Dhegayso; Saladiinta Beelaha Samaroon oo Borama ku qabtey ay ku cadeenayaan in Sacadiin la iibiyey iyagana loo diiday inay socdaal ku tagaan Sacadadiin
Saladiinta Beesha Samaroon oo ku eedaysay xukumada Somaliland xaraashka sharcidarada ah ee jasiirada Sacadadiin islal markaana sheegay in ciidamada SOmaliland ee Saylac ka horjoogsadeen inay socdaal ku tagaan Sacadadii.
Borama(Saylac.com) Shirjaa’id oo ay saladiin beesha Samaroon ku qabteen Hoteel Rays Borama ayay shaaca kaga qaadeen in socdaal dhawaan ay ku damacsanaayeen inay ku tagaan Jasiirada Sacadadiin ee gobolka Awdal ciidamada somaliland ee xeebta saylac ay ka horjoogsadeen. Saladiinta ayaa shirka jaraa’id ku sheegay in ciidamada saylac ay u sheegeen inay amar buuxa ka haystaan Dahir Rayale amarkaas oo ah inaan Saladiinta Beelaha Samaroon loo ogolaan inay waxka ogaadaan Jasiirada Sacadadiin ee dhawaan Dahir Rayale uu ka xaraashay tijaar reer Hargeysa ah.
Suldaan Cabdi Baade oo ku hadlayey afka saladiin ka kooban ilaa 7 iyo cuqaal kaleba waxa uu sheegay in socdaalkoodii xeebuhu uu ku dhamaaday qadari la’aan ay kala kulmeen ciidamada Xukumada Rayale ee ku sugan saylac . Suldaan Baade ayaa sheegay in doonidii ay u raacilayaaheen Jasiirada Sacadadiin ciidamadu la wareegeen iyagana handidaad iyo cago juglayn ciidamadu u geysteen.
Suldaan Baade ayaa waxa kale oo uu sheegay inkasta oo ayna Sacadadiin cagta saarin hadana inay la kulmeen dadlaashash watey oo Saladiinta uga waramay in foostooyin lagu wareejiyey Jasiirada Sacadadiin iibka la sheegayna uu dhab yahay xukumada Dahir Rayalena lagala xisaabtami doono. Suldaan Baade oo ku hadlayey afka Saladiinta wehelisa ee Beelaha Samaroon ayaa waxa kale oo uu sheegay in mudadii ay joogeen Magaalada Saylac ay kula kulmeen dhalinyaro Beesha Samaroon ah oo ciidamada Somaliland ay si sharci daro ah jeelasha uga buuxiyeen qaar ka tirsana ay jidh dil ku sameeyeen .
Hadaba sidii caadadu inoo ahayd nala dhegaysta hadaladii Saladiinta Beelaha Samaroon ee ay maanta



Waa sax haddii la maal gashaday Sacadiin maxaa ka micna ah,kolay waa dhul horumar loo wado,dhulkana Ciise,Samroon iyo Isaaq waa wada leeyahay,ayaa yidhi Saylac Gadabuursi baa leh,horta ma deagn yahay gadabuursi saylac,waa maya waar hooy yaan been la idiin sheegin meesha waxa iska leh Ciise Maxad-Case waa kuwan hada BOON sheeganaya ,ninkii dhul lihi waa uu ku dagaalama ee car ha ku dagaalaman,oo gadabuursi ha yidhaa waa ina HANA-HAABAN
Wiil-Ciise - December 23, 2009 11:16 pm
Wiil ciise Inan gumeed naga fadhiiso,Gun yahani guntu dhashay waar Dhulkan aad sheegaysid dagaal waad ku qaadan wayday Farsamo waad ku qadan wayday ,waligaana haku seexan hana ku soo tooosin inaad dhul samaroon leeyihiin aad dagtid ciise waraabe ilaa ciise waraabe,
Haaruun Ibraahim - December 24, 2009 1:57 am
Annagoo ah waxgaradka, cushaaqasha, culimaau’diinka, dhallinyarada iyo haweenka ummada samaroon gudo iyo dibedba waxan halkan ku cadeyneynaa inay Saylac tahay dal samaroon oo marnaba an gorgortan iyo iib toona an gali karin. waxanan ugaaska Ciise kula talinaynaa inu ka waantoobo sheegashada u sheeganayo dalkayaga oo aanu marnaba ku soo hambaasin Saylac iyo Sellel toona, haddii taasi ay dhacdana inu isagu mas’uul ka noqon doono cawaaqib xumada meeshaa ka dhalata.
