAHAY DALKII IYO DADKIINII DIB U SOO FIIRIYA oo ka qayb qaata horumarka degmada,
Yusuf Ali
London,UK
kkkkkkkkkkkkk Ninkaan sii daba jooga nijaar Saylici waxba ma yeelikaro Mujaahid C/raxmaan Awcali hadii uu wax samayn karayo
Pro Aare nijaar sayliciba farta umuu taageen taasina waa ta inoo sheegaysamiisaan yarida pro.Aare waan filaayey pro Aare inuu u tar tamo jagada madaxweyne ku xigeenka maananse filaynin inuu farta u taago
foorman saylici waana nasiibdaro inaad ninka awoodaasle aad tidhaahdid Mujaahid C/raxmaanbuu wax yeeley waxaana loo yaqaanaa
pro.Aare ninkii ugu damiirka xumaa dadkii kasoo qaybgalay shirkii burco waayo muuna lahaynba masiirka mansab waxaaba ka maqan damaca siyaasi markaa Pro Aare naftiisana uma roona reerkiisana hadalkiiba daa
rooble afteem - January 6, 2010 12:45 pm
DAWLADDI MA DAYACIN DILLA IYO GOBOLKA AWDAL
EE REER AWDAL HADDAAN NAHAY INAGAA IS DAYACNAY
Marka hore waxan salaamayaa daadihiyaasha Saylacnews iyo dhamaan bahweynta ku xidhan waxanan jeclaystay inaan halkan ku soo bandhigo hogatusaalayn (wax sheeg) iyo xaqiiqada inaan isku sheegno haddii aan nahay reer Awdal.
Haddii aan iswaydiino dawladda maxay tahay ? anigu fikir ahaan waxan odhan lahaa dawladdu waa shicibka, wax qabadka ugu weyna waxa iska leh shicibka, dawladduna inay taageerto iyaa looga baahanyahay, laakiin haddii aanu shicibkuba diyaar u ahayn wax qabad yaa wax u qabanaya.
Fikradan waxa igu dhaliyey markii aan baadhitaano far badan ku sameeyey bulshadeena, iyo waxyaabaha inag horjooga horumarka Awdal.
Waxa ii soo baxay dhawr arrimood oo u baahan inaan ka tashano sidii aan caqabadahaasi uga gudbi lahayn, waxan mid ah dhibaatooyinka ina hortaaagan.
1. Waxan noqonay beesha kaliya ee lagu tilmaamo Somaliland magaalo kaliya inay degaan (Boorame).
2. Tuulooyinkii oo aan ka soo guurayno una soo guurayno Boorame.
3. Baabuur dhaynayaal ah oo tuulooyinkii wax laga iibsan lahaa ka dhigay waddooyin la iskaga gudbo sida (Dilla, Tulli, Magaala Cad, Qalooc,Gorayo cawl, Degma-Laqas, Quljeed, Boon iwm).
4. Dantii guud iyo wadda tashigii oo meesha ka baxay.
Haddii aan nahay reer Awdal waxa ina hortaagan caqabadaasi aan kor ku soo sheegay iyo kuwo kale oo badan, kamana gudbayno illaa aan ka tashano oo aan fikir midaysan ka yeelano, waayo ummadi haddii aanay tashan meel ma gaadho Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa (Rag waxa u liita Ma tashade, Ma toshe, iyo Ma tashiishe).
Haddii aan tusaale u soo qaadano beelaha kale ee jaarkeena ah, waxan odhan karanaa waa dad isku xidhan oo danta guud ka midaysan, taasina waxa marag ma doon u ah beel waliba maanta way inaga deegaan ballaadhan tahay.
Sidaa darted, haddii aynaan xal degdega ah gaadhin oo aynaan iskugu iman tallo weyn oo lagaga tashanayo aayaha iyo mustaqbalkeena kabteen ma iila.
Tusaale haddii aan idin siiyo waxan u kuur galay sidaan u deganahay dhulka waxad moodaa koronkor meel far la saaro deegaankeena ku hareeraysan Boorame ma laha, haddii ay magaalo tahay iyo haddii ay baadiye tahayba, xataa waxan jirin mustaqbalka meelo dadka lagu aaso, waxana sii xidhmaya waddooyinkii ceelasha looga aroorayey.
