Agaasimihii Warfaafinta oo Xilkii Laga Qaaday
Hargeysa (Saylac.com)- Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta xilkii ka qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Axmed Xasan Yuusuf.
Waxaana warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta Madaxtooyada lagu eedeeyay Agaasimaha xilka laga qaaday wada-shaqayn la’aan uu kula kacay masuulka uu la shaqeeyo, iyada oo eedayntaas aan loogu jeedin Wasaarada Warfaafinta oo keliya, balse warsaxaafadeedkan lagu xusay in Wasaarada Qoyska oo uu Agaasime guud ka ahaan jirayna uu la shaqayn waayay Wasiirka Qoyska.
Madaxweynaha Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa xilkan si ku-meel-gaadh ah ugu magacaabay Maxamed-siciid Muxumed oo ahaa Agaasimaha Idaacada Radio Hargeysa inuu sii ahaado Agaasimaha Guud ee Warfaafinta.