Waxan kaloon Ugaaska uga digaynaa in haddii u soo cago dhigto dhulkaa isagoo caleemo saar u socoda dhibta meeshaa ka dhalata inu xilkeeda isagu dhabarka u ridan doono.
Sida la wada ogsoonyahay, ciisuhu wuxu geed dheer iyo geed gaabanba u koray sidii saylac ay u iibsan lahaayeen. Waxana jirta in wakhtigii dawladii Afweyne ay lacag siiyeen General Gaandi oo walaashi nin ciise ahi qabay si aw Saylac uga iibiyo, arrintaasi markii ay dhicisowdayna haddana Morgan oo markaa Hargeysa haystay ay lacag siiyeen si Saylac aw uga gado, taasina waxay noqotay wax soorbi waayey.
Wakhtigii dagaalada sokeeye ayaa iyaduna waxa dhacdey in calanka jabuuti ciise ay ka taageen lowyacaddo iyo tukhushi iyagoo ku doodaaya in dhulka laga iibiyey waxany keeneen madashii warqado Moorgan iyo Gaandhi lacag kaga qaateen oo arrintaasi ku qoran tahay.
Arrintu si kastaba ha ahaatee, dawladdii Cabdiraxmaan Axmad Cali taladaasi way u cuntami weyday, waxana la foolxumaatay dalka in lakala jaro oo dawlado kale badh loo gooyo waanay ku gacan saydheen, dadaalkaasina sidaas ayuu u dhicisoobay.
Way ka soo waadday, waxa maantana taagan oo dib u soo cusboonaadey damacii ciise u ka lahaa Saylac iyagoo markan adeegsanaya Rayaale si dhulak samaroon aw uga gado. Waxa kaloo caalamka la maqashiiyey inay saylac tahay dhul ciise, Ugaaska ciisana dhulka ciise oo dhan u soo mari doono laguna caleemo saari doono sidii Ugaas xasanba loogu caleemo saaray 1910 kii ayey yidhaahdeen. waana taariikh been ah oo wax allaale wax ka jiraa aanay jirin, ugaas ciise iyo mid samaroon oo saylac lagu caleemo saarayna weligeedgba hore umay dhicin, waxase looga danleeyahay in caalamka lagu wargeliyo inay saylac tahay dhul ciise marka lagu caleemo saarana ciise wuxu doonayaa inu ku mormo saylac inay iyagu leeyihiin. Waxa iyaduna jirta Saylac in Rayaale u magacaabay laba guddoomiye gobol oo is xiga, taasoon maanta ka horteed an hore u dhicin. Waxa kaloo dhacday in labada jasiiradood ee sacadiin iyo ceebaad u Rayaale ka iibiyey nin reer Jabuuti ah, intaa waxa dheer, in dawladda jabuuti soohdin biyoodkeedii ay soo durkisay sida kiiniya ay somaliya ugu soo durkisay oo kale Rayaalana u la ogyahay laakiin shacabku aanay wada ogayn. Waxanan u sheegaynaa ugaaska Ciise iyo ciddi kale ka danbeysaba arrinta inan Rayaale dal Samaroon aanu bixin karin ee sidii horeba lacagahaad bixiseen la idiinku cunay, tanina la idiinku cuni doonee, waxan idinkula talineynaa inad aayaar Rayaale ka doonataan lacagtiinna intay goori goor tahay een saacaddu idinka dhicin.