Beela Ciisaha haddii aan soo qadano waxad maraysaa 300km ilaa 400km oo aan ciddina deganayn, Beesha Isaaquna waa la mid oo barriga iyo koonfurba waxad ku arkaysaa dhul aan ciddiba deganayn. Taasi waxay muujinaysaa inaan nahay beesha kaliya ee dhul ahaan ugu yar, wxanan odhan karaa taasi inagaa isku soo ururiyanay Boorame iyo inta ku meersan.
Gebagebaddii waxan qaylo dhaan u dirayaa dhamaan waxgaradka, Odayaasha, Cuqaaalada, Dhalinyarada, haweenka iyo Culimada reer Awdal inaan arrintaasi ka tashano oo aan yeelano shirweyne lagaga tashanayo aayaha iyo msutaqbalka beesha.
Waxanan ku talin lahaa inaan samaysano hogaan guud oo beesha hogaamiya sidii uu ahaan jiray dhaqanka guud ee beeshu, iyaddoo laga saarayo qabyaalada iyo arrimaha ragaadiyey beesha oo dhamaanteen aynu markhaati ka nahay.
Waa Qalinkii Eng Maxamed Sh Daahir Qaalib
saylacnews - January 7, 2010 5:36 pm
Yussuf waan idin salaamay adiga iyo kooxdan aad ka u ololeynaysa axsaabta mucaaradka ee reer UK. marlabaad waxaan ku leehay ma maanta ayaad gadabuursi leedahay wax dhisa saw sidii hore uun iidoor u dumin maayo miyaad tidhaahdid heeryadda iska tuur horta. yusuf markii isugu keena dambeysay aad baad u wacnayd ee ma adan dhako iyo baad la misilistay waa sidee xagey wax kaa dhaafee3n, mise reer abtigaa baad ku diganaysaa waa caynkee, ma maanta ayaad leedahay gadabuursaw wax dhisa sawtii balan keenu ahaa horta heeryadda gumeysiga aynu tuuro, mise meeshan uk ninkii tegaba maskaxda ayaa ka bedelanta..
intaa aan kaga baxo canaanta yusuuf oo saaxiibkay ahaa muddo fog, aanse kala baadnay.
guud ahaan gadabuursi waxba uma yaalaan dawlad ku sheegan iidoor kolba biidhi qaate gadabuursi ah inoo magacaabayo, waa taan hore u sheegnay haddii dawlad waqooyi noqo gadabuursi ma ku filan tahay wax ka soo baxaa ama ma kafeyn kartaa waa maya, maxaa inoo diiday dalkii weynaa ee soomaaliyeed een ilaa raskaambooni guuliga , clerks, macalimiinta, askarta, xaisaabiyaha , maamulayaasha aan ka ahayn, mise hadal qabsigan iidoor ee ah madexweyne ama madexweyne ku xigeen baanu gaarsiinay gadabuursi baa in madex martaey, dhankee inoo badnaa inag miyeynaan ku xisaabtamayn walaalayaal,
ma nimankan hadal kay soo qaadaan ba le mujaahidka, ogaw ninka lagu jihaadey waa inaga, dila meesha mujaahidka iidoor lagu magacaabo weeye, ilaa inta gobanimo aan gaadeyno wax aan dhisi doonaa ma jirto ninaan ha ku seexan dhisme ee ku seexo gobanimo doon. is xoreeya horta dhismuhi isagaa iman xiligiisa haddiise aan dhisme bilawno sawtan la ina helay ma ahine.
dhismaha gabiley ee yuusuf soo qaatay way is xoreeyeen baan leehay inagana way ina gumeystaan ee aan sidooda xorawno aan la baxno dawlad awdal ee waqooyiga soomaliweyntii hore ee burburtay…
markaasaanu dhisme bilaabi, hadase iidoor u dhisa caqliga ma gasho yusufaw…….xisbiyadan gadabuursi laga kala soocay ee ku milmeen waa wax la inoogu tallo galay si ayanaan isku afgaran . halaga waantoobo hadaaqan iidoor hana loo noqdo dhisme dawlad gadabuursi sida daroorka iidoor, hawiaytaha iwm… iyeynaan hoos isku dhigin…
iga raali ahaa waan dheereeyey ee. nabad gelyo.
BARKHADLE(WARAABWE-CADDE) - January 9, 2010 2:14 pm