Waxa kaloon Rayaale qudhiisa u sheegaynaa in taariikh madow u ku leeyahay ummadda samaroon gudaha iyo dibeddaba, martigelin iyo magangelyo toona anagu lahyn, dayro iyo dadnimo la’aanna u ka qoranyahay ummadda intuu madaxii saan leeyahay.
isku soo wada xooriyoo, ninna dhul u leeyahay iib kuma raadiyo lacagana kuma bixiyo ee nin waliba dhul intuu leeyahay ayuu leeyahay, sidaa darteed, waxa marag ma doon ah in Saylac aanay ahayn dhul ciise, balse ciise damac wado si ay u yeeshaan, iyagoo weligoodba ku taamayey inay iibsadaan sidaana ay ku yeeshaan waana wax an marnaba caqliga an gali karayn.
Waxa kaloo intaa raaca oo an halkan ku cadayneynaa in saylac ay ahayd dal samaroon taariikhda marka dib loogu noqodo ilaa 1554kii oo ah qarnigii Axmad Guray. Axmad Gurayna wuxu ahaa sida taariikhda ku cad nin samaroon ah oo ka sii ah jilib Abaraynka ka mid ah oo la yidhaa Geesaale. Magaciisuna waxa weeyi Axmed Ibraahim Geesaale. Sida ku qoran buugga la yidhaa futuuxal xabash waxa ku adkaatay ninkii carabkii Geesaale wuxuna u qoray –Ghasali wuuse u dhaweeyey runtii. Sidaa awgeed, waxan marnaba an shiki ku jirin in ummada samaroon weligood ay lahaayeen Saylac anu ilaahay halkaa ku beeray kan talin jireen illa maantana ay leeyihiin.
Haddaan dhankale wax ka tuso, sugaanta afka (oral literature) ee la iska dhaxlo waxa jirta gabay odhanaya: halka xaramka loo sii mariyo xaafadda Abrayka. halkaasoo an ka dheehan karno inay jirtay xaafad la yidhaa xaafad Abrayn. sidoo kale, salal waa doox ku yaal degaanka saylac oo odayaashii hore ee Abrayka loogu magac daray oday ka mid ahaa. Waxa sidoo kale jira ceelka la yidhaa ceelka Axmad Shabeel oo ku yaal jiidda saylac in isagana logu magac daray odaygii qoday ceelka.
si kastoo ay tahay, sida taariikhdu ay qorayso waxa kaloo jirta in dhinaca baayac mushtarka, siyaasadda iyo dhaqaalahaba ay hormuud ka ahaayeen ummadda samaroon oo niman xujay u badani ay maamulka degaanka saylac gacanta ay ku hayeen sida iyagana wax laga weydiin jiray saylac: Xaaji Kheyre, Xaaji Kuul, Xaaji diide, Xaaji Cabdi, Xaaji Ibrahim, xaaji cawleed, Cali Dable iyo qaar kaloo badan.
Haddan wax yar ka taabto Cali dable, Cali wuxu ahaa geesi samaroon oo dagaalyahan ah, waxana jirtay mar Saylac looga talin jiray Mokha oo Cadan ku taal dalkuna u gacan galay amiirkii Carbeed ee markaa Mokha haystay. Cali Dable isagoo arrintaa aad uga tiiraanyeysan ayuu dagaal ku qaaday Amiirkii carbeed ee markaa dalka talinayey isagaa halkaa ku jabiyey amiirkii mokha iyo ciidankiisaba. waxa halhays noqotay oo carabtii jabtay laga hayaa inay yidhdeen “Cali dablow na hambi” oo macnaheedu yahay jabnaye haddaba Cali dablow wax naga hanbee oo na badbaadi.
Cali dable waxa ka mid ah tafiirtiisii oo maanta jooga jilibka ka mid mid ah Bahabar oo la yidhaa reer Cali dable.
Sidoo kale, waxa cadaynayanaa inay saylac weligeeba ay ahayd dal samaroon, heshiiskii caalamiga ahaa ee ay wada galeen ingriiska iyo samaroonku anay ku kala saxeexdeen magaalada Saylac sannadku markuu ahaa 1884kii kasoo u qornaa sidatan:
Wasalaamu calaykum wa raxmatullaah
Afyaheenka:
Siciid Qaalib Warsame - December 24, 2009 3:45 am
Rayale wanted ayuu ka yahay Awdal waa in hantidiisa borama lagu iibiyaa rasaas lagu laayo dadkan xeebta dhacaya
Ahmed Mahdi - December 24, 2009 3:46 am
dagaal kola qaadimaysaane abtiyaal iska nasta afar casho ayaad qaylqaylin doontaan dabadeed samir ayaad qaadaysaane qaylada iska daaya ciise intaad iska eegaysaan wakaase sacadadiin ayaa qaatey abtiyaal xumaanta ciise yareeya anagu dhul iyo dadba idinkama rabno damaca intaa leegina naguma jiro dhul iyo wadanba waan leenahay ee khatarta inagu soo wada socota waa Isaq ee iska jira dagaal ayaa loo baahan yahay ee qaylada yareena ama iska samra sidiinii
Uurweyne - December 24, 2009 3:50 am
Horta salaan iga dudooma dhamantiin intaa waxaan raacsan lahaa sacadadiin dahir ayaa iibiyey ee cidkale yaan lala fuulin eedeeda saladiinta dhawrka oday iyagu way ku saxsan yihiin inay dadka wixii jira u shegaan lakiin dadka reer borama miyey hurdaan waar damiir xumaa dadku miyeyna ka dhiidhiyin dhaca dhulkooda maalnba dhinac la qaadanayo dhalinyaro inta la ururiyo dagaal ha la qaado hadii kale hadal waxba ma tarayo
Barkhad Ibrahim - December 24, 2009 3:53 am
ciilku badanaa waar ragayagii wadankan lahayi aaway gudo iyo dibadba wax hadla waxa ugu horeya sadexdaa oday ee laga soo masaafuriyey saylac intii kale aaway ????????
Sahra Maxamed - December 24, 2009 3:54 am
dagaalka waa inay raga maxad case qadaan markaa samarona waa inuu tageeraa hadii sida dhabta ah laga hadlayo weeyi lakiin nimankan tolkeena ee maxadcase maxay rabaan siday wax u rabaan waa in iyaga laga maqlaa hadal ilaa hada waxay doonayaan lama maqal dahir rayale ka baxa ee jabhadii buuralayda iyo bada cas soo cesha tolkayow anagana na weydiiya maal iyo rasaas lakin waxa intaa dhaafsani waa hadal haan ma buuxsho
Yasin ilka case - December 24, 2009 3:58 am
Adhi juguc juguc kama waynaado cadh maalinkaliya ah lma arabo ee waxaa la rabaa ficil cid ficlana kuma ogin gadabuursi haday ahaan lahayd salaadin cuqaal aqonyahan dhalinyaro markaa sidiinibaad yara hadhadalaysaan hadhawn waa ilaabi doontaane intaad iloobaysaan baan suganaa
okkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
Makador - December 24, 2009 4:41 pm
walaal aad ayaan idinsalamayaa bahdaa saylac iyo dhamaan daadka wax kusoo qoraa saylacbaa intaa kadib walaal mantaa way inoo muqataa xaqiiqdu mantaa hadii intoo la ibshay dhulkii hadana la leyahay kusoo galaa vise waa nasiib daroo usoo hoyatay umada samaroon oo dhan lakiin wax yab leh daadka ila mantaa ka hadlii la dhibatada ka jirtaa wadankaa waxan u wada joognay raagi la layey oo mantaa ayna jiriin ciid hadalhaysaa markaa waxan filyaa samaroon wuu babanyahay oo waa laboo cishoo sheekato ma dhaftoo lakiin maxa inaga qaatay damiirkii wax an ku kala garanaynay walaal hadal haan ma buuxshoo waxa lo bahanyahay ficiil in an ku darnoo hurdada ka kagaa walalayaal
ahmed - December 24, 2009 5:26 pm
salaadintu waa kuwee???? ma kuwii yidhi diiwan galinta awdal ku horen meyso, ma kuwii yidhi dad qalatadii qasab ha lagu soo qabto. hadalkodu runtii meel ma gaadho. hadii ay umada wax la rabaan waa iney ka guuran borama oo kii gabiley ka yimid ku noqdo kii saylac kaso jeedo sido kale.
7 suldaan ee tegey saylac waxa dhaama suldan kaliya oo issaaq ah runtii. reer sh issaq xabaal la dumiyey ayey ka gadooden iska dhaaf wax kalee.
idka - December 24, 2009 7:36 pm